Haddaba sidatan u tukada,

Aabbahayaga jannada ku jirow,
magacaagu qoduus ha ahaado.
Boqortooyadaadu ha timaado,
doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo.
Kibis maalin nagu filan,
maanta na sii.
Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.
Oo jirrabaadda ha noo kaxayn,
laakiin sharka naga du.
Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa.
Aamiin.