1
1 Bilowgii waxaa jiray Hadalka, Hadalkuna wuxuu la jiray Ilaah, Hadalkuna wuxuu ahaa Ilaah. 
1 In the beginning was the Word, and the Word was with God, and the Word was God. 
2 Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii. 
2 The same was in the beginning with God. 
3 Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis. 
3 All things were made by him; and without him was not any thing made that was made. 
4 Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka. 
4 In him was life; and the life was the light of men. 
5 Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin. 
5 And the light shineth in darkness; and the darkness comprehended it not. 
6 Waxaa jiray nin xagga Ilaah laga soo diray, magiciisuna wuxuu ahaa Yooxanaa. 
6 There was a man sent from God, whose name was John. 
7 Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan. 
7 The same came for a witness, to bear witness of the Light, that all men through him might believe. 
8 Isagu nuurka ma uu ahayn, laakiin wuxuu u yimid inuu nuurka u marag furo. 
8 He was not that Light, but was sent to bear witness of that Light. 
9 Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada. 
9 That was the true Light, which lighteth every man that cometh into the world. 
10 Wuxuu ku jiray dunida. dunidana waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo duniduna ma ay garanayn isaga.
10 He was in the world, and the world was made by him, and the world knew him not. 
11 Wuxuu u yimid kuwiisii, kuwiisiina ma ay aqbalin isaga.
11 He came unto his own, and his own received him not. 
12 Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay,
12 But as many as received him, to them gave he power to become the sons of God, even to them that believe on his name: 
13 Oo aan ka dhalan dhiigga, ama doonistii jidhka, ama dad doonistiis, laakihl waxay ka dhasheen Ilaah.
13 Which were born, not of blood, nor of the will of the flesh, nor of the will of man, but of God. 
14 Hadalkuna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.
14 And the Word was made flesh, and dwelt among us, (and we beheld his glory, the glory as of the only begotten of the Father,) full of grace and truth. 
15 Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.
15 John bare witness of him, and cried, saying, This was he of whom I spake, He that cometh after me is preferred before me: for he was before me. 
16 Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco.
16 And of his fulness have all we received, and grace for grace. 
17 Waayo, sharciga waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise Masiix.
17 For the law was given by Moses, but grace and truth came by Jesus Christ. 
18 Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.
18 No man hath seen God at any time; the only begotten Son, which is in the bosom of the Father, he hath declared him. 
19 Kanu waa maraggii Yooxanaa furay, markii Yuhuuddu Yeruusaalem uga soo direen wadaaddo iyo kuwo reer Laawi ah inay weydiiyaan oo ku yidhaahdaan. Yaad tahay?
19 And this is the record of John, when the Jews sent priests and Levites from Jerusalem to ask him, Who art thou? 
20 Isagu waa qirtay, mana uu inkirin, oo wuxuu qirtay oo yidhi, Anigu ma ihi Masiixa.
20 And he confessed, and denied not; but confessed, I am not the Christ. 
21 Markaasay weydiiyeen, Haddaba yaad tahay? Ma Eliyaas baad tahay? Wuxuuna yidhi, Ma ihi. Ma nebigii baad tahay? Wuxuuna ku jawaabay, Maya.
21 And they asked him, What then? Art thou Elias? And he saith, I am not. Art thou that prophet? And he answered, No. 
22 Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Yaad tahay? si aannu jawaab ugu celinno kuwii na soo diray. Yaad isku sheegaysaa?
22 Then said they unto him, Who art thou? that we may give an answer to them that sent us. What sayest thou of thyself? 
23 Wuxuu yidhi, Waxaan ahay codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga toosiya, siduu nebi Isayos u yidhi.
23 He said, I am the voice of one crying in the wilderness, Make straight the way of the Lord, as said the prophet Esaias. 
24 Kuwa la soo diray waxay ka yimaadeen Farrisiinta.
24 And they which were sent were of the Pharisees. 
25 Markaasay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba maxaad dadka u baabtiistaa haddaanad ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebigii?
25 And they asked him, and said unto him, Why baptizest thou then, if thou be not that Christ, nor Elias, neither that prophet? 
26 Yooxanaa wuxuu ugu jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan dadka ku baabtiisaa biyo. Iaakiin dhexdiinna waxaa jooga mid aydnaan Garanaynin
26 John answered them, saying, I baptize with water: but there standeth one among you, whom ye know not; 
27 oo ah kan iga daba imanaya, kan aanan istaahilin inaan yeelmaha kabtiisa furo.
27 He it is, who coming after me is preferred before me, whose shoe's latchet I am not worthy to unloose. 
28 Waxyaalahaasu waxay ka dhaceen Beytaniya taas oo ku taal Webi Urdun shishadiisa, oo ahayd meeshii Yooxanaa dadka ku baabtiisayay.
28 These things were done in Bethabara beyond Jordan, where John was baptizing. 
29 Maalintii labaad Yooxanaa wuxuu arkay Ciise oo ku soo socda, oo wuxuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya.
29 The next day John seeth Jesus coming unto him, and saith, Behold the Lamb of God, which taketh away the sin of the world. 
30 Kanu waa kii aan idhi, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey waayo, hortay buu jiray.
30 This is he of whom I said, After me cometh a man which is preferred before me: for he was before me. 
31 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa.
31 And I knew him not: but that he should be made manifest to Israel, therefore am I come baptizing with water. 
32 Yooxanaa waa marag furay isagoo leh, Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degaya sidii qoolley oo kale, wuuna dul joogsaday isagii.
32 And John bare record, saying, I saw the Spirit descending from heaven like a dove, and it abode upon him. 
33 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Qoduuska ah.
33 And I knew him not: but he that sent me to baptize with water, the same said unto me, Upon whom thou shalt see the Spirit descending, and remaining on him, the same is he which baptizeth with the Holy Ghost. 
34 Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah.
34 And I saw, and bare record that this is the Son of God. 
35 Mar kale maalintii dambe Yooxanaa waa taagnaa isaga iyo laba xertiisa ahayd.
35 Again the next day after John stood, and two of his disciples; 
36 Oo wuxuu arkay Ciise oo socda, markaasuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah.
36 And looking upon Jesus as he walked, he saith, Behold the Lamb of God! 
37 Labadii xerta ahaydna way maqleen isagoo hadlaya, wayna raaceen Ciise.
37 And the two disciples heard him speak, and they followed Jesus. 
38 Markaasaa Ciise soo jeestay, waana arkay iyagoo raacaya, kolkaasuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan'? Waxay ku yidhaahdeen, Rabbi (waxaa lagu fasiraa Macallin), Xaggee baad deggan tahay?
38 Then Jesus turned, and saw them following, and saith unto them, What seek ye? They said unto him, Rabbi, (which is to say, being interpreted, Master,) where dwellest thou? 
39 Wuxuu ku yidhi, Kaalaya oo arka, Markaasay yimaadeen oo arkeen meeshuu degganaa, wayna la joogeen maalintaas. Goortaas waxay ahayd abbaaraha saacaddii tobnaad.
39 He saith unto them, Come and see. They came and saw where he dwelt, and abode with him that day: for it was about the tenth hour. 
40 Mid ka mid ah labadii maqashay Yooxanaa oo raacday, wuxuu ahaa Andros, Simoon Butros walaalkiis.
40 One of the two which heard John speak, and followed him, was Andrew, Simon Peter's brother. 
41 Isagu wuxuu hortii doonay walaalkiis Simoon oo ku yidhi, Waannu helnay Masiixa (kan lagu fasiro Kristooska).
41 He first findeth his own brother Simon, and saith unto him, We have found the Messias, which is, being interpreted, the Christ. 
42 Markaasuu wuxuu u geeyey Ciise. Ciisena intuu eegay ayuu wuxuu ku yidhi. Adigu waxaad tahay Simooll ina Yoonis. Waxaa lagu odhan doonaa Keeyfa (oo fasirkiisu yahay Butros).
42 And he brought him to Jesus. And when Jesus beheld him, he said, Thou art Simon the son of Jona: thou shalt be called Cephas, which is by interpretation, A stone. 
43 Maalintii labaad wuxuu doonayay inuu Galili tago, oo wuxuu helay Filibos. Ciisena wuxuu ku yidhi, I soo raac.
43 The day following Jesus would go forth into Galilee, and findeth Philip, and saith unto him, Follow me. 
44 Filibos wuxuu ahaa reer Beytsayda taas oo ah magaaladii Andros iyo Butros.
44 Now Philip was of Bethsaida, the city of Andrew and Peter. 
45 Markaasaa Filibos wuxuu doonay Nataana el oo ku yidhi, Waxaannu helnay kii Muuse sharciga ku qoray wax isaga ku saabsan. oo nebiyadiina ay qoreen wax isaga ku saabsan, waana Ciisihii reer Naasaret oo ah ina Yuusuf.
45 Philip findeth Nathanael, and saith unto him, We have found him, of whom Moses in the law, and the prophets, did write, Jesus of Nazareth, the son of Joseph. 
46 Nataanael wuxuu ku yidhi. Ma wax wanaagsan baa ka iman kara Naasaret? Markaasaa Filibos wuxuu ku vidhi. Kaalay oo arag.
46 And Nathanael said unto him, Can there any good thing come out of Nazareth? Philip saith unto him, Come and see. 
47 Ciise wuxuu arkay Nataana el oo ku soo socda. oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg. kanu waa mid reer Israa iil oo run ah oo aan khiyaano lahayn.
47 Jesus saw Nathanael coming to him, and saith of him, Behold an Israelite indeed, in whom is no guile! 
48 Markaasaa Nataana el wuxuu ku yidhi. Xaggee baad igu tiqiin? Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi. Intaall Filibos kuu yeedhin, markaad geedkii berdaha hoostiisa joogtay, ayaan ku arkay.
48 Nathanael saith unto him, Whence knowest thou me? Jesus answered and said unto him, Before that Philip called thee, when thou wast under the fig tree, I saw thee. 
49 Kolkaasaa Nataana el u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaad tahay Wiilka Ilaah, oo waxaad tahay boqorkii Israa iil.
49 Nathanael answered and saith unto him, Rabbi, thou art the Son of God; thou art the King of Israel. 
50 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad u rumaysatay odhaatinkii aan kugu idhi. Geedka berdaha hoostiisa ayaan kugu arkay'? Waxaad arki doontaa wax waxyaalahaas ka waaweyn.
50 Jesus answered and said unto him, Because I said unto thee, I saw thee under the fig tree, believest thou? thou shalt see greater things than these. 
51 Mar kaasuu ku yidhi, Runtii. runtii. waxaan idinku ieeyahay, Waxaad arki doontaan samadoo furall iyo malaa igaha Ilaah oo kor u kacaya oo ku soo degaya Wiilka Aadanaha.
51 And he saith unto him, Verily, verily, I say unto you, Hereafter ye shall see heaven open, and the angels of God ascending and descending upon the Son of man.
2
1 Maalintii saddexaad waxaa Kaana tii Galili jiray aroos, Ciise hooyadiisna halkaasay joogtay.
1 And the third day there was a marriage in Cana of Galilee; and the mother of Jesus was there: 
2 Waxaana arooska loogu yeedhay Ciise iyo xertiisii.
2 And both Jesus was called, and his disciples, to the marriage. 
3 Markii khamrigu dhammaaday Ciise hooyadiis waxay isaga ku tidhi, Khamri ma ay qabaan.
3 And when they wanted wine, the mother of Jesus saith unto him, They have no wine. 
4 Markaasaa Ciise wuxuu iyada ku yidhi, Islaan yahay. aniga iyo adiga maxaa inoo dhexeeya? Saacaddaydu weli ma iman.
4 Jesus saith unto her, Woman, what have I to do with thee? mine hour is not yet come.
5 Kolkaasaa hooyadiis waxay midiidinyadii ku tidhi, Wax kastuu idinku yidhaahdo, yeela.
5 His mother saith unto the servants, Whatsoever he saith unto you, do it. 
6 Meeshaas waxaa yiil lix ashuun oo dhagax ah, oo loo dhigay caadada Yuhuudda oo daahirinta, mid kastaana wuxuu qaadi jiray qiyaas laba ama saddex metritas.
6 And there were set there six waterpots of stone, after the manner of the purifying of the Jews, containing two or three firkins apiece. 
7 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ashuummada biyo ka buuxiya, goortaasay buuxiyeen ilaa girgirka.
7 Jesus saith unto them, Fill the waterpots with water. And they filled them up to the brim. 
8 Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Ka soo dhura oo u geeya ka miiska arooska madaxda u ah, wayna u geeyeen.
8 And he saith unto them, Draw out now, and bear unto the governor of the feast. And they bare it. 
9 Kii madaxda ahaa markuu dhadhamiyey biyihii khamriga noqday ma uu ogayn meel ay ka yimaadeen, laakiin midiidinyadii oo soo dhuray way ogaayeen; markaasaa kii madaxda ahaa u yeedhay ninkii arooska ahaa,
9 When the ruler of the feast had tasted the water that was made wine, and knew not whence it was: (but the servants which drew the water knew;) the governor of the feast called the bridegroom, 
10 oo ku yidhi, Nin kastaa marka hore wuxuu soo saaraa khamriga wanaagsan, oo markay u cabbaan siday doonayaan dabadeedna ayuu keenaa kan liita; adiguse khamriga wanaagsan ilaa haddeer ayaad dib u dhigtay.
10 And saith unto him, Every man at the beginning doth set forth good wine; and when men have well drunk, then that which is worse: but thou hast kept the good wine until now. 
11 Calaamooyinka Ciise tii ugu horraysay waxay ahayd tan uu ku sameeyey Kaana tii Galili. oo wuxuu ku muujiyey ammaantllsil, xertilsima way rumaysteen.
11 This beginning of miracles did Jesus in Cana of Galilee, and manifested forth his glory; and his disciples believed on him. 
12 Waxaas dabadeed wuxuu tegey Kafarna um. waxaana la socday hooyadiis iyo walaalihiis iyo xertiisii, oo maalmo aan badnayn ayay meeshaas joogeen.
12 After this he went down to Capernaum, he, and his mother, and his brethren, and his disciples: and they continued there not many days. 
13 Liddii Kormaridda oo Yuhuudda waa dhowayd, oo Ciisena wuxuu u kacay Yeruusaalem.
13 And the Jews' passover was at hand, and Jesus went up to Jerusalem, 
14 Wuxuu macbudka ku arkay kuwa ku iibinaya dibiyo iyo ido iyo qoolleyo, iyo kuwa fadhiya oo lacagta bedbeddelaya.
14 And found in the temple those that sold oxen and sheep and doves, and the changers of money sitting: 
15 Markaasuu xadhko karbaash ka sameeyey, kulligoodna ayuu macbudka ka eryay, dibiyada iyo idaha labadaba, lacagtiina wuu ka daadiyey kuwii bedbeddelayay, miisaskoodiina wuu rogay.
15 And when he had made a scourge of small cords, he drove them all out of the temple, and the sheep, and the oxen; and poured out the changers' money, and overthrew the tables; 
16 Kuwii qoolleyaha iibinayayna wuxuu ku yidhi, Waxyaalahan halkan ka qaada. Guriga Aabbahay ha ka dhigina guri baayacmushtari.
16 And said unto them that sold doves, Take these things hence; make not my Father's house an house of merchandise. 
17 Xertiisii waxay xusuusteen in la qoray. Qiiradaan gurigaaga u qabo ayaa i gubaysa.
17 And his disciples remembered that it was written, The zeal of thine house hath eaten me up. 
18 Sidaa aawadeed Yuhuuddu waa u jawaabtay oo ku tidhi isaga, Calaamadee baad na tusaysaa waxaad waxyaalahaas u samaynayso?
18 Then answered the Jews and said unto him, What sign shewest thou unto us, seeing that thou doest these things? 
19 Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Macbudkan dumiya oo saddex maalmood dabadeed ayaan kicin doonaa.
19 Jesus answered and said unto them, Destroy this temple, and in three days I will raise it up. 
20 Yuhuuddu haddaba waxay yidhaahdeen, Lix iyo afartan samladood ayaa macbudkan la dhisayay, adiguna ma waxaad ku kicinaysaa saddex maalmood?
20 Then said the Jews, Forty and six years was this temple in building, and wilt thou rear it up in three days? 
21 Isaguse wuxuu ka hadlayay macbudka jidhkiisa ah.
21 But he spake of the temple of his body. 
22 Sidaa aawadeed markuu ka soo sara kacay kuwii dhintay, xertiisii way soo xusuusteen inuu taas ka hadlay, wayna rumaysteen Qorniinka iyo hadalkii Ciise yidhi.
22 When therefore he was risen from the dead, his disciples remembered that he had said this unto them; and they believed the scripture, and the word which Jesus had said. 
23 Markuu Yeruusaalem joogay wakhtigii liddii Kormaridda dad badan ayaa magiciisa rumaystay markay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.
23 Now when he was in Jerusalem at the passover, in the feast day, many believed in his name, when they saw the miracles which he did. 
24 Laakiin Ciise qudhiisu iskuma hallayn iyaga, waayo dadka oo dhan ayuu yiqiin,
24 But Jesus did not commit himself unto them, because he knew all men, 
25 oo uma baahnayn in laga marag furo dadka, waayo, isaga qudhiisu waa yiqiin waxa dadka ku jira.
25 And needed not that any should testify of man: for he knew what was in man.
3
1 Waxaa jiray nin ka mid ahaa Farrisiinta oo la odhan jiray Nikodemos oo Yuhuudda taliye u ahaa.
1 There was a man of the Pharisees, named Nicodemus, a ruler of the Jews: 
2 Isagu habeenkuu u yimid Ciise, wuxuuna ku yidhi, Macallimow, waannu og nahay inaad tahay macallin ka yimid Ilaah, waayo, ninna ma samayn karo calaamooyinkan aad samayso haddaan Ilaah la jirin.
2 The same came to Jesus by night, and said unto him, Rabbi, we know that thou art a teacher come from God: for no man can do these miracles that thou doest, except God be with him. 
3 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii waxaan kugu leeyahay, Qof haddaanu mar kale dhalan, boqortooyadii Ilaah arki kari maayo.
3 Jesus answered and said unto him, Verily, verily, I say unto thee, Except a man be born again, he cannot see the kingdom of God. 
4 Nikodemos wuxuu ku yidhi, Sidee baa nin mar kale u dhalan karaa isagoo duq ah? Miyuu mar kale uurkii hooyadiis geli karaa oo ka dhalan karaa?
4 Nicodemus saith unto him, How can a man be born when he is old? can he enter the second time into his mother's womb, and be born?
5 Ciise baa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Qof haddaanu ka dhalan biyo iyo Ruuxa, boqortooyadii Ilaah geli kari maayo.
5 Jesus answered, Verily, verily, I say unto thee, Except a man be born of water and of the Spirit, he cannot enter into the kingdom of God. 
6 Waxa jidhka ka dhashaa waa jidh, waxa Ruuxa ka dhashaana waa ruux.
6 That which is born of the flesh is flesh; and that which is born of the Spirit is spirit. 
7 Ha la yaabin haddaan ku leeyahay, Waa inaad mar kale dhalataan.
7 Marvel not that I said unto thee, Ye must be born again. 
8 Dabayshu way u dhacdaa meeshay doonto, waxaadna maqashaa xiinkeeda, laakiin ma ogid meeshay ka timaado iyo meeshay u kacdo; waa sidaas oo kale qof kasta oo Ruuxa ka dhasha.
8 The wind bloweth where it listeth, and thou hearest the sound thereof, but canst not tell whence it cometh, and whither it goeth: so is every one that is born of the Spirit. 
9 Nikodemos ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sidee baa waxyaalahaas u noqon karaan?
9 Nicodemus answered and said unto him, How can these things be? 
10 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad tahay macallinka Israa'iil, oo aadan weliba waxyaalahaasna garanayn?
10 Jesus answered and said unto him, Art thou a master of Israel, and knowest not these things? 
11 Runtii, runtii, waxaan ku leeyahay, Waxaannu naqaan ayaannu ka hadalnaa, oo waxaannu aragnay ayaannu ka marag furnaa, idinkuna maraggayaga ma aqbashaan.
11 Verily, verily, I say unto thee, We speak that we do know, and testify that we have seen; and ye receive not our witness. 
12 Haddaan wixii dunida idiin sheegay oo aad rumaysan weydeen, sidee baad u rumaysanaysaan haddaan waxa jannada idiin sheego?
12 If I have told you earthly things, and ye believe not, how shall ye believe, if I tell you of heavenly things? 
13 Ninna jannada kor uma tegin, kii jannada ka soo degay maahee, waana Wiilka Aadanaha oo jannada jooga.
13 And no man hath ascended up to heaven, but he that came down from heaven, even the Son of man which is in heaven. 
14 Sidii Muuse abeesadii kor ugu qaaday cidlada, sidaasoo kale Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado,
14 And as Moses lifted up the serpent in the wilderness, even so must the Son of man be lifted up: 
15 in mid kastoo isaga rumaystaa uu lahaado nolosha weligeed ah.
15 That whosoever believeth in him should not perish, but have eternal life. 
16 Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.
16 For God so loved the world, that he gave his only begotten Son, that whosoever believeth in him should not perish, but have everlasting life. 
17 Ilaah Wiilka uguma soo dirin dunida inuu xukumo dunida, laakiin wuxuu u soo diray inay dunidu ku badbaaddo isaga.
17 For God sent not his Son into the world to condemn the world; but that the world through him might be saved. 
18 Kii isaga rumaystaa ma xukumna, laakiinse kii aan isaga rumaysan, hore ayaa loo xukumay, maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan magaca Wiilka Ilaah oo keliya oo dhashay.
18 He that believeth on him is not condemned: but he that believeth not is condemned already, because he hath not believed in the name of the only begotten Son of God. 
19 Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen.
19 And this is the condemnation, that light is come into the world, and men loved darkness rather than light, because their deeds were evil. 
20 Nin kastoo shar falaa nuurkuu nebcaadaa, umana yimaado nuurka, si aan shuqulladiisa loogu canaanan.
20 For every one that doeth evil hateth the light, neither cometh to the light, lest his deeds should be reproved. 
21 Laakiinse kii runta falaa, nuurkuu yimaadaa si shuqulladiisu u muuqdaan in Ilaah laga sameeyey.
22 Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay.
22 After these things came Jesus and his disciples into the land of Judaea; and there he tarried with them, and baptized. 
23 Yooxanaana wuxuu dad ku baabtiisayay Caynoon oo ku dhow Saalim, waayo, meeshaasu waxay lahayd biyo badan, iyaguna way yimaadeen, waana la baabtiisay.
23 And John also was baptizing in Aenon near to Salim, because there was much water there: and they came, and were baptized. 
24 Waayo, Yooxanaa weli xabsiga laguma tuurin.
24 For John was not yet cast into prison. 
25 Sidaa aawadeed waxaa ka dhex kacay Yooxanaa xertiisii iyo nin Yuhuudi ahaa weydiis oo daahirinta ku saabsan.
25 Then there arose a question between some of John's disciples and the Jews about purifying. 
26 Markaasay u yimaadeen Yooxanaa oo ku yidhaahdeen, Macallimow, kii kula jiray Webi Urdun shishadiisa oo aad marag u furtay ayaa dad baabtiisaya, oo dadka oo dhan way u imanayaan.
26 And they came unto John, and said unto him, Rabbi, he that was with thee beyond Jordan, to whom thou barest witness, behold, the same baptizeth, and all men come to him. 
27 Yooxanaa waa u jawaabay oo ku yidhi, Ninna waxba ma heli karo haddaan jannada laga siin.
27 John answered and said, A man can receive nothing, except it be given him from heaven. 
28 Idinka qudhiinnu markhaatiyaal baad tihiin inaan idhi, Anigu ma ihi Masiixa, laakiin hortiisa ayaa lay soo diray.
28 Ye yourselves bear me witness, that I said, I am not the Christ, but that I am sent before him. 
29 Kii aroosadda qabaa waa arooska, laakiin saaxiibka arooska oo ag taagan oo maqla isaga, aad buu ugu farxaa codkii arooska daraaddiis. Sidaa aawadeed farxaddaydu waa dhan tahay.
29 He that hath the bride is the bridegroom: but the friend of the bridegroom, which standeth and heareth him, rejoiceth greatly because of the bridegroom's voice: this my joy therefore is fulfilled. 
30 Isagu waa inuu kordho, aniguse waa inaan varaado.
30 He must increase, but I must decrease. 
31 Kii xagga sare ka yimaadaa, dhammaan ayuu ka sarreeyaa; kii dunida ka yimaadaana waa kii dunida, oo wuxuu ka hadlaa dunida. Kii jannada ka yimaadaa, dhammaan ayuu ka sarreeyaa.
31 He that cometh from above is above all: he that is of the earth is earthly, and speaketh of the earth: he that cometh from heaven is above all. 
32 Wuxuu arkay oo maqlay waxaas ayuu ka marag furaa, ninnana maraggiisa ma aqbalo.
32 And what he hath seen and heard, that he testifieth; and no man receiveth his testimony. 
33 Kii maraggiisa aqbalay wuxuu xaqiijiyey in Ilaah run yahay.
33 He that hath received his testimony hath set to his seal that God is true. 
34 Waayo, kii Ilaah soo diray ayaa hadalkii Ilaah ku hadla, maxaa yeelay, isagu qiyaas kuma siiyo Ruuxa.
34 For he whom God hath sent speaketh the words of God: for God giveth not the Spirit by measure unto him. 
35 Aabbuhu wuu jecel yahay Wiilka, oo wax walba ayuu gacanta u geliyey.
35 The Father loveth the Son, and hath given all things into his hand. 
36 Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, kii aan Wiilka rumaysanse, nolosha ma arki doono, laakiin cadhadii Ilaah ayaa ku taal isaga.
36 He that believeth on the Son hath everlasting life: and he that believeth not the Son shall not see life; but the wrath of God abideth on him.
4
1 Kolkii Ciise ogaaday inay Farrisiintu maqleen inuu yeelanayay oo baabtiisayay xer ka badan intii Yooxanaa
1 When therefore the Lord knew how the Pharisees had heard that Jesus made and baptized more disciples than John, 
2 (in kastoo Ciise qudhiisu uusan baabtiisin, laakiin xertiisu way baabtiisayeen),
2 (Though Jesus himself baptized not, but his disciples,) 
3 ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili.
3 He left Judaea, and departed again into Galilee. 
4 Oo wuxuu lahaa inuu Samaariya dhex maro.
4 And he must needs go through Samaria.
5 Haddaba wuxuu yimid magaalada Samaariya, oo Sukhar la odhan jiray, oo ku dhowayd dalkii Yacquub siiyey wiilkiisii Yuusuf.
5 Then cometh he to a city of Samaria, which is called Sychar, near to the parcel of ground that Jacob gave to his son Joseph. 
6 Waxaana meeshaas jiray ceelkii Yacquub. Haddaba Ciise oo sodcaal ku soo daalay, wuxuu fadhiistay ceelka agtiisa. Saacaddiina waxay ku qiyaasnayd lixda.
6 Now Jacob's well was there. Jesus therefore, being wearied with his journey, sat thus on the well: and it was about the sixth hour. 
7 Markaasaa waxaa timid naag reer Samaariya ah inay biyo dhaansato. Kolkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi iyada, I waraabi.
7 There cometh a woman of Samaria to draw water: Jesus saith unto her, Give me to drink. 
8 Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan.
8 (For his disciples were gone away unto the city to buy meat.) 
9 Naagtii reer Samaariya ahayd waxay haddaba ku tidhi isaga, Sidee baad, adigoo Yuhuudi ah, biyo ii weydiisanaysaa, anigoo naag reer Samaariya ah? (Waayo, dan iskuma leh Yuhuudda iyo reer Samaariya.)
9 Then saith the woman of Samaria unto him, How is it that thou, being a Jew, askest drink of me, which am a woman of Samaria? for the Jews have no dealings with the Samaritans. 
10 Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad wey- diisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool.
10 Jesus answered and said unto her, If thou knewest the gift of God, and who it is that saith to thee, Give me to drink; thou wouldest have asked of him, and he would have given thee living water. 
11 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waxaad biyo ku dhaansato ma haysatid, ceelkuna wuu dheer yahay. Haddaba xaggee baad ka helaysaa biyaha nool?
11 The woman saith unto him, Sir, thou hast nothing to draw with, and the well is deep: from whence then hast thou that living water? 
12 Miyaad ka weyn tahay awowehayagii Yacquub oo ceelka na siiyey oo isaga qudhiisu ka cabbay iyo wiilashiisii iyo xoolihiisuba'?
12 Art thou greater than our father Jacob, which gave us the well, and drank thereof himself, and his children, and his cattle? 
13 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Kii kasta oo biyahan ka cabbaa, mar kale wuu harraadi doonaa,
13 Jesus answered and said unto her, Whosoever drinketh of this water shall thirst again: 
14 laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah.
14 But whosoever drinketh of the water that I shall give him shall never thirst; but the water that I shall give him shall be in him a well of water springing up into everlasting life. 
15 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, biyahan i sii inaanan haddana harraadin oo aanan halkan iman inaan ka dhaansado.
15 The woman saith unto him, Sir, give me this water, that I thirst not, neither come hither to draw. 
16 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Tag oo ninkaagii u soo yeedh, oo halkan kaalay.
16 Jesus saith unto her, Go, call thy husband, and come hither. 
17 Naagtii ayaa u jawaabtay oo ku tidhi, Nin ma lihi. Ciise wuxuu ku yidhi, Run baad ku hadashay, Nin ma lihi.
17 The woman answered and said, I have no husband. Jesus said unto her, Thou hast well said, I have no husband: 
18 Waayo, shan nin baad lahayd, kan aad haddeer haysatidna ninkaagii ma aha. Taas run baad ku sheegtay.
18 For thou hast had five husbands; and he whom thou now hast is not thy husband: in that saidst thou truly. 
19 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waan gartay inaad nebi tahay.
19 The woman saith unto him, Sir, I perceive that thou art a prophet. 
20 Awowayaashayo buurtan ayay ku caabudi jireen, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Yeruusaalem waa meeshii la leeyahay in lagu caabudo.
20 Our fathers worshipped in this mountain; and ye say, that in Jerusalem is the place where men ought to worship. 
21 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba.
21 Jesus saith unto her, Woman, believe me, the hour cometh, when ye shall neither in this mountain, nor yet at Jerusalem, worship the Father. 
22 Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda.
22 Ye worship ye know not what: we know what we worship: for salvation is of the Jews. 
23 Laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale.
23 But the hour cometh, and now is, when the true worshippers shall worship the Father in spirit and in truth: for the Father seeketh such to worship him. 
24 Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.
24 God is a Spirit: and they that worship him must worship him in spirit and in truth. 
25 Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa.
25 The woman saith unto him, I know that Messias cometh, which is called Christ: when he is come, he will tell us all things. 
26 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigoo kula hadlaya ayaa ah isaYa.
26 Jesus saith unto her, I that speak unto thee am he. 
27 Isla markii waxaa timid xertiisii, wayna la yaabeen markay arkeen inuu naag la hadlayo. Weliba ninna ma odhan, Maxaad doonaysaa? amase, Maxaad ula hadlaysaa iyada?
27 And upon this came his disciples, and marvelled that he talked with the woman: yet no man said, What seekest thou? or, Why talkest thou with her? 
28 Sidaa aawadeed naagtii ayaa ashuunkeedii ka tagtay, oo magaaladay u baxday, oo waxay ku tidhi dadkii,
28 The woman then left her waterpot, and went her way into the city, and saith to the men, 
29 Kaalaya oo arka ninkii ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. Miyaanu kani ahayn Masiixa?
29 Come, see a man, which told me all things that ever I did: is not this the Christ? 
30 Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii.
30 Then they went out of the city, and came unto him. 
31 Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun.
31 In the mean while his disciples prayed him, saying, Master, eat. 
32 Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn.
32 But he said unto them, I have meat to eat that ye know not of. 
33 Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno?
33 Therefore said the disciples one to another, Hath any man brought him ought to eat? 
34 Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo.
34 Jesus saith unto them, My meat is to do the will of him that sent me, and to finish his work. 
35 Miyaydnaan odhanin, Waxaa weli hadhay afar bilood oo markaas ayaa beerta la gooynayaa? Bal eega, waxaan idin leeyahay, Indhihiinna kor u qaada oo daya beeraha inay u cad yihiin beergooyska.
35 Say not ye, There are yet four months, and then cometh harvest? behold, I say unto you, Lift up your eyes, and look on the fields; for they are white already to harvest. 
36 Kii gooyaa mushahaaruu helaa, wuxuuna midho u ururiyaa nolosha weligeed ah, inay kii beera iyo kii gooyaaba isla farxaan.
36 And he that reapeth receiveth wages, and gathereth fruit unto life eternal: that both he that soweth and he that reapeth may rejoice together. 
37 Hadalku waa ku run kan, Mid baa beera, mid kalena waa gooyaa.
37 And herein is that saying true, One soweth, and another reapeth. 
38 Waxaan idiin diray inaad gooysaan wixii aydnaan ku hawshoon. Kuwa kale baa hawshooday, hawshoodiina waad gasheen.
38 I sent you to reap that whereon ye bestowed no labour: other men laboured, and ye are entered into their labours. 
39 Waxaa magaaladaas ka rumaystay isaga dad badan oo reer Samaariya ah. hadalkii naagta aawadiis, markay marag furtay oo tidhi, Wuxuu ii sheegay wax walba oo aan sameeyey.
39 And many of the Samaritans of that city believed on him for the saying of the woman, which testified, He told me all that ever I did. 
40 Sidaa darteed markii dadka reer Samaariya ah u yimaadeen isaga, way baryeen inuu la joogo, wuxuuna halkaas joogay laba maalmood.
40 So when the Samaritans were come unto him, they besought him that he would tarry with them: and he abode there two days. 
41 Markaasaa kuwo kale oo badani rumaysteen hadalkiisii aawadiis,
41 And many more believed because of his own word; 
42 oo waxay naagtii ku yidhaahdeen, Imminka waxaannu u rumaysanaynaa ma aha hadalkaaga aawadiis, maxaa yeelay. qudhayadu waannu maqalnay, waannuna naqaan kanu inuu runtii yahay Badbaadiyaha dunida.
42 And said unto the woman, Now we believe, not because of thy saying: for we have heard him ourselves, and know that this is indeed the Christ, the Saviour of the world. 
43 Labadaas maalmood dabadeed meeshaas ayuu ka tegey oo Galili aaday.
43 Now after two days he departed thence, and went into Galilee. 
44 Oo Ciise ayaa ka marag kacay inaan nebi waddankiis murwad ku lahayn.
44 For Jesus himself testified, that a prophet hath no honour in his own country. 
45 Haddaba markuu Galili yimid, dadkii Galili way soo dhoweeyeen, iyagoo arkay wuxuu ku sameeyey Yeruusaalem oo dhan wakhtigii iidda, waayo, iyaguna iiddii way tageen.
45 Then when he was come into Galilee, the Galilaeans received him, having seen all the things that he did at Jerusalem at the feast: for they also went unto the feast. 
46 Haddaba mar kale ayuu yimid Kaana tii Galili oo ahayd meeshuu biyihii khamriga kaga dhigay. Meeshaasna waxaa joogay sirkaal wiilkiisii ku bukay Kafarna um.
46 So Jesus came again into Cana of Galilee, where he made the water wine. And there was a certain nobleman, whose son was sick at Capernaum. 
47 Isagu markuu maqlay inuu Ciise Yahuudiya ka yimid oo Galili gaadhay, ayuu u tegey oo ka baryay inuu u yimaado oo wiilkiisa bogsiiyo, waayo, dhimashuu u dhowaa.
47 When he heard that Jesus was come out of Judaea into Galilee, he went unto him, and besought him that he would come down, and heal his son: for he was at the point of death. 
48 Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaanad calaamooyin iyo yaabab arkin, marnaba ma rumaysan doontaan.
48 Then said Jesus unto him, Except ye see signs and wonders, ye will not believe. 
49 Sirkaalkii wuxuu ku yidhi, Sayidow, kaalay intaan wiilkaygu dhiman.
49 The nobleman saith unto him, Sir, come down ere my child die.
50 Ciise wuxuu ku yidhi, Soco, wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa ninkii rumaystay hadalkii Ciise ku yidhi, wuuna socday.
50 Jesus saith unto him, Go thy way; thy son liveth. And the man believed the word that Jesus had spoken unto him, and he went his way.
51 Intuu socday ayaa addoommadiisii ka hor yimaadeen, iyagoo leh, Wiilkaagii waa nool yahay.
51 And as he was now going down, his servants met him, and told him, saying, Thy son liveth.
52 Markaasuu wuxuu iyagii weydiivey saacadduu ladnaaday. Waxay ku yidhaahdeen, Shalayto saacaddii toddobaad ayaa qandhadii daysay.
52 Then enquired he of them the hour when he began to amend. And they said unto him, Yesterday at the seventh hour the fever left him.
53 Markaasaa aabbuhu gartay inay saacaddaas ahayd saacaddii Ciise ku yidhi, Wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa isagii qudhiisu rumaystay iyo kuwii gurigiisii joogay oo dhan.
53 So the father knew that it was at the same hour, in the which Jesus said unto him, Thy son liveth: and himself believed, and his whole house.
54 Haddaba tanu waa calaamadii labaad oo Ciise sameeyey markuu Yahuudiya ka tegey oo Galili yimid.
54 This is again the second miracle that Jesus did, when he was come out of Judaea into Galilee.
5
1 Waxaas dabadeed waxaa jirtay iiddii Yuhuudda, oo Ciise ayaa Yeruusaalem u kacay.
1 After this there was a feast of the Jews; and Jesus went up to Jerusalem. 
2 Waxaa Yeruusaalem jirtay, Albaabka Idaha agtiisa, war biyo ah oo af Cibraani lagu yidhaahda Beytesda oo leh shan balbaladood.
2 Now there is at Jerusalem by the sheep market a pool, which is called in the Hebrew tongue Bethesda, having five porches. 
3 Meelahaas waxaa jiifay dad badan oo buka oo indha la oo laxaad la' oo curyaan ah. Waxay sugayeen biyuhu inay dhaqaaqaan.
3 In these lay a great multitude of impotent folk, of blind, halt, withered, waiting for the moving of the water. 
4 Maxaa yeelay, malaa'igta Rabbiga ayaa marmar warta ku soo degi jirtay oo biyaha qasi jirtay; oo kii ugu hor galay biyihii markii la qasay dabadeed wuu ka bogsaday cudur kastuu qabay.
4 For an angel went down at a certain season into the pool, and troubled the water: whosoever then first after the troubling of the water stepped in was made whole of whatsoever disease he had.
5 Oo waxaa meeshaas joogay nin siddeed iyo soddon sannadood bukay.
5 And a certain man was there, which had an infirmity thirty and eight years. 
6 Markii Ciise arkay isagoo jiifa, oo gartay inuu wakhti dheer bukay, wuxuu ku yidhi, Ma doonaysaa inaad bogsato?
6 When Jesus saw him lie, and knew that he had been now a long time in that case, he saith unto him, Wilt thou be made whole? 
7 Ninkii bukay wuxuu u jawaabay, oo ku yidhi, Sayidow, nin ma lihi inuu warta igu rido markii biyaha la qaso, laakiin markaan imaado, mid kale ayaa iga hor gala.
7 The impotent man answered him, Sir, I have no man, when the water is troubled, to put me into the pool: but while I am coming, another steppeth down before me. 
8 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kac oo sariirtaada qaado oo soco.
8 Jesus saith unto him, Rise, take up thy bed, and walk. 
9 Markiiba ninkii waa bogsaday, wuuna qaatav sariirtiisii oo socday. Maalintaas waxay ahayd sabtidii.
9 And immediately the man was made whole, and took up his bed, and walked: and on the same day was the sabbath. 
10 Sidas daraaddeed Yuhuuddu waxay kii la bogsiiyey ku yidhaahdeen, Waa sabti, oo xalaal kuuma aha inaad sariirtaada qaadatid.
10 The Jews therefore said unto him that was cured, It is the sabbath day: it is not lawful for thee to carry thy bed. 
11 Laakiin wuu u jawaabay, oo ku yidhi, Kii i bogsiiyey ayaa igu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco.
11 He answered them, He that made me whole, the same said unto me, Take up thy bed, and walk. 
12 Oo waxay weydiiyeen, oo ku yidhaahdeen, Yuu yahay ninkii kugu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco?
12 Then asked they him, What man is that which said unto thee, Take up thy bed, and walk? 
13 Kii la bogsiiyeyse ma uu oqoonin kuu ahaa, waayo, Ciise waa tegey, maxaa yeelay, dad badan ayaa meeshaas joogay.
13 And he that was healed wist not who it was: for Jesus had conveyed himself away, a multitude being in that place. 
14 Waxaas dabadeed Ciise wuxuu isaga ka helay macbudka oo ku yidhi, Bal eeg, waad bogsatay, mar dambe ha dembaabin inaan wax ka sii xumi kugu dhicin.
14 Afterward Jesus findeth him in the temple, and said unto him, Behold, thou art made whole: sin no more, lest a worse thing come unto thee. 
15 Markaasaa ninkii tegey, wuuna u sheegay Yuhuuddii inuu ninkii bogsiiyey Ciise ahaa.
15 The man departed, and told the Jews that it was Jesus, which had made him whole. 
16 Sidaa aawadeed Yuhuuddu Ciise way silciyeen, maxaa yeelay, wuxuu waxyaalahaas sameeyey sabtidii.
16 And therefore did the Jews persecute Jesus, and sought to slay him, because he had done these things on the sabbath day. 
17 Laakiin Ciise wuxuu ugu jawaabay, Aabbahay tan iyo imminka ayuu shaqeeyaa, aniguna waa shaqeeyaa.
17 But Jesus answered them, My Father worketh hitherto, and I work. 
18 Sidaa aawadeed ayaa Yuhuuddu aad u sii dooneen inay dilaan, sababtu ma ahayn sabtidii uu jebiyey keliya, laakiin waxay ahayd inuu Ilaah ugu yeedhay Aabbihiis, iyo inuu isagu Ilaah iskala mid dhigay.
18 Therefore the Jews sought the more to kill him, because he not only had broken the sabbath, but said also that God was his Father, making himself equal with God. 
19 Haddaba Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Wiilku keli ahaantiis waxba ma samayn karo, wuxuu arko Aabbahoo samaynaya mooyaane. Wax kastoo isagu sameeyo ayaa Wiilkuna sidiisa u sameeyaa.
19 Then answered Jesus and said unto them, Verily, verily, I say unto you, The Son can do nothing of himself, but what he seeth the Father do: for what things soever he doeth, these also doeth the Son likewise. 
20 Waayo, Aabbuhu Wiilkuu jecel yahay, oo wuxuu tusaa wuxuu isagu sameeyo oo dhan, oo wuxuuna tusi doonaa shuqullo kuwan ka waaweyn inaad la yaabtaan.
20 For the Father loveth the Son, and sheweth him all things that himself doeth: and he will shew him greater works than these, that ye may marvel. 
21 Sida Aabbuhu kuwa dhintay u kiciyo oo u nooleeyo ayuu Wiilkuna sidaas oo kale u nooleeyaa kuwuu doonayo.
21 For as the Father raiseth up the dead, and quickeneth them; even so the Son quickeneth whom he will. 
22 Aabbuhu ninna ma xukumo, laakiin xukunka oo dhan wuxuu siiyey Wiilka,
22 For the Father judgeth no man, but hath committed all judgment unto the Son: 
23 in dadka oo dhammu Wiilka murweeyo siday Aabbaha u murweeyaan. Kii aan Wiilka murwayn, ma murweeyo Aabbaha soo diray.
23 That all men should honour the Son, even as they honour the Father. He that honoureth not the Son honoureth not the Father which hath sent him. 
24 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii hadalkayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay.
24 Verily, verily, I say unto you, He that heareth my word, and believeth on him that sent me, hath everlasting life, and shall not come into condemnation; but is passed from death unto life. 
25 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Saacaddu waa imanaysaa, waana joogtaa, markii kuwii dhintay codkii Wiilka Ilaah ay maqli doonaan, oo kuwa maqlaana way noolaan doonaan.
25 Verily, verily, I say unto you, The hour is coming, and now is, when the dead shall hear the voice of the Son of God: and they that hear shall live. 
26 Sida Aabbuhu nolol isugu leeyahay, sidaasuu Wiilka u siiyey inuu nolol isugu lahaado.
26 For as the Father hath life in himself; so hath he given to the Son to have life in himself; 
27 Wuxuuna siiyey amar uu wax ku xukumo, maxaa yeelay, waa Wiilka Aadanaha.
27 And hath given him authority to execute judgment also, because he is the Son of man. 
28 Taas ha la yaabina, waayo, saacaddu waa imanaysaa markii kuwa xabaalaha ku jiraa dhammaantood ay codkiisa maqli doonaan,
28 Marvel not at this: for the hour is coming, in the which all that are in the graves shall hear his voice, 
29 wayna ka soo bixi doonaan, kuwa wanaagga falay ilaa sarakicidda nolosha, kuwa sharka falayna ilaa sarakicidda xukunka.
29 And shall come forth; they that have done good, unto the resurrection of life; and they that have done evil, unto the resurrection of damnation. 
30 Waxba keli ahaantayda ma samayn karo. Sidaan wax u maqlo ayaan u xukumaa, xukunkayguna waa xaq, waayo, doonistayda ma doono. waxaanse doonaa doonista kii i soo diray.
30 I can of mine own self do nothing: as I hear, I judge: and my judgment is just; because I seek not mine own will, but the will of the Father which hath sent me. 
31 Haddaan isu marag furo, maraggaygu run ma aha.
31 If I bear witness of myself, my witness is not true. 
32 Laakiin waxaa jira mid kale oo ii marag fura, waanan ogahay maragguu ii furaa inuu run yahay.
32 There is another that beareth witness of me; and I know that the witness which he witnesseth of me is true. 
33 Waxaad cid u soo dirteen Yooxanaa, wuuna u marag furay runta.
33 Ye sent unto John, and he bare witness unto the truth. 
34 Aniguse xagga dadka marag kama aan qaato, laakiin waxyaalahan waxaan u idhaahdaa inaad badbaaddaan.
34 But I receive not testimony from man: but these things I say, that ye might be saved. 
35 Isagu wuxuu ahaa laambad baxaysa oo ifaysa, idinkuna waxaad doonayseen inaad saacad ku faraxdaan nuurkiisa.
35 He was a burning and a shining light: and ye were willing for a season to rejoice in his light. 
36 Laakiin maraggaan leeyahay waa ka weyn yahay kii Yooxanaa, waayo, shuqullada Aabbuhu i siiyey inaan dhammeeyo waa kuwaan hadda samaynayo, wayna ii marag furayaan in Aabbuhu i soo diray.
36 But I have greater witness than that of John: for the works which the Father hath given me to finish, the same works that I do, bear witness of me, that the Father hath sent me. 
37 Aabbihii i soo dirayna waa ii marag furay. Idinkuna codkiisa ma maqlin goornaba, mana aydnaan arkin muuqiisa.
37 And the Father himself, which hath sent me, hath borne witness of me. Ye have neither heard his voice at any time, nor seen his shape. 
38 Mana haysataan hadalkiisa oo idinku sii jira waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen.
38 And ye have not his word abiding in you: for whom he hath sent, him ye believe not. 
39 Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.
39 Search the scriptures; for in them ye think ye have eternal life: and they are they which testify of me. 
40 Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.
40 And ye will not come to me, that ye might have life. 
41 Anigu dadka ammaan kama qaato.
41 I receive not honour from men. 
42 Laakiin waan idin aqaan inaan jacaylka Ilaah idinku jirin.
42 But I know you, that ye have not the love of God in you. 
43 Waxaan ku imid Aabbahay magiciis, idinkuna waad i aqbali weydeen. Haddiise mid kale magiciisa ku yimaado. kaasaad aqbalaysaan.
43 I am come in my Father's name, and ye receive me not: if another shall come in his own name, him ye will receive. 
44 Sidee baad u rumaysan kartaan, idinkoo dhexdiinna ammaan iska aqbalaya. oo aydnaan doonayn amaanta ka timaada Ilaaha keligiis ah?
44 How can ye believe, which receive honour one of another, and seek not the honour that cometh from God only? 
45 Ha u malaynina inaan Aabbaha idinku ashtakaynayo; kan idin ashtakaynayaa waa Muuse, kii aad isku hallayseen.
45 Do not think that I will accuse you to the Father: there is one that accuseth you, even Moses, in whom ye trust. 
46 Waayo haddaad Muuse rumaysateen, anigana waad i rumaysan lahaydeen, waayo, wax buu iga qoray.
46 For had ye believed Moses, ye would have believed me: for he wrote of me. 
47 Laakiin haddaydnaan rumaysan wuxuu qoray. sidee baad u rumaysan doontaan hadalladayda?
47 But if ye believe not his writings, how shall ye believe my words?
6
1 Waxaas dabadeed Ciise wuxuu u kacay dhinaca kale oo badda Galili oo ahayd baddii Tiberiyas.
1 After these things Jesus went over the sea of Galilee, which is the sea of Tiberias. 
2 Dad badanna way raaceen, waayo, waxay arkeen calaamooyinkii uu ku sameeyey kuwii bukay.
2 And a great multitude followed him, because they saw his miracles which he did on them that were diseased. 
3 Kolkaasaa Ciise buurta u baxay, halkaasna ayuu xertiisii la fadhiistay.
3 And Jesus went up into a mountain, and there he sat with his disciples. 
4 Markaasna waxaa dhowayd Iiddii Kormaridda ee ahayd iiddii Yuhuudda.
4 And the passover, a feast of the Jews, was nigh.
5 Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan?
5 When Jesus then lifted up his eyes, and saw a great company come unto him, he saith unto Philip, Whence shall we buy bread, that these may eat? 
6 Wuxuu waxaas ugu yidhi inuu jirrabo isaga, waayo, isaga qudhiisu waa ogaa wuxuu samayn lahaa.
6 And this he said to prove him: for he himself knew what he would do. 
7 Filibos wuxuu ugu jawaabay, Laba boqol oo dinaar oo kibis ahi kuma filla in nin walba wax yar qaato.
7 Philip answered him, Two hundred pennyworth of bread is not sufficient for them, that every one of them may take a little. 
8 Markaasaa xertiisii midkood oo Andaros la odhan jiray oo Simoon Butros walaalkiis ahaa wuxuu ku yidhi,
8 One of his disciples, Andrew, Simon Peter's brother, saith unto him, 
9 Halkan waxaa jooga wiil qaba shan kibsood oo shaciir ah iyo laba kalluun, laakiin waxaasi maxay u tarayaan dad sidan u badan?
9 There is a lad here, which hath five barley loaves, and two small fishes: but what are they among so many? 
10 Markaasaa Ciise yidhi, Dadka fadhiisiiya. Meeshaasina waxay lahayd doog badan. Haddaba nimankii waa fadhiisteen, tiradooduna qiyaastii waxay ahayd shan kun.
10 And Jesus said, Make the men sit down. Now there was much grass in the place. So the men sat down, in number about five thousand. 
11 Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahad naqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen.
11 And Jesus took the loaves; and when he had given thanks, he distributed to the disciples, and the disciples to them that were set down; and likewise of the fishes as much as they would. 
12 Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin.
12 When they were filled, he said unto his disciples, Gather up the fragments that remain, that nothing be lost. 
13 Sidaa aawadeed ayay ururiyeen, oo laba iyo toban dembiilood ayay ka buuxiyeen jajabkii ka hadhay kuwii shantii kibsood oo shaciirka ahayd cunay.
13 Therefore they gathered them together, and filled twelve baskets with the fragments of the five barley loaves, which remained over and above unto them that had eaten. 
14 Haddaba dadkii markay arkeen calaamadii UU sameeyey, waxay yidhaahdeen, Runtii, kanu waa nebigii dunida iman lahaa.
14 Then those men, when they had seen the miracle that Jesus did, said, This is of a truth that prophet that should come into the world. 
15 Ciise WUXUU gartay inay imanayaan inay qabtaan oo boqor ka dhigaan, sidaas daraaddeed ayuu mar kale keligiis buurta u baxay .
15 When Jesus therefore perceived that they would come and take him by force, to make him a king, he departed again into a mountain himself alone. 
16 Markii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii badda u baxday.
16 And when even was now come, his disciples went down unto the sea, 
17 Waxayna fuuleen doonni, oo badday ka tallaabayeen ilaa Kafarna'um. Oo markiiba gudcur bay ahayd, Ciisena weli uma UU iman.
17 And entered into a ship, and went over the sea toward Capernaum. And it was now dark, and Jesus was not come to them. 
18 Badduna way isku kacday, dabayl weyn oo dhacday aawadeed.
18 And the sea arose by reason of a great wind that blew. 
19 Haddaba markay seeb ku wadeen qiyaas shan iyo labaatan ama soddon istaadiyon, waxay arkeen Ciise oo badda ku dul socda oo doonnida u soo dhowaanaya, wayna baqeen.
19 So when they had rowed about five and twenty or thirty furlongs, they see Jesus walking on the sea, and drawing nigh unto the ship: and they were afraid. 
20 Laakiin wuxuu ku yidhi, Waa aniga ee ha baqina.
20 But he saith unto them, It is I; be not afraid. 
21 Sidaa aawadeed waxay doonayeen inay doonnida ku qaadaan, oo markiiba doonnidu waxay joogtay dhulkay u socdeen.
21 Then they willingly received him into the ship: and immediately the ship was at the land whither they went. 
22 Maalintii labaad dadkii badnaa oo badda dhankeeda kale taagnaa, waxay arkeen inaan doonni kale joogin mid maahee, oo aan Ciisena taas la fuulin xertiisii, laakiin in xertiisii keligood baxeen.
22 The day following, when the people which stood on the other side of the sea saw that there was none other boat there, save that one whereinto his disciples were entered, and that Jesus went not with his disciples into the boat, but that his disciples were gone away alone; 
23 Laakiin waxaa Tiberiyas ka yimid doonniyo, wayna u soo dhowaadeen meeshii kibistii lagu cunay markuu Rabbigu mahad naqay dabadeed.
23 (Howbeit there came other boats from Tiberias nigh unto the place where they did eat bread, after that the Lord had given thanks:) 
24 Markii dadkii badnaa arkeen inaan Ciise halkaas joogin iyo xertiisiiba, waxay fuuleen doonniyihii, wayna yimaadeen Kafarna'um, iyagoo Ciise doondoonaya.
24 When the people therefore saw that Jesus was not there, neither his disciples, they also took shipping, and came to Capernaum, seeking for Jesus. 
25 Oo markay isaga ka heleen badda dhinaceeda kale, waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, goormaad halkan timid?
25 And when they had found him on the other side of the sea, they said unto him, Rabbi, when camest thou hither? 
26 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Iima doondoontaan calaamooyinkii aad aragteen aawadood ee waa kibistii aad cunteen oo aad ka dheregteen aawadeed.
26 Jesus answered them and said, Verily, verily, I say unto you, Ye seek me, not because ye saw the miracles, but because ye did eat of the loaves, and were filled. 
27 Ha u shaqaynina cuntada hallaabaysa, laakiin u shaqeeya cuntada sii jiraysa ilaa nolosha weligeed ah ee Wiilka Aadanahu idin siin doono, waayo, isaga Aabbaha Ilaaha ah ayaa caddeeyey.
27 Labour not for the meat which perisheth, but for that meat which endureth unto everlasting life, which the Son of man shall give unto you: for him hath God the Father sealed. 
28 Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Maxaannu yeelnaa si aannu shuqullada Ilaah u samayno?
28 Then said they unto him, What shall we do, that we might work the works of God? 
29 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray.
29 Jesus answered and said unto them, This is the work of God, that ye believe on him whom he hath sent. 
30 Sidaa darteed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba calaamadee baad samaynaysaa inaannu aragno oo ku rumaysanno? Maxaad. samaynaysaa?
30 They said therefore unto him, What sign shewest thou then, that we may see, and believe thee? what dost thou work? 
31 Awowayaasheen waxay cidlada ku cuneen maannada sidii loo qoray, Wuxuu samada ka siiyey kibis ay cunaan.
31 Our fathers did eat manna in the desert; as it is written, He gave them bread from heaven to eat. 
32 Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Muuse samada idinkama siin kibistii, laakiin Aabbahay baa samada idinka siiya kibista runta ah.
32 Then Jesus said unto them, Verily, verily, I say unto you, Moses gave you not that bread from heaven; but my Father giveth you the true bread from heaven. 
33 Waayo, kibista Ilaah waa kan samada ka soo degay oo dunida nolosha siiya.
33 For the bread of God is he which cometh down from heaven, and giveth life unto the world. 
34 Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kibistan mar walba na sii.
34 Then said they unto him, Lord, evermore give us this bread. 
35 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay kibista nolosha. Kii ii yimaadaa ma gaajoon doono, kii i rumaystaana ma harraadi doono weligiis.
35 And Jesus said unto them, I am the bread of life: he that cometh to me shall never hunger; and he that believeth on me shall never thirst. 
36 Laakiin waxaan idiin sheegay inaad i aragteen, mase rumaysataan.
36 But I said unto you, That ye also have seen me, and believe not. 
37 Dhammaan wuxuu Aabbuhu i siiyo way ii iman doonaan, oo kii ii yimaadana ma eryi doono.
37 All that the Father giveth me shall come to me; and him that cometh to me I will in no wise cast out. 
38 Waayo, waxaan samada uga soo degay ma aha inaan doonistayda yeelo, laakiinse inaan yeelo doonista kii i soo diray.
38 For I came down from heaven, not to do mine own will, but the will of him that sent me. 
39 Tanu waa doonistii kii i soo diray in kuwii uu dhammaan i siiyey aanan midna ka lumin, laakiin inaan maalinta u dambaysa soo sara kiciyo.
39 And this is the Father's will which hath sent me, that of all which he hath given me I should lose nothing, but should raise it up again at the last day. 
40 Waayo, tanu waa doonistii Aabbahay in mid kasta oo Wiilka arka oo rumaysta uu nolosha weligeed ah lahaado, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
40 And this is the will of him that sent me, that every one which seeth the Son, and believeth on him, may have everlasting life: and I will raise him up at the last day. 
41 Sidaas aawadeed Yuhuuddu way gunuuneceen, maxaa yeelay, wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay kibista samada ka soo degtay.
41 The Jews then murmured at him, because he said, I am the bread which came down from heaven. 
42 Waxayna yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn Ciise, ina Yuusuf, kaannu aabbihiis iyo hooyadiis naqaan? Hadda sidee buu u leeyahay, Samada baan ka soo degay?
42 And they said, Is not this Jesus, the son of Joseph, whose father and mother we know? how is it then that he saith, I came down from heaven? 
43 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Ha ka gunuunecina dhexdiinna.
43 Jesus therefore answered and said unto them, Murmur not among yourselves. 
44 Ninna iima iman karo hadduusan Aabbihii i soo diray soo jiidin, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
44 No man can come to me, except the Father which hath sent me draw him: and I will raise him up at the last day. 
45 Waxaa ku qoran kitaabbadii nebiyada, Kulligood Ilaah baa wax bari doona. Mid kasta oo Aabbaha wax ka maqlay oo ka bartay waa ii yimaadaa.
45 It is written in the prophets, And they shall be all taught of God. Every man therefore that hath heard, and hath learned of the Father, cometh unto me. 
46 Ma aha in nin arkay Aabbaha, kii Ilaah ka yimid mooyaane. Isagu waa arkay Aabbaha.
46 Not that any man hath seen the Father, save he which is of God, he hath seen the Father. 
47 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah.
47 Verily, verily, I say unto you, He that believeth on me hath everlasting life. 
48 Anigu waxaan ahay kibista nolosha.
48 I am that bread of life. 
49 Awowayaashiin waxay cidlada ku cuneen maannada, oo ay dhinteen.
49 Your fathers did eat manna in the wilderness, and are dead.
50 Tanu waa kibistii samada ka soo degtay, in qof kasta cuno oo uusan dhiman.
50 This is the bread which cometh down from heaven, that a man may eat thereof, and not die.
51 Anigu waxaan ahay kibista nool ee samada ka soo degtay. Haddii qof uun kibistan cuno, weligiis wuu noolaan doonaa. Oo kibistaan siin doonaa waa jidhkayga, nolosha dunida aawadeed.
51 I am the living bread which came down from heaven: if any man eat of this bread, he shall live for ever: and the bread that I will give is my flesh, which I will give for the life of the world.
52 Sidaa aawadeed Yuhuuddu way isla murmeen iyagoo leh, Kanu sidee buu jidhkiisa inoo siin karaa inaannu cunno?
52 The Jews therefore strove among themselves, saying, How can this man give us his flesh to eat?
53 Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddaydnaan jidhkii Wiilka Aadanaha cunin oo dhiiggiisa cabbin nolosha kuma lihidin gudihiinna.
53 Then Jesus said unto them, Verily, verily, I say unto you, Except ye eat the flesh of the Son of man, and drink his blood, ye have no life in you.
54 Oo kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba WUXUU leeyahay nolosha weligeed ah, oo maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
54 Whoso eateth my flesh, and drinketh my blood, hath eternal life; and I will raise him up at the last day.
55 Waayo, runtii jidhkaygu waa cunto, dhiiggayguna runtii waa wax la cabbo.
55 For my flesh is meat indeed, and my blood is drink indeed.
56 Kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba WUU igu jiraa, anna waan ku jiraa isaga.
56 He that eateth my flesh, and drinketh my blood, dwelleth in me, and I in him.
57 Sida Aabbaha nool ii soo diray, aniguna Aabbahaan u noolahay daraaddiis, sidaasaa kii i cunaa isaguna u noolaan doonaa daraadday.
57 As the living Father hath sent me, and I live by the Father: so he that eateth me, even he shall live by me.
58 Tanu waa kibista samada ka soo degtay, ma aha sida tii awowayaashiin cuneen oo ay dhinteen. Kii kibistan cunaa, weligiis WUU noolaan doonaa.
58 This is that bread which came down from heaven: not as your fathers did eat manna, and are dead: he that eateth of this bread shall live for ever.
59 Waxyaalahaas ayuu sunagogga kaga dhex hadlay intuu Kafarna'um wax ku barayay.
59 These things said he in the synagogue, as he taught in Capernaum. 
60 Sidaa aawadeed xertiisii badidood markay maqleen, waxay yidhaahdeen, Hadalkaasu waa adag yahay. Yaa maqli kara?
60 Many therefore of his disciples, when they had heard this, said, This is an hard saying; who can hear it? 
61 Laakiin Ciise qudhiisu WUU ogaa in xertiisu taas ka gunuunacday, wuxuuna ku yidhi, Taas ma ka xun tihiin?
61 When Jesus knew in himself that his disciples murmured at it, he said unto them, Doth this offend you? 
62 Haddaba maxay noqon haddaad aragtaan Wiilka Aadanaha oo kor ugu baxaya meeshuu markii hore joogi jiray.
62 What and if ye shall see the Son of man ascend up where he was before? 
63 Waa ruuxa kan wax nooleeyaa, jidhkuse waxba ma taro. Erayadii aan idinkula hadlayna waxay yihiin ruux iyo nololba.
63 It is the spirit that quickeneth; the flesh profiteth nothing: the words that I speak unto you, they are spirit, and they are life. 
64 Laakiin waxaa dhexdiinna jira qaar idinka mid ah oo aan rumaysan. Waayo, tan iyo bilowgii Ciise waa garanayay kuway ahaayeen kuwa aan rumaysan iyo kuu ahaa kii gacan gelin lahaa.
64 But there are some of you that believe not. For Jesus knew from the beginning who they were that believed not, and who should betray him. 
65 Markaasuu yidhi, Taas aawadeed waxaan idinku idhi, Qofna iima iman karo haddaan Aabbuhu awood siin.
65 And he said, Therefore said I unto you, that no man can come unto me, except it were given unto him of my Father. 
66 Taas dabadeed xertiisii intii badnayd dib bay uga noqdeen, oo mar dambe lama ay socon.
66 From that time many of his disciples went back, and walked no more with him. 
67 Haddaba Ciise WUXUU laba-iyo-tobankii ku yidhi. Idinkuna ma doonaysaan inaad tagtaan?
67 Then said Jesus unto the twelve, Will ye also go away? 
68 Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ah e.
68 Then Simon Peter answered him, Lord, to whom shall we go? thou hast the words of eternal life. 
69 Annaguna waa rumaysannay, waana og nahay inaad tahay Kan Qoduuska ah ee Ilaah.
69 And we believe and are sure that thou art that Christ, the Son of the living God. 
70 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Miyaanan idin dooran idinkoo laba iyo toban ah? mid idinka mid ahna waa cifriid.
70 Jesus answered them, Have not I chosen you twelve, and one of you is a devil? 
71 Wuxuu ka hadlay Yuudas ina Simoon Iskariyot, waayo, isaguu ahaa kan gacan gelin lahaa, isagoo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa.
71 He spake of Judas Iscariot the son of Simon: for he it was that should betray him, being one of the twelve.
7
1 Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan.
1 After these things Jesus walked in Galilee: for he would not walk in Jewry, because the Jews sought to kill him. 
2 liddii Yuhuudda oo tii waababka ahayd way dhowayd.
2 Now the Jews' feast of tabernacles was at hand. 
3 Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid.
3 His brethren therefore said unto him, Depart hence, and go into Judaea, that thy disciples also may see the works that thou doest. 
4 Ma jiro nin si qarsoon wax u sameeyaa markuu doonayo in bayaan loo ogaado. Haddaad waxyaalahan samayso, dunida isu muuji.
4 For there is no man that doeth any thing in secret, and he himself seeketh to be known openly. If thou do these things, shew thyself to the world.
5 Xataa walaalihiis ma ay rumaysan isaga.
5 For neither did his brethren believe in him. 
6 Sidaa aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Wakhtigaygu weli ma iman, laakiin wakhtigiinnu goor walba wuu joogaa.
6 Then Jesus said unto them, My time is not yet come: but your time is alway ready. 
7 Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.
7 The world cannot hate you; but me it hateth, because I testify of it, that the works thereof are evil. 
8 Idinku iidda u kaca, anigu iiddan weli u kici maayo, waayo, wakhtigaygu weli ma dhammaan.
8 Go ye up unto this feast: I go not up yet unto this feast; for my time is not yet full come. 
9 Markuu waxyaalahaas iyagii ku yidhi, weli wuxuu sii joogay Galili.
9 When he had said these words unto them, he abode still in Galilee. 
10 Markii walaalihiis iiddii u kaceen, ayuu isaguna markaas xaggeeda u kacay, bayaan kuma tegin, laakiin sidii mid isqarinaya buu u tegey.
10 But when his brethren were gone up, then went he also up unto the feast, not openly, but as it were in secret. 
11 Yuhuuddu haddaba iidday ka dooneen, oo waxay yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa?
11 Then the Jews sought him at the feast, and said, Where is he? 
12 Dadkii badnaa aad bay uga gunuuneceen isaga, qaarkood waxay yidhaahdeen, Waa nin wanaagsan; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Sidaas ma aha, laakiin dadkii badnaa ayuu khiyaaneeyaa.
12 And there was much murmuring among the people concerning him: for some said, He is a good man: others said, Nay; but he deceiveth the people. 
13 Haddaba ninna bayaan isaga ugama hadlin cabsiday ka cabsanayeen Yuhuudda aawadeed.
13 Howbeit no man spake openly of him for fear of the Jews. 
14 Laakiin markay ahayd iidda dhexdeeda Ciise wuxuu u kacay macbudka, wax ayuuna ku baray.
14 Now about the midst of the feast Jesus went up into the temple, and taught. 
15 Sidaa aawadeed Yuhuuddii ayaa la yaabtay iyagoo leh, Sidee baa kanu qorniinka u yaqaan isagoo aan weligiis baran?
15 And the Jews marvelled, saying, How knoweth this man letters, having never learned? 
16 Ciise ayaa haddaba u jawaabay oo ku yidhi, Waxbariddaydu tayda ma aha, laakiin waxaa leh kan i soo diray.
16 Jesus answered them, and said, My doctrine is not mine, but his that sent me. 
17 Haddii nin doonayo inuu doonistii Ilaah sameeyo, wuu garan doonaa waxbaridda, inay tahay tii Ilaah amase aan qudhaydu iska hadlayo.
17 If any man will do his will, he shall know of the doctrine, whether it be of God, or whether I speak of myself. 
18 Kan qudhiisu iska hadlaa, ammaantiisuu doonaa, laakiin kan doona ammaanta kan soo diray, kaasaa run ah, oo xaqdarro kuma jirto.
18 He that speaketh of himself seeketh his own glory: but he that seeketh his glory that sent him, the same is true, and no unrighteousness is in him. 
19 Miyaan Muuse sharciga idin siin ? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan?
19 Did not Moses give you the law, and yet none of you keepeth the law? Why go ye about to kill me? 
20 Dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Jinni baad qabtaa. Yaa doonaya inuu ku dilo.
20 The people answered and said, Thou hast a devil: who goeth about to kill thee? 
21 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Shuqul keliya ayaan sameeyey, kulligiinna waad la yaabteen.
21 Jesus answered and said unto them, I have done one work, and ye all marvel. 
22 Sidaa aawadeed Muuse wuxuu idin siiyey gudniinta (kamana iman Muuse, waxayse ka timid awowayaashii); idinku sabtida ayaad nin guddaan.
22 Moses therefore gave unto you circumcision; (not because it is of Moses, but of the fathers;) and ye on the sabbath day circumcise a man. 
23 Haddii sabtida nin la gudo, si aan sharciga Muuse u jabin, ma waxaad iigu cadhoonaysaan nin aan dhammaantiis Sabtidii bogsiiyey?
23 If a man on the sabbath day receive circumcision, that the law of Moses should not be broken; are ye angry at me, because I have made a man every whit whole on the sabbath day? 
24 Aragtida waxba ha ku xukumina, laakiin ku xukuma xukunka xaqa ah.
24 Judge not according to the appearance, but judge righteous judgment. 
25 Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan?
25 Then said some of them of Jerusalem, Is not this he, whom they seek to kill? 
26 Bal fiiriya, bayaan buu u hadlaa, waxbase kuma yidhaahdaan. Taliyayaashu runtii ma og yihiin inuu kanu yahay Masiixa?
26 But, lo, he speaketh boldly, and they say nothing unto him. Do the rulers know indeed that this is the very Christ? 
27 Laakiin kani meeshuu ka yimid waannu og nahay, markuuse Masiixu yimaado, ninna garan maayo meeshuu ka imanayo.
27 Howbeit we know this man whence he is: but when Christ cometh, no man knoweth whence he is. 
28 Ciise haddaba macbudkuu ka dhex qayliyey isagoo wax baraya oo leh, Waad i taqaanniin, waana og tihiin meeshaan ka imid; anigu qudhayda kuma aan iman, laakiin kii i soo diray waa run, kan aydnaan garanaynin.
28 Then cried Jesus in the temple as he taught, saying, Ye both know me, and ye know whence I am: and I am not come of myself, but he that sent me is true, whom ye know not. 
29 Anigu waa aqaan, waayo. isagaan ka imid, wuuna i soo diray.
29 But I know him: for I am from him, and he hath sent me. 
30 Sidaa aawadeed waxay dooneen inay qabtaan, laakiin ninna faro ma uu saarin, waayo, saacaddiisii weli ma iman.
30 Then they sought to take him: but no man laid hands on him, because his hour was not yet come. 
31 Laakiin qaar badan oo dadkii ahi way rumaysteen, waxayna yidhaahdeen, Masiixu markuu yimaado miyuu samayn doonaa calaamooyin ka badan kuwii kanu sameeyey?
31 And many of the people believed on him, and said, When Christ cometh, will he do more miracles than these which this man hath done? 
32 Farrisiintu way maqleen dadkii badnaa oo ka gunuunucayay waxaas ku saabsanaa isaga, wadaaddadii sarena iyo Farrisiintii waxay u direen saraakiil inay soo qabtaan isaga.
32 The Pharisees heard that the people murmured such things concerning him; and the Pharisees and the chief priests sent officers to take him. 
33 Ciise haddaba WUXUU ku yidhi, Weli in yar baan idinla joogayaa, markaasaan u tegayaa kii i soo diray.
33 Then said Jesus unto them, Yet a little while am I with you, and then I go unto him that sent me. 
34 Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan.
34 Ye shall seek me, and shall not find me: and where I am, thither ye cannot come. 
35 Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma WUXUU U tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah?
35 Then said the Jews among themselves, Whither will he go, that we shall not find him? will he go unto the dispersed among the Gentiles, and teach the Gentiles? 
36 Waa maxay hadalkan UU yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.
36 What manner of saying is this that he said, Ye shall seek me, and shall not find me: and where I am, thither ye cannot come? 
37 Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo.
37 In the last day, that great day of the feast, Jesus stood and cried, saying, If any man thirst, let him come unto me, and drink. 
38 Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi.
38 He that believeth on me, as the scripture hath said, out of his belly shall flow rivers of living water. 
39 Waxaas ayuu kaga hadlay Ruuxa oo ay kuwii isaga rumaystay heli doonaan, waayo, Ruuxa weli lama bixin, maxaa yeelay, Ciise weli ma ammaanmin.
39 (But this spake he of the Spirit, which they that believe on him should receive: for the Holy Ghost was not yet given; because that Jesus was not yet glorified.) 
40 Sidaa aawadeed dadkii badnaa qaarkood, goortay hadalladaas maqleen, waxay yidhaahdeen, Runtii kanu waa nebigii.
40 Many of the people therefore, when they heard this saying, said, Of a truth this is the Prophet. 
41 Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Kanu waa Masiixii. Qaarse waxay yidhaahdeen, Laakiin Masiixii ma WUXUU ka imanayaa Galili?
41 Others said, This is the Christ. But some said, Shall Christ come out of Galilee? 
42 Qorniinku miyaanu odhan, Masiixu WUXUU ka iman doonaa farcanka Daa'uud iyo tuuladii Beytlaxam oo Daa'uud joogay?
42 Hath not the scripture said, That Christ cometh of the seed of David, and out of the town of Bethlehem, where David was? 
43 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa kala qaybsamay aawadiis.
43 So there was a division among the people because of him. 
44 Qaarkood baa doonay inay qabtaan, laakiinse ninna faro ma uu saarin.
44 And some of them would have taken him; but no man laid hands on him. 
45 Saraakiishii haddaba waxay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo Farrisiintii, iyaguna waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u keeni weydeen?
45 Then came the officers to the chief priests and Pharisees; and they said unto them, Why have ye not brought him? 
46 Saraakiishii waxay ugu jawaabeen, Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay.
46 The officers answered, Never man spake like this man. 
47 Farrisiintii haddaba waxay iyaga ugu jawaabeen, Idinkana ma laydin khiyaaneeyey?
47 Then answered them the Pharisees, Are ye also deceived? 
48 Miyaa taliyayaasha midkood ama Farrisiinta rumaystay isaga.
48 Have any of the rulers or of the Pharisees believed on him? 
49 Laakiin dadkan badan oo aan sharciga garanaynin waa inkaaran yihiin.
49 But this people who knoweth not the law are cursed.
50 Nikodemos (kii markii hore Ciise u yimid, isagoo ah midkood) WUXUU iyaga ku yidhi,
50 Nicodemus saith unto them, (he that came to Jesus by night, being one of them,)
51 Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo?
51 Doth our law judge any man, before it hear him, and know what he doeth?
52 Kolkaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma reer Galili baad tahay? Doondoon, oo arag inaan nebi ka kacayn Galili.
52 They answered and said unto him, Art thou also of Galilee? Search, and look: for out of Galilee ariseth no prophet.
53 Markaasaa nin kastaa WUXUU U baxay gurigiisii.
53 And every man went unto his own house.
8
1 Ciisese WUXUU U baxay Buur Saytuun.
1 Jesus went unto the mount of Olives. 
2 Aroortii hore ayuu haddana macbudka yimid, dadkii oo dhammuna way u yimaadeen, oo intuu fadhiistay, ayuu wax baray.
2 And early in the morning he came again into the temple, and all the people came unto him; and he sat down, and taught them. 
3 Culimadii iyo Farrisiintii waxay u keeneen naag sino lagu qabtay. Markaasay dhexda joojiyeen,
3 And the scribes and Pharisees brought unto him a woman taken in adultery; and when they had set her in the midst, 
4 oo waxay isagii ku yidhaahdeen, Macallimow, naagtan waxaa lagu qabtay sino.
4 They say unto him, Master, this woman was taken in adultery, in the very act.
5 Hadda Muuse wuxuu sharciga nagu amray in la dhagxiyo tan oo kale, adiguse maxaad ka leedahay iyada?
5 Now Moses in the law commanded us, that such should be stoned: but what sayest thou? 
6 Waxay waxaas u yidhaahdeen, iyagoo jirrabaya, si ay u helaan wax ay ku ashtakeeyaan. Laakiin Ciise waa foororsaday, oo farta ayuu dhulka wax ku qoray.
6 This they said, tempting him, that they might have to accuse him. But Jesus stooped down, and with his finger wrote on the ground, as though he heard them not. 
7 Laakiin goortay sii wadeen inay weydiiyaan, wuu istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro.
7 So when they continued asking him, he lifted up himself, and said unto them, He that is without sin among you, let him first cast a stone at her. 
8 Mar kale ayuu foororsaday, oo haddana dhulka wax ku qoray.
8 And again he stooped down, and wrote on the ground. 
9 Iyagu markay waxaas maqleen, ayay iska daba baxeen midba mid, waayeelladii ka bilaabato ilaa kii u dambeeyey. Ciisena keligiis ayuu hadhay iyo naagtii dhexda joogtay.
9 And they which heard it, being convicted by their own conscience, went out one by one, beginning at the eldest, even unto the last: and Jesus was left alone, and the woman standing in the midst. 
10 Ciise ayaa istaagay oo ku yidhi iyadii, Naag yahay, xaggee bay joogaan? Ninna miyaanu ku xukumin?
10 When Jesus had lifted up himself, and saw none but the woman, he said unto her, Woman, where are those thine accusers? hath no man condemned thee? 
11 Waxay ku tidhi, Ninna, Sayidow. Ciisena wuxuu ku yidhi, Anna ku xukumi maayo. Soco, oo hadda ka dib ha dembaabin.
11 She said, No man, Lord. And Jesus said unto her, Neither do I condemn thee: go, and sin no more. 
12 Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha.
12 Then spake Jesus again unto them, saying, I am the light of the world: he that followeth me shall not walk in darkness, but shall have the light of life. 
13 Sidaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha.
13 The Pharisees therefore said unto him, Thou bearest record of thyself; thy record is not true. 
14 Ciise baa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, In kastoo aan marag isu furo, maraggaygu waa run, waayo, waxaan garanayaa meeshaan ka imid iyo meeshaan tegayo, idinkuse garan maysaan meeshaan ka imid ama meeshaan tegayo.
14 Jesus answered and said unto them, Though I bear record of myself, yet my record is true: for I know whence I came, and whither I go; but ye cannot tell whence I come, and whither I go. 
15 Idinku waxaad wax ka xukuntaan xagga jidhka, aniguse ninna ma xukumo.
15 Ye judge after the flesh; I judge no man. 
16 Haddaan xukumo, xukunkaygu waa run, waayo, anigu keligay ma ihi, laakiin waa aniga iyo Aabbahaygii i soo diray.
16 And yet if I judge, my judgment is true: for I am not alone, but I and the Father that sent me. 
17 Sharcigiinna waxaa ku qoran, Laba nin maraggoodu waa run.
17 It is also written in your law, that the testimony of two men is true. 
18 Anigu waxaan ahay kii isu marag fura, oo Aabbahaygii i soo dirayna ayaa ii marag fura.
18 I am one that bear witness of myself, and the Father that sent me beareth witness of me. 
19 Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.
19 Then said they unto him, Where is thy Father? Jesus answered, Ye neither know me, nor my Father: if ye had known me, ye should have known my Father also. 
20 Haddalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo. saacaddiisii weli ma iman.
20 These words spake Jesus in the treasury, as he taught in the temple: and no man laid hands on him; for his hour was not yet come. 
21 Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan.
21 Then said Jesus again unto them, I go my way, and ye shall seek me, and shall die in your sins: whither I go, ye cannot come. 
22 Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Miyuu isdilayaa? waayo. isagaa yidhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan.
22 Then said the Jews, Will he kill himself? because he saith, Whither I go, ye cannot come. 
23 Wuxuu ku yidhi iyaga, Idinku waxaad tihiin kuwa hoosta, aniguse waxaan ka mid ahay kuwa sare. Idinku waxaad tihiin kuwa dunidan, aniguse mid kama ihi kuwa dunidan.
23 And he said unto them, Ye are from beneath; I am from above: ye are of this world; I am not of this world. 
24 Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnaan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan.
24 I said therefore unto you, that ye shall die in your sins: for if ye believe not that I am he, ye shall die in your sins. 
25 Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Yaad tahay? Ciise wuxuu ku yidhi, Kii aan tan iyo bilowgii idinkala hadlay.
25 Then said they unto him, Who art thou? And Jesus saith unto them, Even the same that I said unto you from the beginning. 
26 Waxaan hayaa wax badan oo aan idinkala hadlo oo aan idinku xukumo, laakiin kii i soo diray waa run, aniguna waxaan ka maqlay isaga, waxaas ayaan dunida kula hadlayaa.
26 I have many things to say and to judge of you: but he that sent me is true; and I speak to the world those things which I have heard of him. 
27 Ma ayna garan inuu iyaga kala hadlay Aabbaha.
27 They understood not that he spake to them of the Father. 
28 Sidaas aawadeed Ciise ayaa ku yidhi, Markaad Wiilka Aadanaha kor u qaaddaan, markaasaad garan doontaan inaan isagii ahay iyo inaanan keligay waxba samaynaynin, laakiin sida Aabbuhu ii baray ayaan waxyaalahaas ugu hadlaa.
28 Then said Jesus unto them, When ye have lifted up the Son of man, then shall ye know that I am he, and that I do nothing of myself; but as my Father hath taught me, I speak these things. 
29 Oo kii i soo diray ayaa ila jira, keligay igama uu tegin, waayo, mar kasta waxaan sameeyaa waxa ka farxiya isaga.
29 And he that sent me is with me: the Father hath not left me alone; for I do always those things that please him. 
30 Intuu waxyaalahaas ku hadlayay, dad badan ayaa rumaystay saga.
30 As he spake these words, many believed on him. 
31 Sidaas aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi Yuhuuddii isaga rumaysatay, Haddaad hadalkayga ku sii socotaan, runtii waxaad tihiin xertayda.
31 Then said Jesus to those Jews which believed on him, If ye continue in my word, then are ye my disciples indeed; 
32 Oo waxaad garan doontaan runta; runtiina waa idin xorayn doontaa.
32 And ye shall know the truth, and the truth shall make you free. 
33 Waxay ugu jawaabeen, Farcankii Ibraahim baannu nahay, oo weligayo addoommo ninna uma ahayn. Maxaad u leedahay, Waa laydin xorayn doonaa?
33 They answered him, We be Abraham's seed, and were never in bondage to any man: how sayest thou, Ye shall be made free? 
34 Ciise ayaa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii kasta oo dembi sameeyaa waa addoonkii dembiga.
34 Jesus answered them, Verily, verily, I say unto you, Whosoever committeth sin is the servant of sin. 
35 Oo addoonkuna guriga kuma sii jiro. wiilkuse waa ku sii jiraa weligiis.
35 And the servant abideth not in the house for ever: but the Son abideth ever. 
36 Sidaas aawadeed haddii Wiilku idin xoreeyo, runtii xor baad ahaan doontaan.
36 If the Son therefore shall make you free, ye shall be free indeed. 
37 Waan garanayaa inaad farcankii Ibraahim tihiin, laakiin waxaad doonaysaan inaad i dishaan, waayo, hadalkaygu meel idinkuma haysto.
37 I know that ye are Abraham's seed; but ye seek to kill me, because my word hath no place in you. 
38 Waxaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen.
38 I speak that which I have seen with my Father: and ye do that which ye have seen with your father. 
39 Markaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahayo waa Ibraahim. Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad carruurtii Ibraahim tihiin shuqullada Ibraahim waad samayn lahaydeen.
39 They answered and said unto him, Abraham is our father. Jesus saith unto them, If ye were Abraham's children, ye would do the works of Abraham. 
40 Laakiin hadda waxaad doonaysaan inaad i dishaan, anoo ah ninkii idiin sheegay runtii aan xaggii Ilaah ka maqlay. Waxaas Ibraahim ma uu samayn jirin.
40 But now ye seek to kill me, a man that hath told you the truth, which I have heard of God: this did not Abraham. 
41 Waxaad samaysaan shuqullada aabbihiin. Markaasay ku yidhaahdeen, Annagu kuma aannu dhalan sino. Aabbe keliya ayaannu leennahay oo waa Ilaah.
41 Ye do the deeds of your father. Then said they to him, We be not born of fornication; we have one Father, even God. 
42 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddii Ilaah aabbihiin yahay, waad i jeclaan lahaydeen, maxaa yeelay, Ilaah baan ka soo baxay oo ka imid, aniguna iskama iman, ee isagaa i soo diray.
42 Jesus said unto them, If God were your Father, ye would love me: for I proceeded forth and came from God; neither came I of myself, but he sent me. 
43 Maxaad hadalkayga u garan weydeen? Waayo, hadalkayga ma maqli karaysaane.
43 Why do ye not understand my speech? even because ye cannot hear my word. 
44 Idinku waxaad tihiin kuwo aabbahood Ibliiska yahay, oo waxaad doonaysaan inaad samaysaan damacyada aabbihiin. Tan iyo bilowgii wuxuu ahaa mid dhiig qaba. runtana kuma uu joogsan, waayo, runtu kuma jirto isaga. Markuu been ku hadlo, tiisuu ku hadlaa, waayo, waa beenaaleh, waana beenta aabbaheed.
44 Ye are of your father the devil, and the lusts of your father ye will do. He was a murderer from the beginning, and abode not in the truth, because there is no truth in him. When he speaketh a lie, he speaketh of his own: for he is a liar, and the father of it. 
45 Laakiin runta aan ku hadlo aawadeed waad i rumaysan weydeen.
45 And because I tell you the truth, ye believe me not. 
46 Midkiinnee baa dembi igu caddaynaya? Haddaan runta sheego, maxaad ii rumaysan weydaan?
46 Which of you convinceth me of sin? And if I say the truth, why do ye not believe me? 
47 Kii Ilaah kuwiisa ka mid ah, erayada Ilaah ayuu maqlaa, sidaas daraaddeed idinku maqli maysaan, waayo, Ilaah kuwiisii ma ihidin.
47 He that is of God heareth God's words: ye therefore hear them not, because ye are not of God. 
48 Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Miyaannaan run ku hadlin markaannu nidhi, Reer Samaariya baad tahay, oo jinni baad qabtaa?
48 Then answered the Jews, and said unto him, Say we not well that thou art a Samaritan, and hast a devil? 
49 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Jinni ma qabo, laakiin Aabbahay baan murweeyaa, idinkuna waad i murwad jebisaan.
49 Jesus answered, I have not a devil; but I honour my Father, and ye do dishonour me.
50 Anigu ammaantayda ma doono, waxaase jira mid doona oo xukuma.
50 And I seek not mine own glory: there is one that seeketh and judgeth.
51 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii qof uun hadalkayga xajiyo, weligiis dhimasho ma arki doono.
51 Verily, verily, I say unto you, If a man keep my saying, he shall never see death.
52 Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen isaga, Imminka waxaannu garanaynaa inaad jinni qabto. Ibraahim waa dhintay iyo nebiyadiiba, adiguna waxaad leedahay, Haddii qof uun hadalkayga xajiyo, weligiis dhimasho ma dhadhamin doono.
52 Then said the Jews unto him, Now we know that thou hast a devil. Abraham is dead, and the prophets; and thou sayest, If a man keep my saying, he shall never taste of death.
53 Miyaad ka sii weyn tahay aabbaheen Ibraahim oo dhintay. Iyo nebiyadii dhintay? Yaad iska dhigaysaa?
53 Art thou greater than our father Abraham, which is dead? and the prophets are dead: whom makest thou thyself?
54 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaan is-ammaano, ammaantaydu waxba ma aha. Waa Aabbahay kan i ammaanaa. kaad ku sheegtaan Ilaahiinna.
54 Jesus answered, If I honour myself, my honour is nothing: it is my Father that honoureth me; of whom ye say, that he is your God:
55 Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, hadalkiisana waan xajiyaa.
55 Yet ye have not known him; but I know him: and if I should say, I know him not, I shall be a liar like unto you: but I know him, and keep his saying.
56 Aabbihiin Ibraahim waa ku rayrreeyey inuu maalintayda arko, wuuna arkay oo ku farxay.
56 Your father Abraham rejoiced to see my day: and he saw it, and was glad.
57 Sidaa aawadeed Yuhuuddii waxay ku yidhaahdeen, Weli konton sannadood ma aadan gaadhin, oo Ibraahim ma aragtay?
57 Then said the Jews unto him, Thou art not yet fifty years old, and hast thou seen Abraham?
58 Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Intaan Ibraahim jirin anaa ah.
58 Jesus said unto them, Verily, verily, I say unto you, Before Abraham was, I am.
59 Markaasay dhagaxyo u gurteen inay ku tuuraan, laakiin Ciise waa dhuuntay, wuuna ka baxay macbudka.
59 Then took they up stones to cast at him: but Jesus hid himself, and went out of the temple, going through the midst of them, and so passed by.
9
1 Ciise intuu socday, wuxuu arkay nin indhala'aan ku dhashay.
1 And as Jesus passed by, he saw a man which was blind from his birth. 
2 Xertiisu waxay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, yaa dembaabay, ma kan baa mise waa waalidkiis, inuu indhala'aan ku dhasho?
2 And his disciples asked him, saying, Master, who did sin, this man, or his parents, that he was born blind? 
3 Ciise ayaa ugu jawaabay, Ninkan iyo waalidkiis midna ma dembaabin, laakiin waa in shuqullada Ilaah lagu muujiyo isaga.
3 Jesus answered, Neither hath this man sinned, nor his parents: but that the works of God should be made manifest in him. 
4 Waa inaan samayno shuqullada kii i soo diray intay maalin tahay; habeen baa imanaya mar aan ninna shaqayn karin
4 I must work the works of him that sent me, while it is day: the night cometh, when no man can work.
5 Intaan dunida joogo, waxaan ahay nuurkii dunida.
5 As long as I am in the world, I am the light of the world. 
6 Markuu sidaas yidhi, ayuu dhulka candhuuf ku tufay, oo candhuuftii dhoobo ka sameeyey, markaasuu dhoobadii wuxuu mariyey ninkii indhihiisii,
6 When he had thus spoken, he spat on the ground, and made clay of the spittle, and he anointed the eyes of the blind man with the clay, 
7 oo ku yidhi, Bax oo ku soo maydho balliga Siloo'am la yidhaahdo (oo fasirkiisii yahay, Waa la diray). Wuu tegey haddaba oo soo maydhay, markaasuu yimid isagoo wax arkaya.
7 And said unto him, Go, wash in the pool of Siloam, (which is by interpretation, Sent.) He went his way therefore, and washed, and came seeing. 
8 Sidaa daraaddeed derisyadii iyo kuwii hortii arki jiray inuu miskiin yahay, waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kii fadhiyi jiray oo dawarsan jiray?
8 The neighbours therefore, and they which before had seen him that he was blind, said, Is not this he that sat and begged? 
9 Qaar baa yidhi, Waa isagii, Qaarna waxay yidhaahdeen, Maya, laakiin waa u eg yahay. Isagaa yidhi, Isagii baan ahay.
9 Some said, This is he: others said, He is like him: but he said, I am he. 
10 Sidaa daraaddeed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba sidee bay indhahaagu u furmeen?
10 Therefore said they unto him, How were thine eyes opened? 
11 Wuxuu ugu jawaabay, Ninka Ciise la yidhaahdo ayaa dhoobo sameeyey oo indhahayga mariyey, oo wuxuu igu yidhi, Siloo'am u kac, oo ku soo maydho, Sidaa aawadeed ayaan tegey, oo markaan soo maydhay ayaan arag helay.
11 He answered and said, A man that is called Jesus made clay, and anointed mine eyes, and said unto me, Go to the pool of Siloam, and wash: and I went and washed, and I received sight. 
12 Kolkaasay waxay ku yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa? Isaguse wuxuu ku yidhi, Ma ogi.
12 Then said they unto him, Where is he? He said, I know not. 
13 Markaasaa kii markii hore indhaha la'aa waxaa loo geeyey Farrisiintii.
13 They brought to the Pharisees him that aforetime was blind. 
14 Waxayna ahayd sabti maalintii Ciise dhoobada sameeyey oo indhihiisii furay.
14 And it was the sabbath day when Jesus made the clay, and opened his eyes. 
15 Mar kale haddaba Farrisiintii waxay weydiiyeen siduu araggiisa ku helay. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Dhoobuu indhahayga mariyey, oo aan maydhay, oo wax baan arkayaa.
15 Then again the Pharisees also asked him how he had received his sight. He said unto them, He put clay upon mine eyes, and I washed, and do see. 
16 Sidaa aawadeed Farrisiinta qaarkood waxay yidhaahdeen, Ninkan xaggii Ilaah kama iman, waayo, sabtida ma dhawro. Qaar kalese waxay yidhaahdeen, Sidee baa nin dembi leh calaamooyinkan oo kale u samayn karaa? Markaasay kala qaybsameen dhexdoodii.
16 Therefore said some of the Pharisees, This man is not of God, because he keepeth not the sabbath day. Others said, How can a man that is a sinner do such miracles? And there was a division among them. 
17 Waxay haddaba ninkii indhaha la'aa ku yidhaahdeen, Maxaad ka leedahay isaga, waayo, waa kan indhahaaga furay e? Wuxuu ku yidhi, Waa nebi.
17 They say unto the blind man again, What sayest thou of him, that he hath opened thine eyes? He said, He is a prophet. 
18 Sidaa aawadeed Yuhuuddu kama rumaysanin inuu indha la'aa, oo uu araggiisa helay, ilaa ay u yeedheen waalidkii kii araggiisa helay,
18 But the Jews did not believe concerning him, that he had been blind, and received his sight, until they called the parents of him that had received his sight. 
19 oo weydiiyeen, iyagoo leh, Kanu ma wiilkiinnii baa aad leedihiin, Wuxuu ku dhashay indhala'aan? Sidee buu hadda wax ku arkaa?
19 And they asked them, saying, Is this your son, who ye say was born blind? how then doth he now see? 
20 Waalidkiis waxay haddaba ugu jawaabeen, Waannu garanaynaa kani inuu wiilkayagii yahay oo uu indhala'aan ku dhashay?
20 His parents answered them and said, We know that this is our son, and that he was born blind: 
21 Laakiin siduu hadda wax ku arko garan mayno, kii indhihiisii furayna garan mayno. Isaga weydiiya. Waa nin weyn. Waa isu hadli doonaaye.
21 But by what means he now seeth, we know not; or who hath opened his eyes, we know not: he is of age; ask him: he shall speak for himself. 
22 Waxyaalahaas waxay waalidkiis u yidhaahdeen, waayo, Yuhuudday ka baqeen. Maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay mar hore ku heshiiyeen in qof uun hadduu u qirto inuu yahay Masiixa, sunagogga laga saaro.
22 These words spake his parents, because they feared the Jews: for the Jews had agreed already, that if any man did confess that he was Christ, he should be put out of the synagogue. 
23 Sidaa aawadeed waalidkiis waxay ku yidhaahdeen, Waa nin weyn ee weydiiya isaga.
23 Therefore said his parents, He is of age; ask him. 
24 Haddaba mar labaad ayay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Ilaah ammaan. Waxaannu garanaynaa inuu ninkanu dembi leeyahay e.
24 Then again called they the man that was blind, and said unto him, Give God the praise: we know that this man is a sinner. 
25 Wuxuu haddaba ugu jawaabay, Inuu dembi leeyahay garan maayo, waxa keli ahoo aanse garanayaa, inaan indha la'aa, oo aan haddana wax arkayo.
25 He answered and said, Whether he be a sinner or no, I know not: one thing I know, that, whereas I was blind, now I see. 
26 Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Muxuu kugu sameeyey? Sidee buu indhahaaga u furay?
26 Then said they to him again, What did he to thee? how opened he thine eyes? 
27 Wuxuu ugu jawaabay, Horaan idiinku sheegay, mana aydnaan maqlin. Maxaad u doonaysaan inaad mar kale maqashaan? Idinkuna ma waxaad doonaysaan inaad xertiisa noqotaan?
27 He answered them, I have told you already, and ye did not hear: wherefore would ye hear it again? will ye also be his disciples? 
28 Markaasay caayeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adigu xertiisa baad tahay, annaguse waxaannu nahay xertii Muuse.
28 Then they reviled him, and said, Thou art his disciple; but we are Moses' disciples. 
29 Waxaannu garanaynaa inuu Ilaah la hadlay Muuse, laakiinse ninkanu meeshuu ka yimid garan mayno.
29 We know that God spake unto Moses: as for this fellow, we know not from whence he is. 
30 Ninkii baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxakanu waa yaab inaydnaan garanaynin meeshuu ka yimid, isaguna uu indhaha ii furay.
30 The man answered and said unto them, Why herein is a marvellous thing, that ye know not from whence he is, and yet he hath opened mine eyes. 
31 Waannu garanaynaa inaan Ilaah dembiilayaashii maqlayn, laakiin wuxuu maqlaa kii Ilaah caabuda oo doonistiisa sameeya.
31 Now we know that God heareth not sinners: but if any man be a worshipper of God, and doeth his will, him he heareth. 
32 Tan iyo dunida bilowgeedii lama maqlin nin indhaha u furay qof indhala'aan ku dhashay.
32 Since the world began was it not heard that any man opened the eyes of one that was born blind. 
33 Ninkanu haddaanu xaggii Ilaah ka iman, waxba ma UU samayn kareen.
33 If this man were not of God, he could do nothing. 
34 Markaasay u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Dhammaantaaba dembiyo waad ku dhalatay ee ma wax baad na baraysaa? Kolkaasay dibadda ku tuureen .
34 They answered and said unto him, Thou wast altogether born in sins, and dost thou teach us? And they cast him out. 
35 Ciise ayaa maqlay inay dibadda ku tuureen, wuuna helay oo ku yidhi. Wiilka Ilaah ma rumaysan tahay?
35 Jesus heard that they had cast him out; and when he had found him, he said unto him, Dost thou believe on the Son of God? 
36 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yuu yahay, Sayidow, aan rumaystee?
36 He answered and said, Who is he, Lord, that I might believe on him? 
37 Ciise ayaa ku yidhi, Waad aragtay, waana isaga kan kula hadlayaa.
37 And Jesus said unto him, Thou hast both seen him, and it is he that talketh with thee. 
38 Markaasuu ku yidhi, Waa rumaysnahay, Sayidow. Wuuna caabuday.
38 And he said, Lord, I believe. And he worshipped him. 
39 Ciise wuxuu yidhi, Waxaan dunidan u imid xukun, kuwa aan wax arkin inay wax arkaan, kuwa wax arkaana inay indho beelaan.
39 And Jesus said, For judgment I am come into this world, that they which see not might see; and that they which see might be made blind. 
40 Kuwii Farrisiinta ahaa oo la joogay ayaa waxyaalahaas maqlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Annaguna ma indha la nahay?
40 And some of the Pharisees which were with him heard these words, and said unto him, Are we blind also? 
41 Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad indhala'aan lahaydeen, dembi ma aydin lahaateen, laakiinse haatan waxaad tidhaahdaan, Wax baannu aragnaa. Dembigiinnu waa sii jiraa.
41 Jesus said unto them, If ye were blind, ye should have no sin: but now ye say, We see; therefore your sin remaineth.
10
1 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii aan xerada idaha illinka ka soo gelin ee meel kale ka soo fuulaa, kaasi waa tuug iyo waxdhace. 
1 Verily, verily, I say unto you, He that entereth not by the door into the sheepfold, but climbeth up some other way, the same is a thief and a robber. 
2 Laakiin kii illinka ka soo galaa waa adhijirka idaha. 
2 But he that entereth in by the door is the shepherd of the sheep. 
3 Illinjoogaha ayaa isaga illinka ka fura, iduhuna codkiisay maqlaan, idihiisana magacyadooda ayuu ugu yeedhaa, oo dibadduu u kaxeeyaa. 
3 To him the porter openeth; and the sheep hear his voice: and he calleth his own sheep by name, and leadeth them out. 
4 Markuu kuwiisa wada saaro, wuu hor kacaa, iduhuna way raacaan, waayo, codkiisay garanayaan. 
4 And when he putteth forth his own sheep, he goeth before them, and the sheep follow him: for they know his voice.
5 Nin qalaadna raaci maayaan, laakiin way ka cararayaan, waayo, codka kuwa qalaad garan maayaan. 
5 And a stranger will they not follow, but will flee from him: for they know not the voice of strangers. 
6 Masaalkaas Ciise ayaa kula hadlay iyaga, laakiin ma ay garan waxyaaluhuu kala hadlayay xaggooda. 
6 This parable spake Jesus unto them: but they understood not what things they were which he spake unto them. 
7 Haddaba Ciise ayaa mar kale ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waxaan ahay illinka iduhu ka soo galaan. 
7 Then said Jesus unto them again, Verily, verily, I say unto you, I am the door of the sheep. 
8 Kuwii hortay yimid oo dhammu waa tuugag iyo waxdhacayaal, iduhuse ma maqlin. 
8 All that ever came before me are thieves and robbers: but the sheep did not hear them. 
9 Waxaan ahay illinka, haddii qof uun xaggayga ka soo galo, wuu badbaadi doonaa, wuuna soo geli doonaa oo bixi doonaa, daaq buuna heli doonaa. 
9 I am the door: by me if any man enter in, he shall be saved, and shall go in and out, and find pasture. 
10 Tuuggu wax kale uma yimaado inuu wax xado oo dilo oo halleeyo mooyaane, aniguse waxaan u imid inay nolosha haystaan oo ay badnaan u haystaan. 
10 The thief cometh not, but for to steal, and to kill, and to destroy: I am come that they might have life, and that they might have it more abundantly. 
11 Waxaan ahay adhijirka wanaagsan. Adhijirka wanaagsanu wuxuu naftiisa u bixiyaa idaha daraaddood. 
11 I am the good shepherd: the good shepherd giveth his life for the sheep. 
12 Kan ciidanka ah oo aan adhijirka ahayn, iduhuna aanay kuwiisa ahayn, kolkuu arko yeeyda oo soo socota, wuu ka tagaa idaha oo ka cararaa. Markaasay yeeydu qabsataa oo kala firdhisaa iyaga. 
12 But he that is an hireling, and not the shepherd, whose own the sheep are not, seeth the wolf coming, and leaveth the sheep, and fleeth: and the wolf catcheth them, and scattereth the sheep. 
13 Wuu cararaa, waayo, isagu waa ciidan uun, oo idaha waxba kama gelin. 
13 The hireling fleeth, because he is an hireling, and careth not for the sheep. 
14 Waxaan ahay adhijirka wanaagsan; waan garanayaa kuwayga, kuwayguna waa i garanayaan, 
14 I am the good shepherd, and know my sheep, and am known of mine. 
15 sida Aabbuhu ii garanayo, anna aan Aabbaha u garanayo; oo naftaydana waan u bixiyaa idaha daraaddood. 
15 As the Father knoweth me, even so know I the Father: and I lay down my life for the sheep. 
16 Ido kale ayaan leeyahay oo aan kuwa xeradan ahayn, kuwaasna waa inaan keenaa, waxayna maqli doonaan codkayga, oo waxaa jiri doona adhi keliya iyo adhijir keliya. 
16 And other sheep I have, which are not of this fold: them also I must bring, and they shall hear my voice; and there shall be one fold, and one shepherd. 
17 Sidaas daraadeed Aabbuhu waa i jecel yahay, waayo, naftaydaan bixiyaa inaan mar kale qaato. 
17 Therefore doth my Father love me, because I lay down my life, that I might take it again. 
18 Ninna igama qaado, laakiin anaa iska bixiya. Waxaan leeyahay amar aan ku bixiyo, waanan leeyahay amar aan haddana ku soo qaato. Amarkan waxaan ka helay Aabbahay. 
18 No man taketh it from me, but I lay it down of myself. I have power to lay it down, and I have power to take it again. This commandment have I received of my Father. 
19 Yuhuuddu haddana way kala qaybsameen hadalladaas aawadood. 
19 There was a division therefore again among the Jews for these sayings. 
20 Badidood waxay yidhaahdeen, Jinni buu qabaa, wuuna waalan yahay, ee maxaad u maqlaysaan? 
20 And many of them said, He hath a devil, and is mad; why hear ye him? 
21 Qaar kale waxay yidhaahdeen, Hadalladaasu ma aha kuwa nin jinni qaba. Jinni miyuu indhaha u furi karaa nin indha la'? 
21 Others said, These are not the words of him that hath a devil. Can a devil open the eyes of the blind? 
22 Waxay ahayd lidda Daahirinta Macbudka xagga Yeruusaalem, waxayna ahayd wakhtiga qabowga. 
22 And it was at Jerusalem the feast of the dedication, and it was winter. 
23 Ciisena wuxuu dhex socday macbudka xagga Balbalada Sulaymaan. 
23 And Jesus walked in the temple in Solomon's porch. 
24 Yuhuuddu haddaba waxay isugu soo urureen hareerihiisa oo ku yidhaahdeen, Tan iyo goormaad shaki nagu sii wadi doontaa? Haddii aad Masiixa tahay bayaan noogu sheeg. 
24 Then came the Jews round about him, and said unto him, How long dost thou make us to doubt? If thou be the Christ, tell us plainly. 
25 Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay, idinkuse ma rumaysnidin. Shuqullada aan magaca Aabbahay ku sameeyo ayaa ii marag fura, 
25 Jesus answered them, I told you, and ye believed not: the works that I do in my Father's name, they bear witness of me. 
26 Laakiin ma rumaysnidin, waayo, idahayga ka mid ma ihidin. 
26 But ye believe not, because ye are not of my sheep, as I said unto you. 
27 Idahaygu codkaygay maqlaan, waanan garanayaa iyaga, wayna i raacaan. 
27 My sheep hear my voice, and I know them, and they follow me: 
28 Oo waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan, oo ninna kama dhufsan doono gacantayda. 
28 And I give unto them eternal life; and they shall never perish, neither shall any man pluck them out of my hand. 
29 Aabbahaygii i siiyey iyaga ayaa wax walba ka weyn, oo ninna kama dhufsan karo gacanta Aabbahay. 
29 My Father, which gave them me, is greater than all; and no man is able to pluck them out of my Father's hand. 
30 Aniga iyo Aabbuhu mid baannu nahay. 
30 I and my Father are one. 
31 Markaasay Yuhuuddu haddana dhagaxyo u gurteen inay dhagxiyaan. 
31 Then the Jews took up stones again to stone him. 
32 Ciise ayaa ugu jawaabay, Shuqullo badan oo wanaagsan ayaan idinka tusay xagga Aabbahay. Shuqulladaas kee baad igu dhagxinaysaan? 
32 Jesus answered them, Many good works have I shewed you from my Father; for which of those works do ye stone me? 
33 Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Shuqul wanaagsan aawadiis kugu dhagxin mayno, laakiin caytanka aawadiis iyo inaad adigoo nin ah Ilaah iska dhigayso. 
33 The Jews answered him, saying, For a good work we stone thee not; but for blasphemy; and because that thou, being a man, makest thyself God. 
34 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Miyaanay ku qornayn sharcigiinna, Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo? 
34 Jesus answered them, Is it not written in your law, I said, Ye are gods? 
35 Hadduu Ilaah kuwii hadalkiisu u yimid ku sheegay ilaahyo (oo Qorniinkana lama jebin karo), 
35 If he called them gods, unto whom the word of God came, and the scripture cannot be broken; 
36 ma waxaad ku leedihiin kii Aabbuhu qoduus ka dhigay oo xagga dunida u soo diray, Waad caytantaa, waayo, waxaan idhi, Wiilka Ilaah baan ahay'? 
36 Say ye of him, whom the Father hath sanctified, and sent into the world, Thou blasphemest; because I said, I am the Son of God? 
37 Haddaanan Samayn shuqullada Aabbahay, ha i rumaysanina. 
37 If I do not the works of my Father, believe me not. 
38 Laakiin haddaan sameeyo, hl kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro. 
38 But if I do, though ye believe not me, believe the works: that ye may know, and believe, that the Father is in me, and I in him. 
39 Sidaa aawadeed mar kale ayay dooneen inay qabtaan, wuuna ka baxsaday gacantooda. 
39 Therefore they sought again to take him: but he escaped out of their hand, 
40 Haddana wuxuu u baxay Webi Urdun shishadiisa ilaa meeshii Yooxanaa markii hore ku jiray, isagoo dad ku baabtiisaya, meeshaasuuna joogay, 
40 And went away again beyond Jordan into the place where John at first baptized; and there he abode. 
41 Oo qaar badan baa u yimid isaga, waxayna ku yidhaahdeen, Runtii Yooxanaa calaamo ma samayn, laakiin wax walba oo Yooxanaa ka yidhi ninkan run bay ahaayeen. 
41 And many resorted unto him, and said, John did no miracle: but all things that John spake of this man were true. 
42 Kuwa badan baana halkaa ku rumaystay isaga.
42 And many believed on him there.
11
1 Waxaa jiray nin buka oo ah Laasaros reer Beytaniya ee joogay tuulada Maryan iyo walaasheed Maarta. 
1 Now a certain man was sick, named Lazarus, of Bethany, the town of Mary and her sister Martha. 
2 Maryantaasu waxay ahayd tii Rabbiga cadar marisay oo cagihiisa timaheeda ku tirtirtay, oo walaalkeed Laasaros bukay. 
2 (It was that Mary which anointed the Lord with ointment, and wiped his feet with her hair, whose brother Lazarus was sick.) 
3 Sidaa aawadeed walaalihii farriin bay Rabbiga u direen iyagoo leh, Sayidow, ogow, kii aad jeclayd waa bukaa e. 
3 Therefore his sisters sent unto him, saying, Lord, behold, he whom thou lovest is sick. 
4 Laakiin Ciise markuu taas maqlay wuxuu yidhi, Bukaankanu kan dhimashada ma ahaa, laakiin waa ammaanta Ilaah aawadeed in Wiilka Ilaah lagu ammaano. 
4 When Jesus heard that, he said, This sickness is not unto death, but for the glory of God, that the Son of God might be glorified thereby.
5 Ciise ayaa jeclaa Maarta iyo walaasheed iyo Laasaros. 
5 Now Jesus loved Martha, and her sister, and Lazarus. 
6 Sidaa aawadeed markuu maqlay inuu buko, laba maalmood oo kale ayuu meeshuu joogay iska sii joogay. 
6 When he had heard therefore that he was sick, he abode two days still in the same place where he was. 
7 Markaas dabadeed ayuu xertii ku yidhi, Yahuudiya aan haddana tagno. 
7 Then after that saith he to his disciples, Let us go into Judaea again. 
8 Xertii waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, Yuhuuddu waxay haddana doonayeen inay ku dhagxiyaan, ma waxaad mar kale u kacaysaa meeshaas? 
8 His disciples say unto him, Master, the Jews of late sought to stone thee; and goest thou thither again? 
9 Ciise ayaa ugu jawaabay, Maalintu miyaanay laba iyo toban saacadood ahayn? Qof hadduu maalinta socdo ma turunturoodo, waayo, wuxuu arkaa iftiinka dunidan. 
9 Jesus answered, Are there not twelve hours in the day? If any man walk in the day, he stumbleth not, because he seeth the light of this world. 
10 Laakiin qof hadduu habeenka socdo, wuu turunturroodaa, waayo, iftiinku kuma jiro isaga. 
10 But if a man walk in the night, he stumbleth, because there is no light in him. 
11 Waxyaalahaas ayuu ku hadlay, oo dabadeedto wuxuu ku yidhi iyaga, Saaxiibkeen Laasaros waa hurdaa, laakiin waan u tegayaa inaan soo toosiyo. 
11 These things said he: and after that he saith unto them, Our friend Lazarus sleepeth; but I go, that I may awake him out of sleep. 
12 Sidaa daraaddeed xertii waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, hadduu hurdo wuu bogsanayaa. 
12 Then said his disciples, Lord, if he sleep, he shall do well. 
13 Ciise wuxuu ka hadlayay dhimashadiisa, iyaguse waxay u maleeyeen inuu ka hadlayo nasashada hurdada. 
13 Howbeit Jesus spake of his death: but they thought that he had spoken of taking of rest in sleep. 
14 Ciise haddaba ayaa bayaan ugu yidhi, Laasaros waa dhintay. 
14 Then said Jesus unto them plainly, Lazarus is dead. 
15 Anigu waa ku faraxsanahay aawadiin inaanan halkaas joogin si aad u rumaysataan, laakiin aan u tagno. 
15 And I am glad for your sakes that I was not there, to the intent ye may believe; nevertheless let us go unto him. 
16 Sidaa aawadeed Toomas, kii Didumos la odhan jiray, wuxuu ku yidhi xertii la socotay, Innaguna aan tagno si aynu ula dhimanno. 
16 Then said Thomas, which is called Didymus, unto his fellowdisciples, Let us also go, that we may die with him. 
17 Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray. 
17 Then when Jesus came, he found that he had lain in the grave four days already. 
18 Haddana Beytaniya waa u dhowayd Yeruusaalem, oo waxay u jirtay qiyaas shan iyo toban istaadiyon. 
18 Now Bethany was nigh unto Jerusalem, about fifteen furlongs off: 
19 Yuhuud badan waxay u yimaadeen Maarta iyo Maryan inay walaalkood uga tacsiyeeyaan. 
19 And many of the Jews came to Martha and Mary, to comfort them concerning their brother. 
20 Maarta haddaba markay maqashay in Ciise imanayo, ayay ka hor tagtay, Maryanse gurigay iska fadhiday. 
20 Then Martha, as soon as she heard that Jesus was coming, went and met him: but Mary sat still in the house. 
21 Markaasaa Maarta waxay Ciise ku tidhi, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen. 
21 Then said Martha unto Jesus, Lord, if thou hadst been here, my brother had not died. 
22 Hadda waxaan garanayaa in wax alla waxaad Ilaah weydiisatid uu ku siinayo. 
22 But I know, that even now, whatsoever thou wilt ask of God, God will give it thee. 
23 Markaasaa Ciise WUXUU ku yidhi, Walaalkaa waa sara kici doonaa. 
23 Jesus saith unto her, Thy brother shall rise again. 
24 Maartaa ku tidhi, Waan garanayaa inuu kici doono wakhtiga sarakicidda ee maalinta u dambaysa. 
24 Martha saith unto him, I know that he shall rise again in the resurrection at the last day. 
25 Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa. 
25 Jesus said unto her, I am the resurrection, and the life: he that believeth in me, though he were dead, yet shall he live: 
26 Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay? 
26 And whosoever liveth and believeth in me shall never die. Believest thou this? 
27 Waxay ku tidhi, Haah, Sayidow, waan rumaysnahay inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah ee dunida iman lahaa. 
27 She saith unto him, Yea, Lord: I believe that thou art the Christ, the Son of God, which should come into the world. 
28 Markay taas tidhi, way tagtay oo hoos ahaan ugu soo yeedhay walaasheed Maryan, oo waxay ku tidhi, Macallinkii halkan buu joogaa, waana kuu yeedhayaa. 
28 And when she had so said, she went her way, and called Mary her sister secretly, saying, The Master is come, and calleth for thee. 
29 Iyaduna kolkay maqashay, dhaqso bay u kacday oo u tagtay. 
29 As soon as she heard that, she arose quickly, and came unto him. 
30 Ciise weli ma iman tuulada, laakiin wuxuu weli joogay meeshii Maarta kaga hor tagtay. 
30 Now Jesus was not yet come into the town, but was in that place where Martha met him. 
31 Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato. 
31 The Jews then which were with her in the house, and comforted her, when they saw Mary, that she rose up hastily and went out, followed her, saying, She goeth unto the grave to weep there. 
32 Haddaba Maryan markay timid meeshii Ciise joogay oo ay aragtay isaga, waxay ku dhacday cagihiisa iyadoo ku leh, Sayidow, haddaad halkan joogtid, walaalkay ma uu dhinteen. 
32 Then when Mary was come where Jesus was, and saw him, she fell down at his feet, saying unto him, Lord, if thou hadst been here, my brother had not died. 
33 Ciise haddaba markuu arkay iyadoo barooranaysa, iyo Yuhuuddii la socotay oo la barooranaysa, ayuu ka qalbi xumaaday, wuuna murugooday. 
33 When Jesus therefore saw her weeping, and the Jews also weeping which came with her, he groaned in the spirit, and was troubled, 
34 Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag. 
34 And said, Where have ye laid him? They said unto him, Lord, come and see. 
35 Ciise waa ooyay. 
35 Jesus wept. 
36 Sidaa daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Bal eega, siduu u jeclaa. 
36 Then said the Jews, Behold how he loved him! 
37 Qaarkoodse waxay yidhaahdeen, Ninkan oo indhaha u furay kii indha la'aa, miyuusan wax ka samayn karin inuusan ninkaasu dhiman? 
37 And some of them said, Could not this man, which opened the eyes of the blind, have caused that even this man should not have died? 
38 Sidaa daraaddeed Ciise oo mar kale qalbi xumaaday ayaa xabaashii yimid. Waxay ahayd god, dhagax baana saarnaa. 
38 Jesus therefore again groaning in himself cometh to the grave. It was a cave, and a stone lay upon it. 
39 Ciise ayaa yidhi, Dhagaxa ka qaada. Maarta oo ahayd kii dhintay walaashiis, waxay ku tidhi, Sayidow, hadda wuu urayaa, waayo, afar maalmood buu mootanaa. 
39 Jesus said, Take ye away the stone. Martha, the sister of him that was dead, saith unto him, Lord, by this time he stinketh: for he hath been dead four days. 
40 Ciise wuxuu ku yidhi, miyaanan kugu odhan, Haddaad rumaysatid, waxaad arki lahayd ammaanta Ilaah? 
40 Jesus saith unto her, Said I not unto thee, that, if thou wouldest believe, thou shouldest see the glory of God? 
41 Markaasay dhagaxii ka qaadeen. Ciisena indhihiisuu kor u taagay oo yidhi, Aabbow, waan kuugu mahad naqayaa inaad i maqashay. 
41 Then they took away the stone from the place where the dead was laid. And Jesus lifted up his eyes, and said, Father, I thank thee that thou hast heard me. 
42 Waana ogaa inaad mar kasta i maqasho, laakiin dadkan badan oo hareerahayga taagan aawadood ayaan taas u idhi inay rumaystaan inaad adigu i soo dirtay. 
42 And I knew that thou hearest me always: but because of the people which stand by I said it, that they may believe that thou hast sent me. 
43 Markuu sidaas ku hadlay dabadeed wuxuu ku dhawaaqay cod weyn, Laasarosow, soo bax. 
43 And when he thus had spoken, he cried with a loud voice, Lazarus, come forth. 
44 Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee. 
44 And he that was dead came forth, bound hand and foot with graveclothes: and his face was bound about with a napkin. Jesus saith unto them, Loose him, and let him go. 
45 Sidaa aawadeed qaar badan oo Yuhuuddii ah oo Maryan u yimid oo arkay wuxuu sameeyey ayaa rumaystay. 
45 Then many of the Jews which came to Mary, and had seen the things which Jesus did, believed on him. 
46 Qaarkoodse way u tageen Farrisiintii, oo waxay u sheegeen wuxuu Ciise sameeyey. 
46 But some of them went their ways to the Pharisees, and told them what things Jesus had done. 
47 Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa, waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye. 
47 Then gathered the chief priests and the Pharisees a council, and said, What do we? for this man doeth many miracles. 
48 Haddaynu sidaa u dayno, dhammaan way rumaysan doonaan isaga, oo dadka Roomana way iman doonaan, oo waxay qaadan doonaan meesheenna iyo quruunteenna. 
48 If we let him thus alone, all men will believe on him: and the Romans shall come and take away both our place and nation. 
49 Midkood Kayafas la odhan jiray, oo wadaadka sare ahaa sannaddaas, wuxuu iyagii ku yidhi, Waxba garan maysaan, 
49 And one of them, named Caiaphas, being the high priest that same year, said unto them, Ye know nothing at all,
50 oo ka fiirsan maysaan inay idiin roon tahay in nin keli ahu dadka u dhinto oo aan quruunta oo dhammu lumin. 
50 Nor consider that it is expedient for us, that one man should die for the people, and that the whole nation perish not.
51 Waxaas iskama odhan, laakiin isagoo ah wadaadka sare sannaddaas, wuxuu sii sheegay in Ciise quruunta u dhiman doono, 
51 And this spake he not of himself: but being high priest that year, he prophesied that Jesus should die for that nation;
52 quruuntii oo keliya uma aha, laakiin inuu mid keliya isugu soo ururiyo carruurtii Ilaah oo kala firidhsan 
52 And not for that nation only, but that also he should gather together in one the children of God that were scattered abroad.
53 Haddaba maalintaas wixii ka dambeeyey waxay ku tashadeen inay dilaan. 
53 Then from that day forth they took counsel together for to put him to death.
54 Sidaa daraaddeed mar dambe Ciise bayaan uma dhex marin Yuhuudda, wuuse ka tegey meeshaas, ilaa meel u dhowayd cidlada, ilaa magaalo la yidhaahdo Efrayim, halkaasuuna xertii la joogay. 
54 Jesus therefore walked no more openly among the Jews; but went thence unto a country near to the wilderness, into a city called Ephraim, and there continued with his disciples.
55 Hadda lidda Yuhuudda ee Kormaridda la yidhaahdaa waa dhowayd, kuwa badanna waxay u kaceen Yeruusaalem iyagoo dalka ka yimid Iiddii Kormaridda horteed inay isdaahiriyaan. 
55 And the Jews' passover was nigh at hand: and many went out of the country up to Jerusalem before the passover, to purify themselves.
56 Sidaa daraaddeed ayay Ciise doondooneen, oo waxay isku yidhaahdeen, iyagoo macbudka dhex taagan, Maxay idinla tahay? Ma inuusan iidda imanaynin baa? 
56 Then sought they for Jesus, and spake among themselves, as they stood in the temple, What think ye, that he will not come to the feast?
57 Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.
57 Now both the chief priests and the Pharisees had given a commandment, that, if any man knew where he were, he should shew it, that they might take him.
12
1 Haddaba lix maalmood ka hor lidda Kormaridda, Ciise wuxuu yimid Beytaniya, meeshuu joogay Laasaros, kii Ciise kuwa dhintay ka soo sara kiciyey. 
1 Then Jesus six days before the passover came to Bethany, where Lazarus was which had been dead, whom he raised from the dead. 
2 Sidaas daraaddeed halkaasaa casho loogu sameeyey. Maartana waa adeegaysay, oo Laasaros wuxuu ka mid ahaa kuwa cuntada ula fadhiistay. 
2 There they made him a supper; and Martha served: but Lazarus was one of them that sat at the table with him. 
3 Maryan haddaba waxay qaadday rodol cadar ah oo naaradiin qaaliya ah, waxayna marisay cagaha Ciise, oo timaheedii ayay cagihiisa ku tirtirtay. Gurigiina waxaa ka buuxsamay udgoonkii cadarka. 
3 Then took Mary a pound of ointment of spikenard, very costly, and anointed the feet of Jesus, and wiped his feet with her hair: and the house was filled with the odour of the ointment. 
4 Laakiin Yuudas Iskariyod, oo ahaa mid xertiisii ka mid ah. oo gacan gelin lahaa, wuxuu yidhi, 
4 Then saith one of his disciples, Judas Iscariot, Simon's son, which should betray him,
5 Maxaa cadarkan loogu iibin waayay saddex boqol oo dinaar, oo loo siin waayay masaakiinta? 
5 Why was not this ointment sold for three hundred pence, and given to the poor? 
6 Sidaas uma uu odhan dan uu ka lahaa masaakiinta, laakiin wuxuu u yidhi wuxuu ahaa tuug, oo kiishadda lacagta ayuu hayn jiray, wuuna kala bixi jiray wixii lagu rido. 
6 This he said, not that he cared for the poor; but because he was a thief, and had the bag, and bare what was put therein. 
7 Haddaba Ciise ayaa yidhi, Daaya. Waxay u haysay maalinta aasniintayda. 
7 Then said Jesus, Let her alone: against the day of my burying hath she kept this. 
8 Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse idinlama joogo mar walba. 
8 For the poor always ye have with you; but me ye have not always. 
9 Haddaba dad badan oo Yuhuud ah baa waxay ogaadeen inuu halkaas joogo, wayna u yimaadeen, ma aha Ciise aawadii oo keliya laakiin inay arkaan Laasarosna, kii uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey. 
9 Much people of the Jews therefore knew that he was there: and they came not for Jesus' sake only, but that they might see Lazarus also, whom he had raised from the dead. 
10 Wadaaddadii sare waxay ku tashadeen inay Laasarosna dilaan. 
10 But the chief priests consulted that they might put Lazarus also to death; 
11 Waayo, aawadiis ayaa Yuhuud badani ku tagtay oo Ciise rumaysatay. 
11 Because that by reason of him many of the Jews went away, and believed on Jesus. 
12 Maalintii xigtay dad badan oo u yimid iiddii, markay maqleen inuu Ciise Yeruusaalem imanayo, 
12 On the next day much people that were come to the feast, when they heard that Jesus was coming to Jerusalem, 
13 waxay qaateen laamihii geedaha timirta ah, oo ay baxeen inay ka hor tagaan, iyagoo ku dhawaaqaya Hoosanna, waxaa barakadaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya oo boqorka Israa'iil ah. 
13 Took branches of palm trees, and went forth to meet him, and cried, Hosanna: Blessed is the King of Israel that cometh in the name of the Lord. 
14 Ciise wuxuu helay dameer yar oo fuulay, siday ugu qoran tahay, 
14 And Jesus, when he had found a young ass, sat thereon; as it is written, 
15 Ha biqin, gabadhii Siyoon ay: bal eeg, Boqorkaagu waa imanayaa isagoo fuushan qayl dameereed. 
15 Fear not, daughter of Sion: behold, thy King cometh, sitting on an ass's colt. 
16 Markii hore xertiisii waxyaalahaas ma ay garan. Laakiin markii Ciise ammaanmay dabadeed ayay xusuusteen in waxyaalahaas xaggiisa laga qoray iyo hl waxyaalahaas lagu sameeyey isaga. 
16 These things understood not his disciples at the first: but when Jesus was glorified, then remembered they that these things were written of him, and that they had done these things unto him. 
17 Haddaba waxaa marag furay dadkii badnaa ee la joogay markuu Laasaros xabaasha uga yeedhay oo uu kuwa dhintay ka soo sara kiciyey. 
17 The people therefore that was with him when he called Lazarus out of his grave, and raised him from the dead, bare record. 
18 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa u kaceen inay ka hor tagaan, waayo, waxay maqleen inuu calaamadaas sameeyey. 
18 For this cause the people also met him, for that they heard that he had done this miracle. 
19 Haddaba Farrisiintii waxay dhexdoodii isku yidhaahdeen, Waad arkaysaan sidaydnaan waxba u taraynin. Eega, dunidii oo dhan baa raacdaye. 
19 The Pharisees therefore said among themselves, Perceive ye how ye prevail nothing? behold, the world is gone after him. 
20 Kuwa wakhtiga iidda u kacay inay Ilaah caabudaan, waxaa ku dhex jiray qaar Gariig ah. 
20 And there were certain Greeks among them that came up to worship at the feast: 
21 Kuwaas haddaba waxay u yimaadeen Filibos oo ahaa reer Beytsayda ee Galili, wayna weydiisteen oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu doonaynaa inaannu Ciise aragno. 
21 The same came therefore to Philip, which was of Bethsaida of Galilee, and desired him, saying, Sir, we would see Jesus. 
22 Markaasaa Filibos u yimid oo Andaros u sheegay, oo haddana Andaros iyo Filibos baa wada yimid, oo ay Ciise u sheegeen. 
22 Philip cometh and telleth Andrew: and again Andrew and Philip tell Jesus. 
23 Kolkaasaa Ciise u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, Saacaddii way timid uu Wiilka Aadanahu ammaanmi lahaa. 
23 And Jesus answered them, saying, The hour is come, that the Son of man should be glorified. 
24 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Xabbad sarreen ah haddaanay dhulka ku dhicin oo dhiman, keligeed bay iska jiraysaa, laakiin hadday dhimato, midho badan bay dhashaa. 
24 Verily, verily, I say unto you, Except a corn of wheat fall into the ground and die, it abideth alone: but if it die, it bringeth forth much fruit. 
25 Kan naftiisa jecel, waa lumiyaa, kan dunidan naftiisa ku nebcaadaase, wuu hayn doonaa tan iyo nolosha weligeed ah. 
25 He that loveth his life shall lose it; and he that hateth his life in this world shall keep it unto life eternal. 
26 Qof uun hadduu ii adeego, ha i soo raaco, meeshaan joogona, midiidinkayguna wuu joogi doonaa. Qof uun hadduu ii adeego, Aabbuhu waa murwayn doonaa isaga. 
26 If any man serve me, let him follow me; and where I am, there shall also my servant be: if any man serve me, him will my Father honour. 
27 Haatan naftaydu waa murugootay, oo maxaan idhaahdaa? Aabbow. saacaddan iga badbaadi. Laakiin taas aawadeed ayaan saacaddan u soo gaadhay. 
27 Now is my soul troubled; and what shall I say? Father, save me from this hour: but for this cause came I unto this hour. 
28 Aabbow, magacaaga ammaan. Haddaba waxaa samada ka yimid cod leh, Waan ammaanay. waanan ammaani doonaa mar kale. 
28 Father, glorify thy name. Then came there a voice from heaven, saying, I have both glorified it, and will glorify it again. 
29 Haddaba dadkii badnaa oo ag taagnaa, way maqleen, oo waxay yidhaahdeen, Waa onkod. Qaar kale waxay yidhaahdeen, Malaa'ig baa la hadashay isaga. 
29 The people therefore, that stood by, and heard it, said that it thundered: others said, An angel spake to him. 
30 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Codkaasu aawaday uma imanin, laakiin wuxuu u yimid aawadiin. 
30 Jesus answered and said, This voice came not because of me, but for your sakes. 
31 Imminka weeye markii dunidan la xukumi lahaa. imminka kan madaxda dunida ah dibaddaa lagu tuuri doonaa. 
31 Now is the judgment of this world: now shall the prince of this world be cast out. 
32 Aniguna haddii kor layga qaado dhulka. dhammaan xaggaygaan u soo jiidi doonaa. 
32 And I, if I be lifted up from the earth, will draw all men unto me. 
33 Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso siduu u dhiman doono. 
33 This he said, signifying what death he should die. 
34 Haddaba dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Waxaannu sharciga ka maqallay in Masiixu weligiis jiri doono. Sidee baad u leedahay. Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado? Waa ayo Wiilka Aadanahu? 
34 The people answered him, We have heard out of the law that Christ abideth for ever: and how sayest thou, The Son of man must be lifted up? who is this Son of man? 
35 Ciise haddaba ayaa ku yidhi, Weli in yar nuurka ayaa idinla jiraya. Socda intaad nuurka haysataan, si aan gudcurku idiin soo gaadhin. Kan gudcurka ku socdaana ma yaqaan meeshuu u socdo. 
35 Then Jesus said unto them, Yet a little while is the light with you. Walk while ye have the light, lest darkness come upon you: for he that walketh in darkness knoweth not whither he goeth. 
36 Intaad nuurka haysataan, rumaysta nuurka, inaad noqotaan wiilasha nuurka.Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu ka tegey oo ka dhuuntay iyaga. 
36 While ye have light, believe in the light, that ye may be the children of light. These things spake Jesus, and departed, and did hide himself from them. 
37 Laakiin in kastuu calaamooyin badan ku sameeyey hortooda, weli ma ay rumaysan isaga; 
37 But though he had done so many miracles before them, yet they believed not on him: 
38 inuu noqdo hadalka nebi Isayos oo uu ku hadlay, Rabbiyow, yaa warkayagii rumaystay, Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey? 
38 That the saying of Esaias the prophet might be fulfilled, which he spake, Lord, who hath believed our report? and to whom hath the arm of the Lord been revealed? 
39 Sidaa aawadeed ayay rumaysan kari waayeen, waayo, Isayos ayaa haddana yidhi, 
39 Therefore they could not believe, because that Esaias said again, 
40 Wuu indhatiray, qalbigoodana ayuu engejiyey. Si aanay indhahooda wax ugu arkin. oo aanay qalbigoodana wax ugu garan, Oo aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin. 
40 He hath blinded their eyes, and hardened their heart; that they should not see with their eyes, nor understand with their heart, and be converted, and I should heal them. 
41 Waxyaalahaas Isayos ayaa yidhi, maxaa yeelay, ammaantiisuu arkay, wuuna ka hadlay isaga. 
41 These things said Esaias, when he saw his glory, and spake of him. 
42 Hase ahaatee qaar badan oo taliyayaasha ka mid ahaa way rumaysteen, laakiin Farrisiintii aawadood ma ay qiran si aan sunagogga looga saarin, 
42 Nevertheless among the chief rulers also many believed on him; but because of the Pharisees they did not confess him, lest they should be put out of the synagogue: 
43 waayo, waxay ammaanta Ilaah ka jeclaayeen ammaanta dadka. 
43 For they loved the praise of men more than the praise of God. 
44 Ciise ayaa ku dhawaaqay oo yidhi, Kii i rumaystaa, ima rumaysto, wuxuuse rumaystaa kan i soo diray. 
44 Jesus cried and said, He that believeth on me, believeth not on me, but on him that sent me. 
45 Kii i arkaana, wuxuu arkaa kan i soo diray. 
45 And he that seeth me seeth him that sent me. 
46 Waxaan dunida u imid inaan nuur u ahaado, in mid kasta oo i rumaystaa uusan gudcurka ku sii jirin. 
46 I am come a light into the world, that whosoever believeth on me should not abide in darkness. 
47 Nin uun hadduu erayadayda maqlo oo uusan xajin, xukumi maayo, waayo, uma iman inaan dunida xukumo, waxaanse u imid inaan dunida badbaadiyo. 
47 And if any man hear my words, and believe not, I judge him not: for I came not to judge the world, but to save the world. 
48 Kii i diida oo aan erayadayda aqbalin, wuxuu haystaa mid xukuma. Hadalkaan ku hadlay baa xukumi doona isaga maalinta u dambaysa. 
48 He that rejecteth me, and receiveth not my words, hath one that judgeth him: the word that I have spoken, the same shall judge him in the last day. 
49 Waayo, anigu amarkayga kuma hadlin, laakiinse Aabbihii i soo diray isagaa i amray waxaan idhaahdo iyo waxaan ku hadloba. 
49 For I have not spoken of myself; but the Father which sent me, he gave me a commandment, what I should say, and what I should speak.
50 Oo waanan garanayaa inuu amarkiisu yahay nolosha weligeed ah. Sidaa daraaddeed waxaan ku hadlayaa, sidii Aabbuhu igu yidhi, sidaasaan ku hadlayaa.
50 And I know that his commandment is life everlasting: whatsoever I speak therefore, even as the Father said unto me, so I speak.
13
1 Iidda Kormaridda horteed Ciise wuxuu garanayay inay timid saacaddiisii uu dunidan ka tegi lahaa ilaa Aabbaha, oo siduu u jeclaa kuwiisii dunida joogay, ayuu u jeclaa tan iyo dhammaadka. 
1 Now before the feast of the passover, when Jesus knew that his hour was come that he should depart out of this world unto the Father, having loved his own which were in the world, he loved them unto the end. 
2 Ibliiska ayaa markii hore qalbiga Yuudas Iskariyot ina Simoon geliyey inuu Ciise gacan geliyo. 
2 And supper being ended, the devil having now put into the heart of Judas Iscariot, Simon's son, to betray him; 
3 Oo wakhtiga cashada Ciise oo garanaya in Aabbuhu wax walba gacanta u geliyey iyo inuu Ilaah ka yimid oo Ilaah ku noqonayo, 
3 Jesus knowing that the Father had given all things into his hands, and that he was come from God, and went to God; 
4 ayuu cashadii ka kacay oo dharkii iska dhigay, tuwaalna wuu qaatay oo guntaday. 
4 He riseth from supper, and laid aside his garments; and took a towel, and girded himself.
5 Markaasuu biyo weel ku shubay oo bilaabay inuu xertiisa cagaha u maydho oo ku tirtiro tuwaalkii uu guntanaa. 
5 After that he poureth water into a bason, and began to wash the disciples' feet, and to wipe them with the towel wherewith he was girded. 
6 Wuxuu haddaba u yimid Simoon Butros. Kaasaa ku yidhi, Sayidow, ma adaa cagaha ii maydhaya? 
6 Then cometh he to Simon Peter: and Peter saith unto him, Lord, dost thou wash my feet? 
7 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan samaynaya, garan maysid imminka, laakiinse dabadeed waad garan doontaa. 
7 Jesus answered and said unto him, What I do thou knowest not now; but thou shalt know hereafter. 
8 Butros ayaa ku yidhi, Weligaa cagaha ii maydhi maysid. Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaanan kuu maydhin, qayb iguma lihid. 
8 Peter saith unto him, Thou shalt never wash my feet. Jesus answered him, If I wash thee not, thou hast no part with me. 
9 Markaasaa Simoon Butros ku yidhi, Sayidow, cagaha keliya ha ii maydhin, laakiin gacmaha iyo madaxana ii maydh. 
9 Simon Peter saith unto him, Lord, not my feet only, but also my hands and my head. 
10 Ciise ayaa ku yidhi, Kii maydhni uma baahna inuu maydho cagihiisa mooyaane, laakiin waa wada nadiifsan yahay, idinkuna waa nadiifsan tihiin, laakiin dhammaantiin ma aha. 
10 Jesus saith to him, He that is washed needeth not save to wash his feet, but is clean every whit: and ye are clean, but not all. 
11 Waayo, wuu garanayay kii gacan gelin lahaa. Sidaa daraaddeed ayuu u yidhi, Dhammaantiin ma wada nadiifsanidin. 
11 For he knew who should betray him; therefore said he, Ye are not all clean. 
12 Haddaba markuu cagihii u maydhay iyagii, oo dharkiisa qaatay, oo haddana fadhiistay, markaasuu ku yidhi, Ma garanaysaan waxaan idinku sameeyey? 
12 So after he had washed their feet, and had taken his garments, and was set down again, he said unto them, Know ye what I have done to you? 
13 Waxaad iigu yeedhaan, Macallin iyo Sayid, waadna ku hagaagsan tihiin, waayo, waan ahay. 
13 Ye call me Master and Lord: and ye say well; for so I am. 
14 Haddaba haddaan cagaha idiin maydhay anigoo ah Sayidka iyo Macallinka, idinkuna waa inaad cagaha isu maydhaan. 
14 If I then, your Lord and Master, have washed your feet; ye also ought to wash one another's feet. 
15 Waxaan idin siiyey masaal inaad samaysaan sidaan idinku sameeyey. 
15 For I have given you an example, that ye should do as I have done to you. 
16 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Addoon kama weyna sayidkiis, mid la soo dirayna kama weyna kii soo diray. 
16 Verily, verily, I say unto you, The servant is not greater than his lord; neither he that is sent greater than he that sent him. 
17 Haddaad waxyaalahan garanaysaan, waad barakadaysan tihiin haddaad yeeshaan. 
17 If ye know these things, happy are ye if ye do them. 
18 Dhammaantiin ka hadli maayo; waan garanayaa kuwaan doortay. Laakiin Qorniinka leh, Kan kibistayda cuna ayaa cedhibtiisa ii qaaday, waa inuu ahaado. 
18 I speak not of you all: I know whom I have chosen: but that the scripture may be fulfilled, He that eateth bread with me hath lifted up his heel against me. 
19 Hadda dabadeed waxaas ayaan idiin sheegayaa intaanay dhicin, in markay dhacaan aad rumaysataan inaan ahay isagii. 
19 Now I tell you before it come, that, when it is come to pass, ye may believe that I am he. 
20 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kan aqbala ku alla kaan soo diro ayaa i aqbala, oo kan i aqbalaana WUXUU aqbalaa kii i soo diray. 
20 Verily, verily, I say unto you, He that receiveth whomsoever I send receiveth me; and he that receiveth me receiveth him that sent me. 
21 Ciise markuu sidaas yidhi, ayuu ka qalbi xumaaday, wuxuuna bayaan u sheegay oo yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacan gelin doona. 
21 When Jesus had thus said, he was troubled in spirit, and testified, and said, Verily, verily, I say unto you, that one of you shall betray me. 
22 Markaasay xertii is-eegeegeen iyagoo aan garanaynin kii UU ka hadlayay. 
22 Then the disciples looked one on another, doubting of whom he spake. 
23 Waxaa joogay oo laabta Ciise ku tiirsanaa xertiisa midkood oo uu Ciise jeclaa. 
23 Now there was leaning on Jesus' bosom one of his disciples, whom Jesus loved. 
24 Sidaa daraaddeed ayaa Simoon Butros calaamo u sameeyey oo ku yidhi, Noo sheeg yuu yahay kan UU ka hadlayo. 
24 Simon Peter therefore beckoned to him, that he should ask who it should be of whom he spake. 
25 Isagoo sidii ugu tiirsan laabta Ciise, ayuu ku yidhi, Sayidow, waa kuma? 
25 He then lying on Jesus' breast saith unto him, Lord, who is it? 
26 Markaasaa Ciise ugu jawaabay, Waa kii aan koosaarta u dari doono oo aan siin doono. Haddaba markuu koosaarta u daray ayuu qaaday oo siiyey Yuudas Iskariyod ina Simoon. 
26 Jesus answered, He it is, to whom I shall give a sop, when I have dipped it. And when he had dipped the sop, he gave it to Judas Iscariot, the son of Simon. 
27 Markuu koosaarta qaatay dabadeed, Shaydaan baa galay isagii. Sidaa daraaddeed Ciise wuxuu ku yidhi, Waxaad samaynayso dhaqso u samee. 
27 And after the sop Satan entered into him. Then said Jesus unto him, That thou doest, do quickly. 
28 Kuwa la fadhiyey midkoodna ma garanaynin sababta uu sidaas ugula hadlay isaga. 
28 Now no man at the table knew for what intent he spake this unto him. 
29 Yuudas baa kiishaddii lacagta hayay, taas aawadeed qaar waxay u maleeyeen in Ciise ku yidhi, Soo iibi waxaynu iidda u baahan nahay, ama, Masaakiinta wax sii. 
29 For some of them thought, because Judas had the bag, that Jesus had said unto him, Buy those things that we have need of against the feast; or, that he should give something to the poor. 
30 Isagu haddaba markuu koosaartii qaatay, markiiba ayuu baxay, oo waxayna ahayd habeennimo. 
30 He then having received the sop went immediately out: and it was night. 
31 Haddaba markuu baxay. Ciise ayaa yidhi, Hadda Wiilka Aadanahu waa ammaanmay, Ilaahna waa ku ammaanmay isaga. 
31 Therefore, when he was gone out, Jesus said, Now is the Son of man glorified, and God is glorified in him. 
32 Haddii Ilaahu ku ammaanmay isaga, Ilaahna waa ammaani doonaa isaga qudhiisa, oo markiiba wuu ammaani doonaa. 
32 If God be glorified in him, God shall also glorify him in himself, and shall straightway glorify him. 
33 Carruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay. 
33 Little children, yet a little while I am with you. Ye shall seek me: and as I said unto the Jews, Whither I go, ye cannot come; so now I say to you. 
34 Waxaan idin siinayaa qaynuun cusub oo ah, Waa inaad isjeclaataan; sidaan idiin jeclaaday, idinkuna waa inaad isu jeclaataan. 
34 A new commandment I give unto you, That ye love one another; as I have loved you, that ye also love one another. 
35 Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan. 
35 By this shall all men know that ye are my disciples, if ye have love one to another. 
36 Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow. xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa. 
36 Simon Peter said unto him, Lord, whither goest thou? Jesus answered him, Whither I go, thou canst not follow me now; but thou shalt follow me afterwards. 
37 Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, maxaan hadda kuu raaci kari waayay? Naftaydaan aawadaa u bixin doonaaye. 
37 Peter said unto him, Lord, why cannot I follow thee now? I will lay down my life for thy sake. 
38 Ciise ayaa ugu jawaabay, Miyaad naftaada u bixin doontaa aawaday? Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol i dafirtid.
38 Jesus answered him, Wilt thou lay down thy life for my sake? Verily, verily, I say unto thee, The cock shall not crow, till thou hast denied me thrice.
14
1 Qalbigiinnu yuusan murugoon. Ilaah waad rumaysan tihiin,anigana i rumaysta. 
1 Let not your heart be troubled: ye believe in God, believe also in me. 
2 Guriga Aabbahay wuxuu leeyahay hoyaal badan. Haddaanay sidaas ahayn waan idiin sheegi lahaa, maxaa yeelay, waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo. 
2 In my Father's house are many mansions: if it were not so, I would have told you. I go to prepare a place for you. 
3 Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan. 
3 And if I go and prepare a place for you, I will come again, and receive you unto myself; that where I am, there ye may be also. 
4 Oo meeshaan tegayo iyo jidkaba waad taqaanniin. 
4 And whither I go ye know, and the way ye know.
5 Toomas ayaa ku yidhi, Sayidow, ma naqaan meeshaad tegaysid ee sidee baan ku naqaan jidka? 
5 Thomas saith unto him, Lord, we know not whither thou goest; and how can we know the way? 
6 Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee. 
6 Jesus saith unto him, I am the way, the truth, and the life: no man cometh unto the Father, but by me. 
7 Haddaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen. 
7 If ye had known me, ye should have known my Father also: and from henceforth ye know him, and have seen him. 
8 Filibos baa ku yidhi, Sayidow, Aabbaha na tus, waana nagu filan yahay. 
8 Philip saith unto him, Lord, shew us the Father, and it sufficeth us. 
9 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus? 
9 Jesus saith unto him, Have I been so long time with you, and yet hast thou not known me, Philip? he that hath seen me hath seen the Father; and how sayest thou then, Shew us the Father? 
10 Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya. 
10 Believest thou not that I am in the Father, and the Father in me? the words that I speak unto you I speak not of myself: but the Father that dwelleth in me, he doeth the works. 
11 I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta. 
11 Believe me that I am in the Father, and the Father in me: or else believe me for the very works' sake. 
12 Runtii. runtii. waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, shuqullada aan sameeyo, Isna wuu samayn doonaa, oo shuqullo kuwan ka waaweynna wuu samayn doonaa, maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa. 
12 Verily, verily, I say unto you, He that believeth on me, the works that I do shall he do also; and greater works than these shall he do; because I go unto my Father. 
13 Oo wax alla waxaad magacayga ku weydiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka. 
13 And whatsoever ye shall ask in my name, that will I do, that the Father may be glorified in the Son. 
14 Haddii aad wax igu weydiisataan magacayga, waan samayn doonaa. 
14 If ye shall ask any thing in my name, I will do it. 
15 Haddii aad i jeceshihiin, qaynuunnadayda waad xajin doontaan. 
15 If ye love me, keep my commandments. 
16 Aniguna Aabbahaan baryi doonaa, isna wuxuu idin siin doonaa Gargaare kale inuu idinla jiro weligiin, 
16 And I will pray the Father, and he shall give you another Comforter, that he may abide with you for ever; 
17 waxaa weeye, Ruuxa runta ah oo aanay dunidu qaadan karin, waayo, ma aragto, garanna mayso, idinkuse waad garanaysaan, waayo, wuu idinla jiraa, wuuna idinku jiri doonaa. 
17 Even the Spirit of truth; whom the world cannot receive, because it seeth him not, neither knoweth him: but ye know him; for he dwelleth with you, and shall be in you. 
18 Idiinkama tegi doono agoonnimo, ee waan idiin imanayaa. 
18 I will not leave you comfortless: I will come to you. 
19 In yar dabadeed dunidu i arki mayso mar dambe, idinkuse waad i arkaysaan. Waan noolahay, taas aawadeed idinkuna waad noolaan doontaan. 
19 Yet a little while, and the world seeth me no more; but ye see me: because I live, ye shall live also. 
20 Maalintaas waxaad garan doontaan inaan Aabbahay ku jiro, idinna aad igu jirtaan, anna aan idinku jiro. 
20 At that day ye shall know that I am in my Father, and ye in me, and I in you. 
21 Kii qaynuunnadayda haysta oo xajiya, waa kaas kan i jecel, kan i jecelna Aabbahay waa jeclaan doonaa, anna waan jeclaan doonaa, waana isu muujin doonaa isaga. 
21 He that hath my commandments, and keepeth them, he it is that loveth me: and he that loveth me shall be loved of my Father, and I will love him, and will manifest myself to him. 
22 Yuudas (Yuudas Iskariyot ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin? 
22 Judas saith unto him, not Iscariot, Lord, how is it that thou wilt manifest thyself unto us, and not unto the world? 
23 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, hadalkayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa. 
23 Jesus answered and said unto him, If a man love me, he will keep my words: and my Father will love him, and we will come unto him, and make our abode with him. 
24 Kii aan i jeclayn, hadalkayga ma xajiyo: hadalkaad maqlaysaanna kayga ma aha, laakiin waxaa leh Aabbaha i soo diray. 
24 He that loveth me not keepeth not my sayings: and the word which ye hear is not mine, but the Father's which sent me. 
25 Waxyaalahaas ayaan idinkula hadlay intaan idinla joogay, 
25 These things have I spoken unto you, being yet present with you. 
26 Laakiin Gargaaraha Ruuxa Qoduuska ah oo Aabbuhu ku soo diri doono magacayga, wax kasta ayuu idin bari doonaa, wuxuuna idin xusuusin doonaa wax kasta oo aan idinku idhi. 
26 But the Comforter, which is the Holy Ghost, whom the Father will send in my name, he shall teach you all things, and bring all things to your remembrance, whatsoever I have said unto you. 
27 Nabad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinnu yuusan murugoon, yuusanna biqin. 
27 Peace I leave with you, my peace I give unto you: not as the world giveth, give I unto you. Let not your heart be troubled, neither let it be afraid. 
28 Waad maqasheen inaan idinku idhi. Waan tegayaa, waanan idiin imanayaa. Haddaad i jeclaateen, waad farxi lahaydeen, waayo, Aabbahaan u tegayaa, maxaa yeelay, Aabbuhu waa iga weyn yahay. 
28 Ye have heard how I said unto you, I go away, and come again unto you. If ye loved me, ye would rejoice, because I said, I go unto the Father: for my Father is greater than I. 
29 Haatan waxaan idiinku sheegay intaanay dhicin, in markay dhacaan aad rumaysataan. 
29 And now I have told you before it come to pass, that, when it is come to pass, ye might believe. 
30 Mar dambe wax badan idinlama sii hadli doono, maxaa yeelay, kan madaxda dunida ahu wuu imanayaa, isaguna waxba iguma laha. 
30 Hereafter I will not talk much with you: for the prince of this world cometh, and hath nothing in me. 
31 Laakiin tani waa in dunidu ku garato inaan Aabbaha jeclahay iyo inaan sameeyo sida Aabbuhu igu amray. Kaca, aynu meeshan ka tagnee.
31 But that the world may know that I love the Father; and as the Father gave me commandment, even so I do. Arise, let us go hence.
15
1 Anigu waxaan ahay geedka canabka ah oo runta ah; Aabbahayna waa beerfalaha. 
1 I am the true vine, and my Father is the husbandman. 
2 laan walba oo igu taal oo aan midho dhalin, wuu gooyaa, oo mid kasta oo midho dhasha ayuu nadiifiyaa si ay midho ka sii badan u dhasho. 
2 Every branch in me that beareth not fruit he taketh away: and every branch that beareth fruit, he purgeth it, that it may bring forth more fruit. 
3 Durba waad nadiifsan tihiin hadalkaan idinkula hadlay daraaddiis. 
3 Now ye are clean through the word which I have spoken unto you. 
4 Igu jira, anna aan idinku jiree. Sida laantu keligeed aanay midho u dhali karin haddaanay geedka canabka ah ku oollin, sidaas oo kale idinkuna ma dhali kartaan haddaydnaan igu jirin. 
4 Abide in me, and I in you. As the branch cannot bear fruit of itself, except it abide in the vine; no more can ye, except ye abide in me.
5 Anaa ah geedka canabka ah, idinna waxaad tihiin laamihii. Kii igu jira oo anna aan ku jiro, kaasaa midho badan dhala, maxaa yeelay, la'aantay waxba ma samayn kartaan. 
5 I am the vine, ye are the branches: He that abideth in me, and I in him, the same bringeth forth much fruit: for without me ye can do nothing. 
6 Qof uun hadduusan igu jirin waxaa loo tuuraa sida laan oo kale, waana qallalaa, markaasaa la ururiyaa, oo dabka lagu tuuraa, oo la gubaa. 
6 If a man abide not in me, he is cast forth as a branch, and is withered; and men gather them, and cast them into the fire, and they are burned. 
7 Haddaad igu jirtaan. oo ay erayadayduna idinku jiraan, weydiista waxaad doonaysaanba, waana laydiin yeeli doonaa. 
7 If ye abide in me, and my words abide in you, ye shall ask what ye will, and it shall be done unto you. 
8 Waxaa Aabbahay ku ammaanmaa inaad midho badan dhashaan, waxaadna noqon doontaan xertayda. 
8 Herein is my Father glorified, that ye bear much fruit; so shall ye be my disciples. 
9 Siduu Aabbuhu ii jeclaaday, ayaan anna idiin jeclaaday. Jacaylkayga ku sii jira. 
9 As the Father hath loved me, so have I loved you: continue ye in my love. 
10 Haddaad qaynuunnadayda xajisaan, jacaylkaygaad ku jiri doontaan, sidaan qaynuunnada Aabbahay u xajiyey, oo aan jacaylkiisa ugu Jiro. 
10 If ye keep my commandments, ye shall abide in my love; even as I have kept my Father's commandments, and abide in his love. 
11 Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in farxaddaydu idinku jirto, iyo inay farxaddiinnu buuxsanto. 
11 These things have I spoken unto you, that my joy might remain in you, and that your joy might be full. 
12 Kanu waa qaynuunkayga inaad isjeclaataan sidaan idiin jeclaaday. 
12 This is my commandment, That ye love one another, as I have loved you. 
13 Ninna ma leh jacayl kan ka weyn inuu nin naftiisa u bixiyo saaxiibbadiis. 
13 Greater love hath no man than this, that a man lay down his life for his friends. 
14 Saaxiibbaday baad tihiin haddaad yeeshaan waxaan idinku amro. 
14 Ye are my friends, if ye do whatsoever I command you. 
15 Mar dambe addoommo idiinku yeedhi maayo, maxaa yeelay, addoonku garan maayo wuxuu sayidkiisu sameeyo, laakiin saaxiibbo waan idiinku yeedhay, maxaa yeelay, waxaan Aabbahay ka soo maqlay oo dhan ayaan idin ogeysiiyey. 
15 Henceforth I call you not servants; for the servant knoweth not what his lord doeth: but I have called you friends; for all things that I have heard of my Father I have made known unto you. 
16 Idinku ima aydnaan dooran, laakiinse anaa idin doortay, waanan idiin diray inaad tagtaan oo midho soo dhashaan, iyo in midhihiinnu sii jiraan, in wax alla waxaad Aabbaha magacayga ku weydiisataan uu idin siiyo. 
16 Ye have not chosen me, but I have chosen you, and ordained you, that ye should go and bring forth fruit, and that your fruit should remain: that whatsoever ye shall ask of the Father in my name, he may give it you. 
17 Waxyaalahaas ayaan idiinku amray inaad isjeclaataan. 
17 These things I command you, that ye love one another. 
18 Dunidu hadday idin nebcaato. waad garanaysaan inay hortiin i nebcaatay. 
18 If the world hate you, ye know that it hated me before it hated you. 
19 Haddaad kuwa dunida ahaan lahaydeen, dunidu kuweeda way jeclaan lahayd, laakiin kuwa dunida ma ihidin, waanse idinka doortay dunida, taas aawadeed dunidu way idin neceb tahay. 
19 If ye were of the world, the world would love his own: but because ye are not of the world, but I have chosen you out of the world, therefore the world hateth you. 
20 Xusuusta hadalkaan idinku idhi, Addoon kama weyna sayidkiisa. Hadday i silciyeen, idinkana way idin silcin doonaan. Hadday hadalkayga xajiyeen, kiinnana way xajin doonaan. 
20 Remember the word that I said unto you, The servant is not greater than his lord. If they have persecuted me, they will also persecute you; if they have kept my saying, they will keep yours also. 
21 Laakiin waxyaalahaas oo dhan waxay idiinku samayn doonaan magacayga aawadii, maxaa yeelay, waxaanay garanayn kii i soo diray. 
21 But all these things will they do unto you for my name's sake, because they know not him that sent me. 
22 Haddaanan iman oo aanan la hadlin, dembi ma ay lahaadeen, laakiin hadda dembigooda marmarsiinyo uma haystaan. 
22 If I had not come and spoken unto them, they had not had sin: but now they have no cloke for their sin. 
23 Kii i neceb. waxaa kaluu neceb yahay Aabbahay. 
23 He that hateth me hateth my Father also. 
24 Haddaanan dhexdooda ku samayn shuqullada aan nin kale samayn, dembi ma ay lahaadeen, haddase aniga iyo Aabbahayba way na arkeen oo na nebcaadeen. 
24 If I had not done among them the works which none other man did, they had not had sin: but now have they both seen and hated both me and my Father. 
25 Laakiin sidaas waxay u noqotay inuu dhammaado hadalka sharcigooda ku qorani, Way ii nebcaadeen sabab la'aan. 
25 But this cometh to pass, that the word might be fulfilled that is written in their law, They hated me without a cause. 
26 Laakiin markuu yimaado Gargaaraha oo aan xagga Aabbaha ka soo diri doono, isagoo ah Ruuxa runta oo xagga Aabbaha ka soo baxa, ayuu ii marag furi doonaa. 
26 But when the Comforter is come, whom I will send unto you from the Father, even the Spirit of truth, which proceedeth from the Father, he shall testify of me: 
27 Idinkuna waad marag furi doontaan, waayo, tan iyo bilowgii waad ila jirteen.
27 And ye also shall bear witness, because ye have been with me from the beginning.
16
1 Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay inaydnaan ka xumaanin. 
1 These things have I spoken unto you, that ye should not be offended. 
2 Waxay idinka saari doonaan sunagogyada, weliba saacaddaa imanaysa in mid walboo idin dilaa uu u malaynayo inuu Ilaah u adeegayo. 
2 They shall put you out of the synagogues: yea, the time cometh, that whosoever killeth you will think that he doeth God service. 
3 Oo waxay waxyaalahaas u samayn doonaan, waayo, waxaanay garanayn Aabbaha iyo aniga toona. 
3 And these things will they do unto you, because they have not known the Father, nor me. 
4 Laakiin waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in markii saacaddoodu timaado aad xusuusataan inaan idiin sheegay. Tan iyo bilowgii waxyaalahaas idinkulama hadlin. maxaa yeelay, waan idinla joogay. 
4 But these things have I told you, that when the time shall come, ye may remember that I told you of them. And these things I said not unto you at the beginning, because I was with you.
5 Laakiin hadda waxaan u tegayaa kii i soo diray, midkiinna i weydiin maayo. Xaggee baad tegaysaa 
5 But now I go my way to him that sent me; and none of you asketh me, Whither goest thou? 
6 Waxyaalahaas aan idinkula hadlay aawadood, qalbigiinna murug baa ka buuxsantay. 
6 But because I have said these things unto you, sorrow hath filled your heart. 
7 Laakiin runta ayaan idiin sheega yaa, Waxaa idiin roon inaan tago. Haddaanan tegin, Gargaaruhu idiinma iman doono, laakiin haddaan tago waan idiin soo diri doonaa. 
7 Nevertheless I tell you the truth; It is expedient for you that I go away: for if I go not away, the Comforter will not come unto you; but if I depart, I will send him unto you. 
8 Isagu markuu yimaado wuxuu dunida ku caddayn doonaa xagga dembiga iyo xaqa iyo xukunka; 
8 And when he is come, he will reprove the world of sin, and of righteousness, and of judgment: 
9 xagga dembiga, waayo, way 
9 Of sin, because they believe not on me; 
10 rumaysan waayeen; xagga xaqa. waayo, Aabbahaan u tegayaa, imana arki doontaan mar dambe, 
10 Of righteousness, because I go to my Father, and ye see me no more; 
11 xagga xukunka, waayo, kan madaxda dunida ah waa la xukumay. 
11 Of judgment, because the prince of this world is judged. 
12 Wax badan oo kalaan leeyahay inaan idiin sheego, laakiin imminka qaadi kari maysaan. 
12 I have yet many things to say unto you, but ye cannot bear them now. 
13 Laakiin markuu kan Ruuxa runta ahu yimaado, wuxuu idhlku wadi doonaa runta oo dhan, waayo, isagu iskama hadli doono, wuxuuse ku hadli doonaa wuxuu maqlo, wuxuuna idiin sheegi doonaa waxa imanaya. 
13 Howbeit when he, the Spirit of truth, is come, he will guide you into all truth: for he shall not speak of himself; but whatsoever he shall hear, that shall he speak: and he will shew you things to come. 
14 Wuu i ammaani doonaa, waayo, waxayguu qaadi doonaa, wuuna idiin sheegi doonaa. 
14 He shall glorify me: for he shall receive of mine, and shall shew it unto you. 
15 Wax kasta oo Aabbuhu leeyahay anigaa leh. Sidaa daraaddeed waxaan idhi, Waxayguu qaadaa, wuuna idiin sheegi doonaa. 
15 All things that the Father hath are mine: therefore said I, that he shall take of mine, and shall shew it unto you. 
16 In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan. 
16 A little while, and ye shall not see me: and again, a little while, and ye shall see me, because I go to the Father. 
17 Sidaa daraaddeed xertiisa qaarkood waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu inagu leeyahay, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan, iyo, Maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa? 
17 Then said some of his disciples among themselves, What is this that he saith unto us, A little while, and ye shall not see me: and again, a little while, and ye shall see me: and, Because I go to the Father? 
18 Haddaba waxay yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu leeyahay. In yar dabadeed? Garan mayno wuxuu leeyahay. 
18 They said therefore, What is this that he saith, A little while? we cannot tell what he saith. 
19 Ciise ayaa garanayay inay doonayeen inay wax weydiiyaan, oo wuxuu ku yidhi, Ma waxaad isweydiinaysaan xaalkan aan idhi, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan? 
19 Now Jesus knew that they were desirous to ask him, and said unto them, Do ye enquire among yourselves of that I said, A little while, and ye shall not see me: and again, a little while, and ye shall see me? 
20 Runtii. runtii, waxaan idinku leeyahay, Waad ooyi doontaan oo barooran doontaan, duniduse waa farxi doontaa. Waad murugoon doontaan, laakiin murugaddiinnu waxay u rogman doontaa farxad. 
20 Verily, verily, I say unto you, That ye shall weep and lament, but the world shall rejoice: and ye shall be sorrowful, but your sorrow shall be turned into joy. 
21 Naagtu goortay umulayso, way murugootaa, waayo, saacaddeedaa timid, laakiin markay ilmaha umusho, dhibtii dib uma xusuusato farxad aawadeed, waayo, nin baa dunida ku dhashay. 
21 A woman when she is in travail hath sorrow, because her hour is come: but as soon as she is delivered of the child, she remembereth no more the anguish, for joy that a man is born into the world. 
22 Imminka haddaba waad murugsan tihiin, laakiin mar dambe ayaan idin arki doonaa, qalbigiinnuna wuu farxi doonaa, farxaddiinnana ninna idinkama qaadi doono. 
22 And ye now therefore have sorrow: but I will see you again, and your heart shall rejoice, and your joy no man taketh from you. 
23 Oo maalintaasna waxba ima weydiin doontaan. Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii aad wax uun weydiisataan Aabbaha, magacayga ayuu idinku siin doonaa. 
23 And in that day ye shall ask me nothing. Verily, verily, I say unto you, Whatsoever ye shall ask the Father in my name, he will give it you. 
24 Tan iyo imminka waxba magacayga kuma weydiisan. Weydiista, waanad heli doontaan, inay farxaddiinnu buuxsanto. 
24 Hitherto have ye asked nothing in my name: ask, and ye shall receive, that your joy may be full. 
25 Waxyaalahaas ayaan masaallo idinkula hadlay. Waxaa imanaysa goortii aanan mar dambe masaallo idinkula hadli doonin, laakiin aan bayaan idiinkaga warrami doono Aabbaha. 
25 These things have I spoken unto you in proverbs: but the time cometh, when I shall no more speak unto you in proverbs, but I shall shew you plainly of the Father. 
26 Maalintaas waxaad ku weydiisan doontaan magacayga. Idinkuma lihi inaan Aabbaha baryayo daraaddiin. 
26 At that day ye shall ask in my name: and I say not unto you, that I will pray the Father for you: 
27 Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay. waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid. 
27 For the Father himself loveth you, because ye have loved me, and have believed that I came out from God. 
28 Aabbaha ayaan ka imid oo aan dunida imid. Haddana waan ka tegayaa dunida oo Aabbahaan u tegayaa. 
28 I came forth from the Father, and am come into the world: again, I leave the world, and go to the Father. 
29 Xertiisii ayaa ku tidhi, Bal eeg, bayaan baad hadda u hadlaysaaye, oo masaal ku hadli maysid. 
29 His disciples said unto him, Lo, now speakest thou plainly, and speakest no proverb. 
30 Imminka waannu garanaynaa inaad wax walba taqaan, oo aadan u baahnayn qofna inuu wax ku weydiiyo. Taas aawadeed waannu rumaysan nahay inaad Ilaah ka timid. 
30 Now are we sure that thou knowest all things, and needest not that any man should ask thee: by this we believe that thou camest forth from God. 
31 Ciise ayaa ugu jawaabay, Hadda ma rumaysan tihiin? 
31 Jesus answered them, Do ye now believe? 
32 Ogaada, saacaddii baa imanaysa, waana timid, kolkaad u kala firdhi doontaan mid kasta xaggiisa, anna keligay baad iga tegi doontaan, oo weliba keligay ma ihi, waayo, waxaa ila jooga Aabbaha. 
32 Behold, the hour cometh, yea, is now come, that ye shall be scattered, every man to his own, and shall leave me alone: and yet I am not alone, because the Father is with me. 
33 Waxyaalahaas waxaan idiinkula hadlay inaad nabad igu haysataan. Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunida e.
33 These things I have spoken unto you, that in me ye might have peace. In the world ye shall have tribulation: but be of good cheer; I have overcome the world.
17
1 Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano, 
1 These words spake Jesus, and lifted up his eyes to heaven, and said, Father, the hour is come; glorify thy Son, that thy Son also may glorify thee: 
2 sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan. 
2 As thou hast given him power over all flesh, that he should give eternal life to as many as thou hast given him. 
3 Tanu waa nolosha weli geed ah inay ku gartaan. adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay. 
3 And this is life eternal, that they might know thee the only true God, and Jesus Christ, whom thou hast sent. 
4 Dhulka ayaan kugu ammaanay. anoo dhammeeyey shuqulkaad ii dhiibtay inaan sameeyo. 
4 I have glorified thee on the earth: I have finished the work which thou gavest me to do.
5 Haddana. Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin. 
5 And now, O Father, glorify thou me with thine own self with the glory which I had with thee before the world was. 
6 Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen. oo anaad i siisay, iyaguna hadalkaagay xajiyeen. 
6 I have manifested thy name unto the men which thou gavest me out of the world: thine they were, and thou gavest them me; and they have kept thy word. 
7 Hadda waxay garanayaan wax kastoo aad i siisayba inay xaggaaga ka yimaadeen. 
7 Now they have known that all things whatsoever thou hast given me are of thee. 
8 Waayo, erayadaad i siisay ayaan siiyey iyaga. wayna aqbaleen. run ahaan bayna u garteen inaan kaa imid. wayna rumaysteen inaad i soo dirtay. 
8 For I have given unto them the words which thou gavest me; and they have received them, and have known surely that I came out from thee, and they have believed that thou didst send me. 
9 Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii. 
9 I pray for them: I pray not for the world, but for them which thou hast given me; for they are thine. 
10 Waxayga oo dhan adaa leh, waxaagana anaa leh, iyagana waan ku ammaanmay. 
10 And all mine are thine, and thine are mine; and I am glorified in them. 
11 Anigu dunida sii joogi maayo: kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Qoduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale. 
11 And now I am no more in the world, but these are in the world, and I come to thee. Holy Father, keep through thine own name those whom thou hast given me, that they may be one, as we are. 
12 Intaan iyaga la jiray waxaan iyaga ku hayay magacaagii aad i siisay. waanan ilaaliyey. midkoodna ma lumin. wiilka halaagga maahee, in Qorniinku ahaado. 
12 While I was with them in the world, I kept them in thy name: those that thou gavest me I have kept, and none of them is lost, but the son of perdition; that the scripture might be fulfilled. 
13 Haddana waan kuu imanayaa, oo waxyaalahan ayaan ku hadlayaa intaan dunida joogo inay haystaan farxaddayda oo ay ka buuxsanto iyaga. 
13 And now come I to thee; and these things I speak in the world, that they might have my joy fulfilled in themselves. 
14 Hadalkaagii ayaan siiyey, oo dunidu waa nebcaatay, waayo, iyagii kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn. 
14 I have given them thy word; and the world hath hated them, because they are not of the world, even as I am not of the world. 
15 Kaa baryi maayo inaad iyaga dunida ka qaaddid, waxaanse kaa baryayaa inaad ka dhawrtid kan sharka leh. 
15 I pray not that thou shouldest take them out of the world, but that thou shouldest keep them from the evil. 
16 Iyagu kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn. 
16 They are not of the world, even as I am not of the world. 
17 Iyaga qoduus kaga dhig runta, hadalkaagu waa run e. 
17 Sanctify them through thy truth: thy word is truth. 
18 Sidaad dunida iigu soo dirtay ayaan anna iyaga dunida ugu diray. 
18 As thou hast sent me into the world, even so have I also sent them into the world. 
19 Oo aawadood ayaan qoduus iskaga dhigaa, in iyagana xagga runta qoduus lagaga dhigo. 
19 And for their sakes I sanctify myself, that they also might be sanctified through the truth. 
20 Kuwan oo keliya kuu baryi maayo,waxaanse weliba kuu baryayaa kuwa igu rumaysanaya hadalkooda aawadiis, 
20 Neither pray I for these alone, but for them also which shall believe on me through their word; 
21 inay dhammaan mid ahaadaan, sidaad adigu, Aabbow, iigu jirtid. aniguna aan kuugu jiro. inay iyaguna inoogu jiraan, in dunidu rumaysato inaad i soo dirtay. 
21 That they all may be one; as thou, Father, art in me, and I in thee, that they also may be one in us: that the world may believe that thou hast sent me. 
22 Oo ammaantaad i siisay iyagaan siiyey, inay mid ahaadaan sidaynu mid u nahay. 
22 And the glory which thou gavest me I have given them; that they may be one, even as we are one: 
23 Iyagaan ku jiraa, adna anigaad igu jirtaa, inay mid ku dhan yihiin, in dunidu garato inaad i soo dirtay, iyo inaad iyaga u jeclaatay sidaad ii jeclaatay. 
23 I in them, and thou in me, that they may be made perfect in one; and that the world may know that thou hast sent me, and hast loved them, as thou hast loved me. 
24 Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydil aad i siisay, waayo. adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin. 
24 Father, I will that they also, whom thou hast given me, be with me where I am; that they may behold my glory, which thou hast given me: for thou lovedst me before the foundation of the world. 
25 Aabbaha xaqa ahow. dunidu kuma ay garanaynin. Laakiinse waan ku garanayay: kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay. 
25 O righteous Father, the world hath not known thee: but I have known thee, and these have known that thou hast sent me. 
26 Magacaagaan iyagii garansiiyey, waanan garansiin doonaa, in jacaylkii aad i jeclayd uu ku jiro iyaga, anna aan iyaga ku jiro.
26 And I have declared unto them thy name, and will declare it: that the love wherewith thou hast loved me may be in them, and I in them.
18
1 Ciise markuu waxyaalahaas yidhi wuu la baxay xertiisii oo kala gudbay Tog Qidroon, meeshay ku tiil beer uu galay, isaga iyo xertiisiiba. 
1 When Jesus had spoken these words, he went forth with his disciples over the brook Cedron, where was a garden, into the which he entered, and his disciples. 
2 Yuudasna, kii gacan geliyey, meeshaas wuu garanayay, waayo, Ciise marar badan ayuu meeshaas xertiisii la tegi jiray. 
2 And Judas also, which betrayed him, knew the place: for Jesus ofttimes resorted thither with his disciples. 
3 Haddaba Yuudas isagoo askar iyo saraakiil ka wada wadaaddadii sare iyo Farrisiintii ayuu meeshaas la yimid laambado iyo siraaddo iyo hub. 
3 Judas then, having received a band of men and officers from the chief priests and Pharisees, cometh thither with lanterns and torches and weapons. 
4 Sidaa daraaddeed Ciise isagoo og waxa ku dhici doona oo dhan ayuu baxay oo ku yidhi iyaga, Kumaad doondoonaysaan? 
4 Jesus therefore, knowing all things that should come upon him, went forth, and said unto them, Whom seek ye?
5 Waxay ugu jawaabeen, Ciisihii reer Naasaret. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Isagii baan ahay. Waxaana iyaga la taagnaa Yuudas kii gacan geliyey. 
5 They answered him, Jesus of Nazareth. Jesus saith unto them, I am he. And Judas also, which betrayed him, stood with them. 
6 Sidaa daraaddeed Ciise markuu ku yidhi, Isagii baan ahay, dib bay u socdeen, oo dhulkay ku dhaceen. 
6 As soon then as he had said unto them, I am he, they went backward, and fell to the ground. 
7 Mar kale haddaba ayuu weydiiyey, oo ku yidhi, Kumaad doondoonaysaan? Oo waxay ku yidhaahdeen, Ciisihii reer Naasaret. 
7 Then asked he them again, Whom seek ye? And they said, Jesus of Nazareth. 
8 Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay inaan isagii ahay. Haddaba haddaad i doonaysaan, kuwan iska daaya, ha tageene. 
8 Jesus answered, I have told you that I am he: if therefore ye seek me, let these go their way: 
9 Wuxuu saas u yidhi inuu dhammaado hadalkii uu ku hadlay oo ahaa, Kuwii aad i siisay, midkoodna ma lumin. 
9 That the saying might be fulfilled, which he spake, Of them which thou gavest me have I lost none. 
10 Simoon Butros haddaba, isagoo seef haysta, ayuu soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo ka gooyay dhegta midigta. Addoonkii magiciisu wuxuu ahaa Malkos. 
10 Then Simon Peter having a sword drew it, and smote the high priest's servant, and cut off his right ear. The servant's name was Malchus. 
11 Sidaa daraaddeed Ciise wuxuu Butros ku yidhi, Seefta galkeeda ku celi. Koobka Aabbuhu i siiyey miyaanan cabbayn? 
11 Then said Jesus unto Peter, Put up thy sword into the sheath: the cup which my Father hath given me, shall I not drink it? 
12 Haddaba askartii iyo ninkii u sarreeyey iyo saraakiishii Yuhuudda ayaa Ciise qabtay, markaasay xidhxidheen, 
12 Then the band and the captain and officers of the Jews took Jesus, and bound him, 
13 oo markii hore waxay u geeyeen Annas, waayo, wuxuu ahaa soddoggii Kayafas oo ahaa wadaadkii sare sannaddaas. 
13 And led him away to Annas first; for he was father in law to Caiaphas, which was the high priest that same year. 
14 Kayafas wuxuu ahaa kii kula taliyey Yuhuudda inay u roon tahay in nin keliyahu dadka u dhinto. 
14 Now Caiaphas was he, which gave counsel to the Jews, that it was expedient that one man should die for the people. 
15 Waxaa Ciise daba socday Simoon Butros iyo mid kale oo xer ah. Ninkaas xerta ahaa wadaadka sare waa garanayay, wuuna la galay Ciise barxadda wadaadkii sare. 
15 And Simon Peter followed Jesus, and so did another disciple: that disciple was known unto the high priest, and went in with Jesus into the palace of the high priest. 
16 Butros se wuxuu taagnaa albaabka agtiisa oo dibadda ah. Sidaa daraaddeed kii kale oo xerta ahaa oo wadaadka sare garanayay ayaa dibadda u soo baxay oo la hadlay tii albaabka ilaalinaysay, oo Butros ayuu soo geliyey. 
16 But Peter stood at the door without. Then went out that other disciple, which was known unto the high priest, and spake unto her that kept the door, and brought in Peter. 
17 Gabadhii albaabka ilaalinaysay waxay Butros ku tidhi, Adiguna ma waxaad tahay mid ka mid ah ninkan xertiisa? Wuxuu ku yidhi, Ma ihi. 
17 Then saith the damsel that kept the door unto Peter, Art not thou also one of this man's disciples? He saith, I am not. 
18 Markaasaa waxaa taagnaayeen addoommadii iyo saraakiishii oo dab dhuxul ah sameeyey, maxaa yeelay, dhaxan bay ahayd, wayna kulaalayeen. Butrosna wuu la joogay, isagoo taagan oo dabka kulaalaya. 
18 And the servants and officers stood there, who had made a fire of coals; for it was cold: and they warmed themselves: and Peter stood with them, and warmed himself. 
19 Haddaba wadaadkii sare wuxuu Ciise wax ka weydiiyey xertiisii iyo waxbariddiisii. 
19 The high priest then asked Jesus of his disciples, and of his doctrine. 
20 Ciise ayaa ugu jawaabay. Bayaan baan dunida ula hadlay, oo weligay wax baan ku bari jiray sunagogyada iyo macbudka, meesha ay Yuhuudda oo dhammi isugu timaado, oo waxba si qarsoon uma odhan jirin. 
20 Jesus answered him, I spake openly to the world; I ever taught in the synagogue, and in the temple, whither the Jews always resort; and in secret have I said nothing. 
21 Maxaad ii weydiinaysaa? Weydii kuwa. 
21 Why askest thou me? ask them which heard me, what I have said unto them: behold, they know what I said. 
22 Markuu sidaas yidhi saraakiishii midkood oo ag taagnaa ayaa Ciise dharbaaxay isagoo leh, Ma saasaad ugu jawaabaysaa wadaadka sare? 
22 And when he had thus spoken, one of the officers which stood by struck Jesus with the palm of his hand, saying, Answerest thou the high priest so? 
23 Ciise ayaa ugu jawaabay, Haddii aan si xun u hadlay, xumaanta ka marag fur, haddaan si wanaagsan u hadlayse, maxaad ii dharbaaxaysaa? 
23 Jesus answered him, If I have spoken evil, bear witness of the evil: but if well, why smitest thou me? 
24 Annas haddaba wuxuu isagoo xidhxidhan u diray Kayafas oo ahaa wadaadka sare. 
24 Now Annas had sent him bound unto Caiaphas the high priest. 
25 Simoon Butros ayaa taagnaa oo dabka kulaalayay. Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma waxaad tahay maqlay waxaan kula hadlay. Bal eeg, kuwaasaa og waxaan idhi e. xertiisii midkood? Markaasuu inkiray oo yidhi, Ma ihi. 
25 And Simon Peter stood and warmed himself. They said therefore unto him, Art not thou also one of his disciples? He denied it, and said, I am not. 
26 Addoommadii wadaadka sare midkood oo qaraabo ay ahaayeen kii Butros uu dhegta ka gooyay wuxuu yidhi, Miyaanan beerta kugula arkin isaga? 
26 One of the servants of the high priest, being his kinsman whose ear Peter cut off, saith, Did not I see thee in the garden with him? 
27 Haddaba Butros mar kale ayuu inkiray, oo markiiba diiqii baa ciyey. 
27 Peter then denied again: and immediately the cock crew. 
28 Haddaba Ciise ayay ka kaxeeyeen Kayafas ilaa guriga taliyaha. Waxay ahayd aroortii hore, oo iyagu ma ay gelin guriga taliyaha si aanay u nijaasoobin, laakiinse inay Cashadii Iidda Kormaridda wax ka cunaan. 
28 Then led they Jesus from Caiaphas unto the hall of judgment: and it was early; and they themselves went not into the judgment hall, lest they should be defiled; but that they might eat the passover. 
29 Bilaatos haddaba ayaa u soo baxay iyagii oo ku yidhi, Maxaad ku ashtakaynaysaan ninkan? 
29 Pilate then went out unto them, and said, What accusation bring ye against this man? 
30 Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Ninkanu haddaanu ahayn xumaanfale, kuuma aannu soo gacan gelinneen. 
30 They answered and said unto him, If he were not a malefactor, we would not have delivered him up unto thee. 
31 Haddaba Bilaatos wuxuu ku yidhi, Idinku qaata, oo sharcigiinna ku xukuma. Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen, Xalaal nooma aha inaannu nin dillo, 
31 Then said Pilate unto them, Take ye him, and judge him according to your law. The Jews therefore said unto him, It is not lawful for us to put any man to death: 
32 inuu ahaado hadalkii Ciise ku hadlay kolkuu sheegay siduu u dhiman doono. 
32 That the saying of Jesus might be fulfilled, which he spake, signifying what death he should die. 
33 Bilaatos haddaba guriga taliyaha ayuu mar kale galay oo Ciise u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Adigu ma waxaad tahay Boqorka Yuhuudda? 
33 Then Pilate entered into the judgment hall again, and called Jesus, and said unto him, Art thou the King of the Jews? 
34 Ciise ayaa ugu jawaabay, Ma adaa iska odhanaya waxaas, mise kuwa kalaa iiga kaa sheegay? 
34 Jesus answered him, Sayest thou this thing of thyself, or did others tell it thee of me? 
35 Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Ma Yuhuudi baan ahay? Quruuntaadii iyo wadaaddadii sare ayaa ii soo kaa gacan geliyeye. Maxaad samaysay? 
35 Pilate answered, Am I a Jew? Thine own nation and the chief priests have delivered thee unto me: what hast thou done? 
36 Ciise ayaa ugu jawaabay, Boqortooyadaydu tan dunidan ma aha. Haddii boqortooyadaydu tan dunidan tahay, midiidinyadaydu waa ii diriri lahaayeen inaan Yuhuudda la ii gacan gelin. Imminkase boqortooyadaydu tan halkan ma aha. 
36 Jesus answered, My kingdom is not of this world: if my kingdom were of this world, then would my servants fight, that I should not be delivered to the Jews: but now is my kingdom not from hence. 
37 Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Haddaba ma boqor baad tahay? Ciise ayaa ugu jawaabay, Waad tidhaahdaa inaan boqor ahay. Taas ayaan u dhashay, oo taas ayaan dunida u imid, inaan marag u furo runta. Mid kasta oo kan runta ah wuu maqlaa codkayga. 
37 Pilate therefore said unto him, Art thou a king then? Jesus answered, Thou sayest that I am a king. To this end was I born, and for this cause came I into the world, that I should bear witness unto the truth. Every one that is of the truth heareth my voice. 
38 Bilaatos ayaa ku yidhi, Waa maxay runtu? Oo markuu sidaa ku yidhi, mar kale ayuu Yuhuudda u baxay oo ku yidhi, Eedna isagii kuma aan helin. 
38 Pilate saith unto him, What is truth? And when he had said this, he went out again unto the Jews, and saith unto them, I find in him no fault at all. 
39 Laakiin waxaad leedihiin caado inaan mid idiin sii daayo Iidda Kormaridda. Haddaba ma doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorkii Yuhuudda? 
39 But ye have a custom, that I should release unto you one at the passover: will ye therefore that I release unto you the King of the Jews? 
40 Kolkaasay dhammaan mar kale qayliyeen iyagoo leh, Ninkan ma aha, laakiin Baraabbas. Baraabbas wuxuu ahaa waxdhace.
40 Then cried they all again, saying, Not this man, but Barabbas. Now Barabbas was a robber.
19
1 Markaasaa Bilaatos haddaba Ciise watay oo karbaashay. 
1 Then Pilate therefore took Jesus, and scourged him. 
2 Askartiina taaj ayay qodxan uga taxeen, oo madaxiisay saareen, oo waxay u geliyeen dhar guduudan. 
2 And the soldiers platted a crown of thorns, and put it on his head, and they put on him a purple robe, 
3 Markaasay u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Nabad Boqorka Yuhuuddow, wayna dharbaaxeen. 
3 And said, Hail, King of the Jews! and they smote him with their hands. 
4 Bilaatos haddana dibadduu u baxay oo ku yidhi iyaga, Eega, isagaan idiin soo bixinayaa inaad ogaataan inaanan eed ku helin. 
4 Pilate therefore went forth again, and saith unto them, Behold, I bring him forth to you, that ye may know that I find no fault in him.
5 Ciise haddaba ayaa dibadda u soo baxay isagoo sita taajkii qodxanta ahaa iyo dharkii guduudnaa, oo Bilaatos ayaa ku yidhi iyaga, Bal eega ninka. 
5 Then came Jesus forth, wearing the crown of thorns, and the purple robe. And Pilate saith unto them, Behold the man! 
6 Sidaa daraaddeed markii wadaaddadii sare iyo saraakiishii arkeen, ayay qayliyeen iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob. Bilaatos ayaa ku yidhi, Idinku wata, oo iskutallaabta ku qodba, waayo, anigu eed kuma aan heline. 
6 When the chief priests therefore and officers saw him, they cried out, saying, Crucify him, crucify him. Pilate saith unto them, Take ye him, and crucify him: for I find no fault in him. 
7 Yuhuuddii ayaa ugu jawaabtay, Sharci baannu leennahay, sharcigaas xaggiisana waa inuu dhinto, waayo, wuxuu iska dhigay Wiilka Ilaah. 
7 The Jews answered him, We have a law, and by our law he ought to die, because he made himself the Son of God. 
8 Haddaba Bilaatos markuu hadalkaas maqlay, aad buu u sii baqay, 
8 When Pilate therefore heard that saying, he was the more afraid; 
9 oo haddana wuxuu galay guriga taliyaha oo ku yidhi Ciise, Xaggee baad ka timid? Laakiin Ciise jawaabna uma uu celinin. 
9 And went again into the judgment hall, and saith unto Jesus, Whence art thou? But Jesus gave him no answer. 
10 Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Miyaanad ila hadlayn? Miyaanad ogayn inaan leeyahay amar aan kugu sii daayo iyo amar aan iskutallaabta kugu qodbo? 
10 Then saith Pilate unto him, Speakest thou not unto me? knowest thou not that I have power to crucify thee, and have power to release thee? 
11 Ciise ayaa ugu jawaabay, Amarna iguma aad lahaateen haddaan xagga sare lagaa siin. Sidaa daraaddeed kii ii soo kaa gacan geliyey ayaa kaa dembi weyn. 
11 Jesus answered, Thou couldest have no power at all against me, except it were given thee from above: therefore he that delivered me unto thee hath the greater sin. 
12 Taas dabadeed Bilaatos wuxuu doonayay inuu sii daayo, laakiin Yuhuuddii ayaa qaylisay iyagoo leh, Haddaad ninkan sii daysid, Kaysar saaxiibkiis ma ihid. Nin kasta oo boqor iska dhigaba, wuxuu caasiyaa Kaysar. 
12 And from thenceforth Pilate sought to release him: but the Jews cried out, saying, If thou let this man go, thou art not Caesar's friend: whosoever maketh himself a king speaketh against Caesar. 
13 Haddaba Bilaatos markuu hadalladaas maqlay. ayuu Ciise dibadda u soo saaray, oo wuxuu ku fadhiistay kursiga xukumaadda, meesha la yidhaahdo Sallaxa Dhagaxa ah oo af Cibraanigana lagu yidhaahdo Gabbata. 
13 When Pilate therefore heard that saying, he brought Jesus forth, and sat down in the judgment seat in a place that is called the Pavement, but in the Hebrew, Gabbatha. 
14 Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayskii Kor maridda, abbaaraha saacaddii lixaad. Oo wuxuu Yuhuudda ku yidhi, Bal eega boqorkiinna. 
14 And it was the preparation of the passover, and about the sixth hour: and he saith unto the Jews, Behold your King! 
15 Sidaa daraaddeed waxay ku qayliyeen, Kaxee, kaxee, iskutallaabta ku qodob. Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi. Boqorkiinna miyaan iskutallaabta ku qodbaa? Wadaaddadii sare ayaa ugu jawaabay. Boqor ma lihin Kaysar maahee. 
15 But they cried out, Away with him, away with him, crucify him. Pilate saith unto them, Shall I crucify your King? The chief priests answered, We have no king but Caesar. 
16 Markaasuu haddaba u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo. 
16 Then delivered he him therefore unto them to be crucified. And they took Jesus, and led him away. 
17 na kaxeeyeen Ciise. Markaas isagoo sita iskutallaabta ayuu u kacay meeshii Dhakada la yidhaahdo. oo af Cibraaniga lagu odhan jiray Golgota. 
17 And he bearing his cross went forth into a place called the place of a skull, which is called in the Hebrew Golgotha: 
18 meeshaasay iskutallaabaha ku qodbeen isaga iyo laba kale, midba gees. Ciisena dhexda. 
18 Where they crucified him, and two other with him, on either side one, and Jesus in the midst. 
19 Bilaatosna wax buu qoray oo ku dhejiyey iskutallaabta dusheeda, waxaana ku qorraa. CIISIHII REER NAASARET. BOQORKA YUHUUDDA. 
19 And Pilate wrote a title, and put it on the cross. And the writing was, JESUS OF NAZARETH THE KING OF THE JEWS. 
20 Haddaba Yuhuudda badideed ayaa qorniinkaas akhriday. waayo. meeshii Ciise iskutallaabta lagaga qodbay waa u dhowayd magaalada. oo qorniinkii wuxuu ku qorraa af Cibraaniga iyo af Roomaaniga iyo af Gariigga. 
20 This title then read many of the Jews: for the place where Jesus was crucified was nigh to the city: and it was written in Hebrew, and Greek, and Latin. 
21 Sidaa daraaddeed wadaaddadii sare oo Yuhuudda waxay Bilaatos ku yidhaahdeen. Ha qorin. Boqorka Yuhuudda, laakiin qor, Kanaa yidhi. Waxaan ahay Boqorka Yuhuudda. 
21 Then said the chief priests of the Jews to Pilate, Write not, The King of the Jews; but that he said, I am King of the Jews. 
22 Bilaatos ayaa ugu jawaabay. Waxaan qoray ayaan qoray. 
22 Pilate answered, What I have written I have written. 
23 Haddaba askartii markay Ciise iskutallaabta ku qodbeen. dharkiisay qaateen oo ay afar meelood ka dhigeen, askari waliba meel buu qaatay, khamiiskiina qaateen. Khamiiskii meella kama tolayn dusha iyo hoosta. 
23 Then the soldiers, when they had crucified Jesus, took his garments, and made four parts, to every soldier a part; and also his coat: now the coat was without seam, woven from the top throughout. 
24 Sidaa daraaddeed waxay isku yidhaahdeen, Yaynaan kala jeexin, laakiin aan u saami ridanno kii heli doona, inuu noqdo Qorniinka oo leh, Iyagu waxay qaybsadeen dharkaygii, Khamiiskaygiina u saami riteen. Haddaba waxyaalahaas askartii way samaysay. 
24 They said therefore among themselves, Let us not rend it, but cast lots for it, whose it shall be: that the scripture might be fulfilled, which saith, They parted my raiment among them, and for my vesture they did cast lots. These things therefore the soldiers did. 
25 Waxaa Ciise iskutallaabtiisa ag taagnaa hooyadiis, iyo habaryartiis, Maryan afadii Kaloobaas, iyo Maryan tii reer Magdala. 
25 Now there stood by the cross of Jesus his mother, and his mother's sister, Mary the wife of Cleophas, and Mary Magdalene. 
26 Sidaa daraaddeed Ciise markuu arkay hooyadiis iyo kii xerta ahaa oo uu jeclaa oo ag taagan, ayuu hooyadiis ku yidhi, Islaan yahay, waa kaa wiilkaagii. 
26 When Jesus therefore saw his mother, and the disciple standing by, whom he loved, he saith unto his mother, Woman, behold thy son! 
27 Markaasuu kii xerta ahaana ku yidhi. Waa taa hooyadaa. Oo saacaddaas dabadeed kii xerta ahaa ayaa gurigiisii u kaxeeyey. 
27 Then saith he to the disciple, Behold thy mother! And from that hour that disciple took her unto his own home. 
28 Markaas dabadeed Ciise isagoo garanaya wax kasta inay dhammaadeen, in Qorniinku ahaado, ayuu yidhi, Waan harraadsanahay. 
28 After this, Jesus knowing that all things were now accomplished, that the scripture might be fulfilled, saith, I thirst. 
29 Markaas waxaa meeshaas yiil weel khal ka buuxo. Sidaa daraaddeed geed isbonji la yidhaahdo bay khalkii ka buuxiyeen, markaasay kor saareen geed husob la yidhaahdo oo afkiisa ku dhoweeyeen. 
29 Now there was set a vessel full of vinegar: and they filled a spunge with vinegar, and put it upon hyssop, and put it to his mouth. 
30 Haddaba markii Ciise khalkii qaatay ayuu yidhi, Waa dhammaatay, markaasuu madaxa foororshay oo ruuxii bixiyey. 
30 When Jesus therefore had received the vinegar, he said, It is finished: and he bowed his head, and gave up the ghost. 
31 Sidaa daraaddeed Yuhuuddii, inaan meydadku sabtida iskutallaabaha sii saarnaan, waxay Bilaatos ka baryeen in lugaha laga jebiyo oo meydadka la qaado, waayo, waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, oo maalinta Sabtidaas waxay ahayd maalin weyn. 
31 The Jews therefore, because it was the preparation, that the bodies should not remain upon the cross on the sabbath day, (for that sabbath day was an high day,) besought Pilate that their legs might be broken, and that they might be taken away. 
32 Haddaba askartii waa timid, oo ay lugaha ka jebiyeen kii hore iyo kii kale oo iskutallaabaha lagula qodbay isaga. 
32 Then came the soldiers, and brake the legs of the first, and of the other which was crucified with him. 
33 Laakiin markay Ciise u yimaadeen oo ay arkeen inuu durba dhintay kama ay jebin lugihii. 
33 But when they came to Jesus, and saw that he was dead already, they brake not his legs: 
34 Laakiin mid askartii ka mid ah ayaa dhinaca Ciise waran kaga wareemay, oo markiiba waxaa ka soo baxay dhiig iyo biyo. 
34 But one of the soldiers with a spear pierced his side, and forthwith came there out blood and water. 
35 Oo kii arkayna wuu marag furay, maraggiisuna waa run, wuuna garanayaa inuu run sheegayo, inaad idinkuna rumaysataan. 
35 And he that saw it bare record, and his record is true: and he knoweth that he saith true, that ye might believe. 
36 Waayo, waxyaalahaas waxay u dhaceen inuu ahaado Qorniinka leh, Lafihiisa midna la jebin maayo. 
36 For these things were done, that the scripture should be fulfilled, A bone of him shall not be broken. 
37 Oo Qorniin kale wuxuu leeyahay, arki doonaan kii ay wareemeen. 
37 And again another scripture saith, They shall look on him whom they pierced. 
38 Waxyaalahaas dabadeed, Yuusuf kii ahaa reer Arimataya, isagoo xer u ah Ciise laakiinse si qarsoon cabsidii uu ka cabsaday Yuhuudda aawadeed, wuxuu Bilaatos ka baryay inuu meydka Ciise qaado. Bilaatosna waa u fasaxay. Sidaa daraaddeed wuu yimid oo meydkiisii qaaday. 
38 And after this Joseph of Arimathaea, being a disciple of Jesus, but secretly for fear of the Jews, besought Pilate that he might take away the body of Jesus: and Pilate gave him leave. He came therefore, and took the body of Jesus. 
39 Oo waxaa kaloo yimid Nikodemos kii markii hore habeennimada u yimid, wuxuuna keenay malmal iyo cuud isku qasan oo qiyaastii boqol rodol ah. 
39 And there came also Nicodemus, which at the first came to Jesus by night, and brought a mixture of myrrh and aloes, about an hundred pound weight. 
40 Haddaba waxay qaadeen meydkii Ciise oo ku duudduubeen maryo iyo dhir udgoon siday caadada aasniinta Yuhuuddu ahayd. 
40 Then took they the body of Jesus, and wound it in linen clothes with the spices, as the manner of the Jews is to bury. 
41 Meeshii isaga iskutallaabta lagu qodbay waxaa ku tiil beer, beerta dhexdeedana waxaa ku tiil xabaal cusub oo aan ninna weli la dhigin. 
41 Now in the place where he was crucified there was a garden; and in the garden a new sepulchre, wherein was never man yet laid. 
42 Haddaba Maalintii Diyaargarayska oo Yuhuudda aawadeed ayay meeshaas Ciise u dhigeen, waayo, xabaashii waa dhowayd.
42 There laid they Jesus therefore because of the Jews' preparation day; for the sepulchre was nigh at hand.
20
1 Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka Maryan tii reer Magdala ayaa aroortii hore xabaashii timid, intay weli gudcur ahayd, oo waxay aragtay dhagaxii oo xabaashii laga qaaday. 
1 The first day of the week cometh Mary Magdalene early, when it was yet dark, unto the sepulchre, and seeth the stone taken away from the sepulchre. 
2 Sidaa daraaddeed orodday oo u tagtay Simoon Butros iyo kii kale oo xerta ahaa oo Ciise jeclaa, waxayna ku tidhi, Sayidkii ayay xabaashii kala baxeen, oo garan mayno meeshay dhigeen. 
2 Then she runneth, and cometh to Simon Peter, and to the other disciple, whom Jesus loved, and saith unto them, They have taken away the Lord out of the sepulchre, and we know not where they have laid him. 
3 Saas aawadeed Butros iyo kii kale oo xerta ahaa ayaa baxay, oo waxay tageen xabaashii. 
3 Peter therefore went forth, and that other disciple, and came to the sepulchre. 
4 wada ordeen labadoodiiba, oo kii kale oo xerta ahaa ayaa Butros ka dheereeyey, oo uga hor maray xabaashii. 
4 So they ran both together: and the other disciple did outrun Peter, and came first to the sepulchre.
5 Markaasuu foororsaday, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal, laakiinse ma uu gelin. 
5 And he stooping down, and looking in, saw the linen clothes lying; yet went he not in. 
6 Haddana Simoon Butros oo daba socday baa yimid, markaasuu xabaashii galay, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal 
6 Then cometh Simon Peter following him, and went into the sepulchre, and seeth the linen clothes lie, 
7 iyo maradii madaxiisa saarnayd oo aan la oollin maryihii, laakiin meel keligeed ku duudduubnayd. 
7 And the napkin, that was about his head, not lying with the linen clothes, but wrapped together in a place by itself. 
8 Markaas haddaba waxaa galay kii kale oo xerta ahaa oo hore u yimid xabaashii, wuuna arkay oo rumaystay. 
8 Then went in also that other disciple, which came first to the sepulchre, and he saw, and believed. 
9 Waayo, weli Qorniinka ma ay garan inay tahay inuu kuwa dhintay ka soo sara kaco. 
9 For as yet they knew not the scripture, that he must rise again from the dead. 
10 Haddaba xertii ayaa mar kale guryahoodii ku noqotay. 
10 Then the disciples went away again unto their own home. 
11 Laakiin Maryan ayaa xabaashii dibaddeeda taagnayd iyadoo ooyaysa. Haddaba intay ooyaysay bay xabaashii ku foororsatay. 
11 But Mary stood without at the sepulchre weeping: and as she wept, she stooped down, and looked into the sepulchre, 
12 Waxayna aragtay laba malaa'igood oo dhar cadcad xidhan oo fadhiya meesha meydka Ciise oolli jiray, mid madaxa, midna cagaha. 
12 And seeth two angels in white sitting, the one at the head, and the other at the feet, where the body of Jesus had lain. 
13 Oo waxay ku yidhaahdeen, Haweenay yahay, maxaad u ooyaysaa? Markaasay ku tidhi, Waxaan u ooyayaa, Sayidkaygii bay qaadeen, oo garanna maayo meeshay dhigeen. 
13 And they say unto her, Woman, why weepest thou? She saith unto them, Because they have taken away my Lord, and I know not where they have laid him. 
14 Markay sidaa ku tidhi ayay dib u jeesatay oo ay aragtay Ciise oo taagan, mana ay garanaynin inuu Ciise yahay. 
14 And when she had thus said, she turned herself back, and saw Jesus standing, and knew not that it was Jesus. 
15 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Haweenay yahay, Maxaad u ooyaysaa? Kumaad doondoonaysaa? Iyadoo u malaynaysa inuu yahay ninkii beerta ka shaqaynayay waxay ku tidhi, Adeerow, haddaad isagii halkan ka qaadday, ii sheeg meeshaad dhigtay, anna waan ka soo qaadan doonaa e. 
15 Jesus saith unto her, Woman, why weepest thou? whom seekest thou? She, supposing him to be the gardener, saith unto him, Sir, if thou have borne him hence, tell me where thou hast laid him, and I will take him away. 
16 Ciise wuxuu ku yidhi, Maryamay. Markaasay jeesatay oo afka Cibraaniga ku tidhi Rabbooni, ee ah Macallimow. 
16 Jesus saith unto her, Mary. She turned herself, and saith unto him, Rabboni; which is to say, Master. 
17 Ciise ayaa ku yidhi, Ha i taaban, waayo, weli kor uguma aan tegin Aabbaha, laakiin u tag walaalahay oo ku dheh. Wuxuu yidhi, Waxaan kor ugu tegayaa Aabbahay oo ah Aabbihiin, Ilaahay oo ah Ilaahiin. 
17 Jesus saith unto her, Touch me not; for I am not yet ascended to my Father: but go to my brethren, and say unto them, I ascend unto my Father, and your Father; and to my God, and your God. 
18 Maryan tii reer Magdala ayaa timid oo xertii ku tidhi, Waxaan arkay Sayidkii, oo waxay u sheegtay inuu waxyaalahaas iyada ku yidhi. 
18 Mary Magdalene came and told the disciples that she had seen the Lord, and that he had spoken these things unto her. 
19 Haddaba maalintaas markay makhribkii ahayd, ayaantii u horraysay ee toddobaadka, oo ay albaabbadu xidhnaayeen meeshay xertu joogtay cabsida ay Yuhuudda ka cabsadeen aawadeed, ayaa Ciise yimid oo isdhex taagay, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. 
19 Then the same day at evening, being the first day of the week, when the doors were shut where the disciples were assembled for fear of the Jews, came Jesus and stood in the midst, and saith unto them, Peace be unto you. 
20 Oo markuu waxaas yidhi, wuxuu iyagii tusay gacmihiisii iyo dhinaciisii. Sidaa daraaddeed xertii waa ku farxeen markay Sayidkii arkeen. 
20 And when he had so said, he shewed unto them his hands and his side. Then were the disciples glad, when they saw the Lord. 
21 Haddaba Ciise ayaa mar kale ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. Sida Aabbuhu ii soo diray ayaan anna idiin dirayaa. 
21 Then said Jesus to them again, Peace be unto you: as my Father hath sent me, even so send I you. 
22 Oo markuu waxaas yidhi ayuu ku neefsaday oo ku yidhi, Aqbala Ruuxa Qoduuskaa. 
22 And when he had said this, he breathed on them, and saith unto them, Receive ye the Holy Ghost: 
23 Nin alla ninkaad dembiyadiisa cafidaan cafiyan yihiin, nin alla ninkaad dembiyadiisa ku celisaan ceshan yihiin. 
23 Whose soever sins ye remit, they are remitted unto them; and whose soever sins ye retain, they are retained. 
24 Laakiin Toomas mid laba iyo tobanka ka mid ah oo Didumos la odhan jiray lama joogin markuu Ciise yimid. 
24 But Thomas, one of the twelve, called Didymus, was not with them when Jesus came. 
25 Haddaba xertii kale ayaa ku tidhi, Waxaannu aragnay Sayidkii. Laakiin wuxuu ku yidhi, Haddaanan gacmihiisa ku arkin calaamadii musmaarrada, oo aanan fartayda gelin nabarkii musmaarrada, oo aanan gacantayda gelin dhinaciisa, rumaysanba maayo. 
25 The other disciples therefore said unto him, We have seen the Lord. But he said unto them, Except I shall see in his hands the print of the nails, and put my finger into the print of the nails, and thrust my hand into his side, I will not believe. 
26 Oo siddeed maalmood dabadeed xertiisii gudaha ayay mar labaad wada joogeen, oo Toomasna waa la joogay. Markaasaa Ciise yimid, albaabbadii oo xidhan, oo intuu isdhex taagay ayuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. 
26 And after eight days again his disciples were within, and Thomas with them: then came Jesus, the doors being shut, and stood in the midst, and said, Peace be unto you. 
27 Markaasuu Toomas ku yidhi, Fartaada keen oo arag gacmahayga, oo gacantaadana keen oo geli dhinacayga, oo ha rumaysad la'aanin laakiin rumayso. 
27 Then saith he to Thomas, Reach hither thy finger, and behold my hands; and reach hither thy hand, and thrust it into my side: and be not faithless, but believing. 
28 Toomas ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Rabbigay iyo Ilaahayow. 
28 And Thomas answered and said unto him, My Lord and my God. 
29 Markaasaa Ciise ku yidhi, Waad i aragtay, taas aawadeed ayaad rumaysatay. Waxaa barakadaysan kuwa aan i arag ee rumaystay. 
29 Jesus saith unto him, Thomas, because thou hast seen me, thou hast believed: blessed are they that have not seen, and yet have believed. 
30 Haddaba waxaa Ciise ku sameeyey xertii hortooda calaamooyin kale oo badan oo aan ku qornayn kitaabkan. 
30 And many other signs truly did Jesus in the presence of his disciples, which are not written in this book: 
31 Laakiin waxyaalahan waxaa loo qoray inaad rumaysataan inuu Ciise yahay Masiixa, Wiilka Ilaah, iyo inaad nolosha ku lahaataan magiciisa idinkoo rumaysanaya.
31 But these are written, that ye might believe that Jesus is the Christ, the Son of God; and that believing ye might have life through his name.
21
1 Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa mar kale xertii isugu muujiyey Bad Tiberiyas agteeda. Oo sidatan ayuu isu tusay. 
1 After these things Jesus shewed himself again to the disciples at the sea of Tiberias; and on this wise shewed he himself. 
2 Waxaa wada joogay Simoon Butros, iyo Toomas ka la yidhaahda Didumos, iyo Nataana'el oo ahaa kii Kaana tii Galili, iyo wiilashii Sebedi, iyo laba kale oo xertiisa ah. 
2 There were together Simon Peter, and Thomas called Didymus, and Nathanael of Cana in Galilee, and the sons of Zebedee, and two other of his disciples. 
3 Simoon Butros wuxuu iyaga ku yidhi, Waa soo kalluumaysanayaa. Markaasay ku yidhaahdeen, Annana waa ku raacaynaa. Markaasay tageen oo doonnida fuuleen; laakiin habeenkaas waxba ma ay qaban. 
3 Simon Peter saith unto them, I go a fishing. They say unto him, We also go with thee. They went forth, and entered into a ship immediately; and that night they caught nothing. 
4 Laakiin markii waagu beryay Ciise wuxuu taagnaa xeebta, xertiisiise ma ay garanaynin inuu Ciise yahay. 
4 But when the morning was now come, Jesus stood on the shore: but the disciples knew not that it was Jesus.
5 Markaasaa Ciise haddaba ku yidhi, Carruur yahay, wax la cuno ma haysaan? Waxay ugu jawaabeen, Maya. 
5 Then Jesus saith unto them, Children, have ye any meat? They answered him, No. 
6 Markaasuu ku yidhi, Shabagga ku tuura dhinaca midigta ee doonnida, waadna heli doontaane. Haddaba tuureen, oo ma ayna karin inay soo jiidaan, kalluunka faro badnaantiisa aawadeed. 
6 And he said unto them, Cast the net on the right side of the ship, and ye shall find. They cast therefore, and now they were not able to draw it for the multitude of fishes. 
7 Kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa ayaa ku yidhi Butros, Waa Sayidkii. Haddaba markuu Simoon Butros maqlay inuu Sayidka yahay, ayuu dharkiisa guntaday (waayo, wuu qaawanaa), oo wuxuu isku tuuray badda. 
7 Therefore that disciple whom Jesus loved saith unto Peter, It is the Lord. Now when Simon Peter heard that it was the Lord, he girt his fisher's coat unto him, (for he was naked,) and did cast himself into the sea. 
8 Laakiin xertii kale waxay ku yimaadeen sixiimadda yar (waayo, kama ay fogayn dhulka, laakiin waxay u jireen qiyaastii laba boqol oo dhudhun), waxayna jiidayeen shabaggii kalluunka. 
8 And the other disciples came in a little ship; (for they were not far from land, but as it were two hundred cubits,) dragging the net with fishes. 
9 Haddaba markay dhulkii u soo degeen waxay arkeen dab dhuxul ah iyo kalluun saaran iyo kibis. 
9 As soon then as they were come to land, they saw a fire of coals there, and fish laid thereon, and bread. 
10 Markaasaa Ciise ku yidhi iyagii, Keena qaar kalluunkaad hadda soo qabateen. 
10 Jesus saith unto them, Bring of the fish which ye have now caught. 
11 Haddaba Simoon Butros ayaa sixiimaddii fuulay, oo wuxuu xagga dhulka u jiiday shabaggii oo ka buuxa boqol iyo saddex iyo konton kalluun oo waaweyn, oo in kastoo ay faro badnaayeen shabaggii ma dillaacin. 
11 Simon Peter went up, and drew the net to land full of great fishes, an hundred and fifty and three: and for all there were so many, yet was not the net broken. 
12 Markaasaa Ciise wuxuu iyaga ku yidhi, Kaalaya oo quraacda. Oo xertii midkoodna kuma UU dhicin inuu yidhaahdo, Kumaad tahay? waayo, waxay garanayeen inuu Sayidka yahay. 
12 Jesus saith unto them, Come and dine. And none of the disciples durst ask him, Who art thou? knowing that it was the Lord. 
13 Kolkaasaa Ciise yimid oo qaaday kibistii oo siiyey iyaga, kalluunkiina sidoo kale. 
13 Jesus then cometh, and taketh bread, and giveth them, and fish likewise. 
14 Taasu waa markii saddexaad oo Ciise xertii isu muujiyey markii uu kuwa dhintay ka soo sara kacay dabadeed. 
14 This is now the third time that Jesus shewed himself to his disciples, after that he was risen from the dead. 
15 Haddaba markay quraacdeen dabadeed Ciise wuxuu Simoon Butros ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, kuwan ma iga jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Baraarkayga daaji. 
15 So when they had dined, Jesus saith to Simon Peter, Simon, son of Jonas, lovest thou me more than these? He saith unto him, Yea, Lord; thou knowest that I love thee. He saith unto him, Feed my lambs. 
16 Haddana wuxuu mar labaad ku yidhi isaga, Simoon ina Yoonisow, ma i jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Idahayga ilaali. 
16 He saith to him again the second time, Simon, son of Jonas, lovest thou me? He saith unto him, Yea, Lord; thou knowest that I love thee. He saith unto him, Feed my sheep. 
17 Markii saddexaad ayuu ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, Ma i jeceshahay? Butros ayaa ka calool xumaaday, waayo, wuxuu markii saddexaad ku yidhi, Ma i jeceshahay? Markaasuu ku yidhi, Sayidow, wax walba waad og tahay, waadna garanaysaa inaan ku jeclahay. Ciise ayaa ku yidhi, Idahayga daaji. 
17 He saith unto him the third time, Simon, son of Jonas, lovest thou me? Peter was grieved because he said unto him the third time, Lovest thou me? And he said unto him, Lord, thou knowest all things; thou knowest that I love thee. Jesus saith unto him, Feed my sheep. 
18 Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Markaad yarayd adigu waad guntan jirtay, oo waxaad mari jirtay meeshaad doonaysay, laakiin markaad gabowdid, gacmahaad kala bixin doontaa, oo mid kalaa kuu guntin doona, oo wuxuu kuu qaadi doonaa meel aadan doonayn. 
18 Verily, verily, I say unto thee, When thou wast young, thou girdedst thyself, and walkedst whither thou wouldest: but when thou shalt be old, thou shalt stretch forth thy hands, and another shall gird thee, and carry thee whither thou wouldest not. 
19 Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso dhimashaduu Ilaah ku ammaani doono. Markuu waxaas yidhi dabadeed, wuxuu ku yidhi, I soo raac. 
19 This spake he, signifying by what death he should glorify God. And when he had spoken this, he saith unto him, Follow me. 
20 Butros markuu jeestay wuxuu arkay kii xerta ahaa oo Ciise jeclaa oo daba socda; isagu wuxuu ahaa kii laabta Ciise ku tiirsanaa wakhtigii cashada oo ku yidhi, Sayidow, waa kuma kan ku gacan gelin doonaa? 
20 Then Peter, turning about, seeth the disciple whom Jesus loved following; which also leaned on his breast at supper, and said, Lord, which is he that betrayeth thee? 
21 Haddaba Butros markuu arkay, wuxuu Ciise ku yidhi. Sayidow, kanna ka warran? 
21 Peter seeing him saith to Jesus, Lord, and what shall this man do? 
22 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaan doonayo inuu joogo ilaa aan imanayo, maxaa kaa galay? Adigu i soo raac. 
22 Jesus saith unto him, If I will that he tarry till I come, what is that to thee? follow thou me. 
23 Haddaba waxaa walaalaha ku dhex faafay hadalkaas oo leh, Kaas oo xerta ka mid ahaa ma dhiman doono. Laakiin Ciise kuma odhan, Ma dhiman doono, wuxuuse yidhi, Haddaan doonayo inuu joogo ilaa aan imanayo, maxaa kaa galay? 
23 Then went this saying abroad among the brethren, that that disciple should not die: yet Jesus said not unto him, He shall not die; but, If I will that he tarry till I come, what is that to thee? 
24 Kan weeye kii xerta ahaa oo u marag furay waxyaalahan, oo qoray waxyaalahan, oo waxaannu garanayna maraggiisu inuu run yahay. 
24 This is the disciple which testifieth of these things, and wrote these things: and we know that his testimony is true. 
25 Waxaana jira waxyaalo badan oo kale oo Ciise sameeyey, oo haddii mid mid loo wada qoro, waxaan u malaynayaa inaan dunidu qaaddeen buugagga laga qoro.
25 And there are also many other things which Jesus did, the which, if they should be written every one, I suppose that even the world itself could not contain the books that should be written. Amen.